Wednesday 30 December 2015

SIRTA SHISHEEYE IYO MAAN GAABNIMADA SOOMAALI Q:1AAD) Q/R:AXMED FARATOOYO



SIRTA SHISHEEYE IYO MAAN GAABNIMADA SOOMAALI Q/R:AXMED FARATOOYO

Aduunkan qariban waa dhacdooyin wareegto ah maalmuhuna waxay macalin u yihiin cidii fahmaysa casharada ay bixinayaan oo ah dhacdooyin daahsoon oo wata dareen xanuunbadan oo xasaasiyad galinaya qof walba oo caqli leh dareemayana dhibka uu leeyahay kala qaysanku .
 waxaa caanbaxday baryahaan dambe in soomaaliya lala doonay bur bur iyo kala qaybin qarsoodi lagu sameeyo laguna qanacsanyahay wanaagna looga dhigo waxaase wax laga xumaado ah inaan ilaahada garan lanahay dhibku meeshuuu kajiro .

Dalka soomaaliya aduunyada gaaladu raali kama ahan mana jecla inay noqoto dawlad madax banaan ilaayo uu gumeestuhu dalkaan qabsaday waxaase jirta dareen been ah oo soomaalida loo akhriyay 1960kii oo loogu magacdarat ((SOOMAALIYA WAA MADAX BANAANTAHAY)) mashruucaas oo ahaa fal been been ah laguna badalayo qaabkii hore ee gumeestuhu dalkaan ku haystay oo eheed awood milatari balse markay arkeen in diinta iyo dhaqanka suuban uu sii kordhayo ayay markale bilaabeen inay badalaan qaabka milatariga oo lagu badalo qaab maskaxda dadkaan lagula wareego iyadoo laga dul qaadayo milaterigii xooga weenaa oo dulsaarnaa .

  Sanadadii 1970-1977 ayaa dalka waxaa lakeenay hay,aad shaqadoodu ay tahay cilmi baaris dhab ah si,ay usoo ogaadaan sida dhabtaa ee soomaali lagu qabsan kao oo kabadalan qaabka milateriga hase ahaatee cilmi baaristaasi masii raagin oo waxaa bilawmay markiiba dagaalkii u dhexeeyay dawlada kiristanka ethopia iyo jumhuuriyadii soomaaliya halkaas oo uu dhexmaray dagaal culus oo keenay in loobaqo dawladii kiristanka ee itoobiya oo ay usoo gurmadaan dawlado aduunyada xoog kulahaa iyadoo aan la ilaawikarin inay jireen soomaaliya lafteeda ay usoo gurmadeen dawlado dhawr ah blse ay mabaadida ay taageeradoodu u badnayd ay ahayd mabda siyaasadeed oo kaliya .
  Waxay soogudubtaba burburintii milateri ee soomaaliya lagu soo afjaray ayay qayb ka eheed in lahubeeyo ururo qabiilo labaxay markaas blse ka fogaa in lagu tilmaamo qabaa,il aanse ku tilmaami karno inay huwanaayeen oo kaliya blse mabaa,iida iyo qaabkay u shaqeenayeen ay ahayd qaab aad moodid in meel kale laga soo waariday.
balse sanadkii 2000 shirkii lagu qabtay carta ayaa wuxuu hordhac u ahaa lawareegida maskaxda soomaalida iyadoo la adeegsanayo kuwo soomaali ah blse aan dareen leheen soomaalinimo aan lahayn waxayna bilaabeen markiiba mabda sheegaya inay soomaalidu wax u qaybsato qaab 4.5 ah oo micneheedu tahay 4 qabiil oo waawayn oo dhameestiran iyo mid haaf ah bal adigu u fiirso inay tahay maskaxda siyaasiga qaatay qurunkaas maskax uusan isagu leheen oo lagu dhex jiro muxuu ku doortay inuu jiro dad dhiman oo haaf ah kaagasiidarane kawaran xaalada qofka isagana waxaas qurunkaa laagu tilmaamyo hadana fadhiya goobta isagoo ku faraxsana saxiixaya waa labo maskaxoo oo lala wareegay.

  2000 wixiikadambeeyay waxay wadeen shisheeyuhu siduu ku baa,i,in lahaa jiritaanka soomaali fiyoow kadib markay u rumoowday riyadii 2000 ee carta waxay ahaataba waxaa lasoomaay dhawr dawladood oo aad moodidba inay cidkale u adeegayaan kana fog mabaadida islaamka iyo wadaniyada waxaa taas kasii daran dawladahaas laftooda oo is dhaamay tii loo arko inay dawladnimo muujisay waxaa durbaadiiba lagu bilaabayay qaabkay isugu diri lahaayeen oo lookala qaybin lahaa u fiirso oo taariikhda dib u raac imisa dawladood ayaa bur buray?? maxayse labur bureen?? yaasekadambeeyay burburkooda??
>>>>> LASOCO QAYBTA2AAD>>>>>>

  

Tuesday 29 December 2015

QUR,AANKA IYO SAYNISKA


QUR,AANKA IYO SAYNISKA
Sida Aynu wada Ogsoonahay Kitaabka Quraanka waa Mucjiso Cilmiya oo Dhamaan koobsata Cilmiga Hada Adduunka Lagu hayo,
 Hadaba waxa la Ogaaday hada mar Cilmiga Geography ga lagu Dabaqay in Dead Sea ay Tahay Barta Aduunka ugu Jooga Hooseysa Hoosna uga Dagsan Jooga Bada Celcelis ahaan -395 m. Taasi waa cadayn Cilmiyaysan oo Hada la Hayo Geographyic Ahaan ,Qofwal oo Academic ahina Ogyahay ama Ogaan karo. Hadaba Quraanku maxuu ka yidhi Ayay Iswaydiintu tahay,Ila Eega Hadaba Idina :- Suurada Al-Rum waa Suurada 30aad ee Quraanka,sida aynu Ogsoonahayna ku Bilaabanta Warinta Qisadii Romanka(Pysantine) iyo Persianka Dhexmartay,iyagoo Ahaa markaa 2dii Dawladood ee Aduunka ugu Tunka iyo Awooda waynaa uguna Dhulalka Balaadhnaa , waatuu Alle SWT Dagaalkoodii ku sheegay in Romanka(Pysantine) la Jabin doono oo ay Guulaysan doonaan Persian ku Isla Markaana Mudo yar oo Sanado Gudahooda Ka dibna ay Kaga soo Kaban Doonaan Roomanku oo Mardanbe ka Guulaysan doonaan Persian ka,oo ay waliba si Daran u Jabin doonaan,Runtii waa Suurad Dheer Qisadeedana aynaan ka Boganayn iyo Tafsiirkeeda ee aan u Soo Dago Muraadkeena,.... Eeg oo ila Dheeho Aayadaha 1-3 ee Suuradani Al-Rum si aynu iskula Jaan qaadno. Illaahay waxa uu ku Bilaabay Dhaar :- 30:1 30:2 30:3 *((*(1)Alif ,Lam ,Miim (2) Qulibati Ruum (3)Fii Adna Al-Ardi Wa Hum minm Bacdi Qalabihim sayaqlibuun))* Muraadkeenu waa Intaas ,Hadaba aynu Qeexno Qisadaasi waa xaqiiqo iyada lafteedu Mucjiso ah oo waatii sidaa alle u sheegay u dhacday Taariikh ahaan oo waa War cad oo Gaal iyo Muslinba la Hayo,Hadaba Mucjisada ku lamaani waa Dagaalkaasi Barta uu ka dhacay waliba Dagaalka Hore ee Suuradu Xustay ee Romanka marka laga Guulaysan doono ee la Jabin doono waa Goobta Hada loo Yaqaan Dead Sea waana Waadix ama Arin cad oo aan lagu muransanayn , ileen waaba taariikh dhaw oo aan fogayne waxa laga sokeeyaaba waa 1000 iyo Boqolaal sano,sida aynu ognahayna Hada Aqoonta iyo Cilmiga waxaaba la hayaa Taariikho Hore oo aad u fog,aan ku soo laabto Cadayntee Goobtaasi ah Dead Sea (Al-Bahr Mait) waa Barta ugu Hooseysa Aduunka Geography ahan Cilmigan Hada. Hadana Illaahay ayaaba Quraankiisa ku Sheegay waxaana Cadaynaysa Aayada 3aad Bilowgeed oo ah ((( Fii Adnal Ardi ))) U kaalay Labadaasi Eray waa Af-Carabi macnayaashooduna waa ((Adna=1:Ugu dhaw;2:Ugu Hooseysa Waa Carabiga Qotoda Dheerleh waliba)) ((Al-Ardi=1:Dhulka,2:Aduunka ))Intaas Hadaynu isla Garanay......Eray waliba macnayaal 2ba ah ayuu ku leeyahay Afka Carbeed. Xataa Soomaaligeena erayga Dhul waynu u Adeegsanaa 2da macneba Dhulka Illaahay iyadoo loo jeedo Aduunka,iyo dhulka aynu ku taaganahayba,Hadaba aan ku sii socdee intaas markaynu isla Garanay waxa aynu sugnaaba waa Qiritaanka iyo Xaqiijinta,in Dead Sea Ogaanshaha Hada Cilmiyeed ka horba uu Alle Quraankiisa ku Xusay,Balse Rasuulka CSW iyo Saxaabadiisii Berigaa ay Erayga (Adna Al-Ardi) ay ku Fasireen ugu Dhawaansho ama dhulka ugu dhaw,amaba se dhulkii dhawaa Hadba sida loo fasiro,Aayada oo Xiligaas Macnaha ugu macquulsanaa ahaa Maadaama aanay Eraygaas kale ee Ugu Hooseya Odhanayaa,aan markaas Sidaa loo Fahansanayn loona arkay in kan kale kaga haboonyahay , Isla markaana dhawaanshaha ku qiyaasay Qiyaastii Maka sida aan u fahmay ,Balse Eraygu markaasba macnahani kale waa loo Adeegsan Jiray. Hadaba sidaas Darteed ayaynu ilaa Maanta ku Fasiranaa Aayaadkaasi Quraanka ah,laakiin marka luuqada Carabiga dib loo Darsay iyo Lahjadeeda ugu Faseex san ayaa la Ogaaday in Eraygaasi Adna Al-Ardi uu Noqonaayo Ugu Hooseysa Dhulka macno Ahaan,Macnaha iyo Qotada ay Aayadu u jeedaana uu Noqonaayo markaasi ****Roomanka waxa lagu Jabinayaa Barta Dhulka ama Aduunka Ugu Hooseysa**** Hadaynu Aayadaas ku Fasirno Dhulka ugu Dhaw ama Dhulkii Dhawaa.....sida Hada ay ku Fasiraan Culimada Tafsiirku waxay u muuqataa in Hada ay aad uga Macquulsantahay Sharaxa Aayadaasi sidatan Hada Cilmiyaysan oo waxaynu ognahay in meel aynu ka shiidaal Qaadano aanay jirin Hadaynu Dhawaanshaha Qaadan lahayn,Qiyaastu Halkay ka Bilaabmaysaa Ma Maka mise meel kale,....??? Kolaytaba labada macneba waa Af-carbeed kolba kii lagu tafsiirana Illaahaybaa Og ka uu u jeeday ayaan kaga baxayaa,laakin waa xaqiiq in Eraygaasi sharaxiisu yahay ugu dhaw,iyo ugu Hooseysa,waliba maaha Hoose ee waa ugu Hooseysa...Wallaahu Aclam Hadaba waxaynu leenahay marka la isku kaashado 2badaasi Baadhitaan ee midna Geography ga yahay midna Isir raaca afka Carbeed ayaa waxay inoo Cadaynaysaa in Dead Sea ay tahay Barta ugu Hooseysa Dhulka marka lagu Qiyaaso Jooga Bada iyo Oogada Dhulka,waxaana Marag madoon ah in Quraanku ka Horeeyay oo inoo sheegay si cad in Romanka lagu Jabin Doono Barta Dhulka ama Aduunka ugu Hooseysa. Taasi waa Mucjisooyinka Quraanka Illaahay iyo Cilmiga Haatan Casriga ah ba,Marka la siku kaashadana Dad Badan lagu Hanuunin karo in Kitaabkani Yahay Al-xaq aan la Beenin karin. Maadaama oo Aduunku is Badalay maanta waxaan odhan karaa Cilmigu waxa uu Qayb wayn ka Qaadan karaa faafinta Diinta Islaamka,iyo Fahansiinta Umada aan wali Fahmin Nolosha iyo Xaqa,waana Habka ugu Concrete-san ayaan odhan karaa ee Diinta lagu faafiyo iyadoo meel lagu tiirinaayo Seef ,Xabad ,Qasab iyo Digdig kale waxa aad ugaga Haboon Cilmiyaynta Faafinta Diinta Islaamka. Inagoo soo dheeganayna waqtigii Nabiga CSW fiditaankii diintu waxa uu 100 Jibaarmay waxay ahayd xiligii Heshiiskii Xudaybiya ama Nabada Dabadiis oo la odhan karo Muslimiintii waqtigaa ka hor waxa ku 100 Jibaarmayay Tirada Intii soo Islaamtay Heshiiskaas Dabadiis ee Markii si Cilmi iyo Wacdi ah loogu sharaxay Umadihii kala duwanaa uu alle soo Hadeeyay intoodii uu khayrka la Damcay. Yaanan ku dheeraane intaasina waa iga Aragti iyo soo Bandhigid Dacwiyah Insha allaah ee Muslimiineey aynu sidan maanta wax badan ka Badalno,Si Caqli iyo Cilmi lehna aynu Diinta u faafino,Balse sida Maanta Dadka Qaar ku wadaan waaba Diddin iyo sii nacbaysiin ee Ilama aha inay fidinayaan Diintan Suuban,Xoogaa waxaad moodaa in aan ka baxay Mawduuciiye waxaan Jeclahay inaydun Ila fahanteen isla markaana Ila qaadateen Warkaasi Insha allaah ee Alle Ha inagu anfaco. Cudur Daar Fadlan Ha igu dhibsanina Quraanka aan xarfaha latinka ah ku qoray ee waan ka fursan waayay oo waxaan ku tala galay Hadii Mareegaha Qaarkood aanay Afka Carabiga Qaadan si sharaxayga oo Ayada La'aanteed aan suurtoobayn loo fahmo oo waa Laf dhabarta Qoraalkayga. Gaba-Gabo Waxaan Jeclahay inaydun si wacan ii fahanteen,Balse Khaladna kuma jiro Ee taasna ogaada(Xogta cudurdaarka),laakiin Bulshadeenu waa Bulsho dagdag badan oo iska kaa xukumaysa oo seef la boodkuna ku Badanyahay,waa hada isla inagiiye intaasi kaftan iyo dhaliilba ha'iga ahaato Soomaalaay,insha allaah waan Hayaa Mucjisooyin kale oo Badan oo Quraankeenu Xanbaarsanahay isla markaan Culuumta kala duwan ee Casriga ah ku Qotoma Insha allaah waan soo Bandhigi doonaa ee idina ka sii faaideeya,intiina Afafka Qalaad ku sii Badali kartaana Gaadhsiiya walaalayaal Umada iyo walaalaha kale ee Muslimiintaa !! Illaahay baan Danbi dhaaf waydiisanaynaa......iyo Aqoonba. 

Friday 25 December 2015

Fadliga maalinta jimcada iyo cibaadoynka la sameeyo qr:muxibatul firdaws




Fadliga maalinta jimcada iyo cibaadoynka la sameeyo
Allaha Sarreya wuxuu ka doortay maalmaha maalinta jimcada, sida uu uga doortay habeenada habeenka leilatul qadri, uugana doortay bilaha bisha ramadaan. Maalinta jimcada waa maalinta ey muslimiinta isku imaadaan, oo ey warka kala qaataan iyo waxa soo kordhay isbuucaas waa ciida isbuuca. Alle ayaa maalintaan u doortay ummadaan kana dhumiyey umadahi naga horreyey asagoo nagu fadliyeelayo. Maalintaan waa maalinta aabeheen aadan la abuuray, waana maalinta ey qiyaamadu dhageyso waana maalinta jannada la galayo.
Nabigana wuxuu yiri: ”Maalinta uugu qeyrka badan ey qoraxdu soo baxdo waa maalinta jimcada.”
Sidoo kale Nabiga wuxuu yiri: ”Salaadaha shanta iyo jimca ka jimca iyo ramadaan ilaa ramadaan waa dambi dhaaf inta u dhaxeyso hadii uu ka fogaado kabaairta.” (Muslim)
Waxaa jiro cibaadoyn gaar u ah maalinta jimcada eynan la wadaagin maalmaha kale waxaa ka mid ah:
1. Salaada jimcada iyo isku diyaarinteeda (maqaalka soo socdo ayaan sifiican u faahfaahdoonna inshallah).
2. In maalinta jimcada la aqriyo suuratul kahf (Suuradaan qofkii xifdiyo 10 aayad ee hore riwaayad kalena 10 aayad ee dambe waxey kaa xifdinaayaan dajjaal).
3. In lagu tukado salaadda subax ee maalinta jimcada suuratul sajda rakcada koowad tan labaadna suuratul insaan.
4. Waxaa ku jiro waqti ducada la aqbalo oona culumadu u badanyihiin in ey tahay:
a. inta u dhaxeyso aadaanka jimcada ilaa laga galaayo salaada jimcada
b. ama salaada casir kadib ilaa maqribka
5. In la badiyo ku sallinta nabiga sallalaahu caleihi wa sallam.!!!

mansha allaah qore:Abdiwahab Daarulcilmi Hassan



Shirkadii diyaaradaha ee u horaysay oo fulinaysa qawaacida islamka,.oo laga hirgaliyay Malaysia,..
Cuno xalaal ah,mamnuuc cabitaan aan xalaal ahayn,. Boos dadku kutukadaan,gabdhaha kashaqaynaya oo xijaab uu u yahay dharkooda,..
gabar racaysay oo lawaydiyay waxay kudoratay inay ku safarto diyaradaan ,waxay tiri waxaan dareemayaa inay imatalayso madaama aan muslimad xijaaban ahay dal muslim ahna aan joogo ,..
Dalka oo dhan baana aad looga soo dhaweeyay, waxayna yiraahdeen labadii diyaaradood ee lawayay Malaysia Airlines waxaa sabab u ahaa cadaadkii iyo sharcigii alle oo ay khilaaftay,,,caradii rabi baana ku dhacday,...
rabi ha ubarakeeyo labadaas qofood oo asaasay shirkadaan islaamigaa,...xoolahooda,iyo ehelkoodaba,.. Allaahuma amiin ,....
faah faahin dheeri ah halkan ka aqri

Yaan Lagu Dagin qr: Abdirashid Ahmed Yousuf



Yaan Lagu Dagin
----------------------------
Mahad Dhamaanteed Waxa Leh Allah Inoo Doortay Diinti Xaqa Ahayd, Inoo Dooray Nebigi Basharka Ugu Fadliga Badna, Waa Nebi Maxamed SCW, Inoo Dooray Kitaabka Koobsaday Dhamaan Kutubti Hore Warkoodi.
Maanta Waxay Ku Beegan Tahay Maalin Ay Xusaan Waynayaan Dadka Aan Rumayn Diinta Islaamka Waa Kiristanka'e 25/12/2015 Waa Maalin Ay U Asteeyen Inuu U Noqdo Ciid Ka Mid Ah Ciidad kooda, Hadana Inaga Ka Islaam Ahaan Waxaa Inala Gudboon Inaan Iska ilaalino Inaan La Wadaagno Ciidkooda Quraanka Iyo Sunnada Ayaa Xarimay Inaan La Wadaagno Oo La Dabaal Degno, Sido Kale Culimada Islaamku Waxay Isku Waafaqeen Xaarantinimada Maalinka Iyo Maalmaha La Midka Ah In Lala Wadaago Umada Gaalawday Wuxu Inoo Sheegay Nebigu SCW Xadiis Macnihiisu Ahaa in Qofki Qolo Isu Ekaysiiya uu Iyaka Ka Mid Yahay.
Sida Awgeed Waxa Aan banaanayn In Laysugu Tahniyadeeyo Maalinkan Hadiyado Laysa Siiyo IWM.
Gunta Iyo Gunaanadka Waxaan
Dhalinyarada Ku Boorinaya Inay Iska Ilaashaan Ka Qayb Noqoshada Dadka Xusaya Maalinkan Sido Kale Ay Ka Digaan Oo Baraha Bulshadu Ku kulanto Isku Dhaafsadaan Wacyi Gelinta Intaan Ku Baraarugsanayn Dhagarta Gaalada Iyo Xusida Maalmahooda.

Wednesday 23 December 2015

MATAHAY XAAS WANAAGSAN ISKA EEG SIFOOYINKAAN HADIIKALE MATIHID XAAS WANAAGSAN


waxaa lagu garta xaaaska wanaagsan qodobooyin iyo sifaat badan waxaana ka mid ah sida soo socoto! 
1- waa mida alaah iyo rasuulkiisa adeecda waqti walba iyo xaalad walba cabsida eebana kaalmeysata noqotana mid wanaagsan!
2-waa mida ilaalisa nafteeda iyo maalka seygeeda marka uu maqanyahay iyo marka uu joogaba!
3- waa mida ninkeeda farax galisa markuu eego oo uu ladhoco quruxda iyo heybada ka muuqato jirkeeda iyo walibana qalbigeeda`waayo haweenba haweeynta ay ka jiidasho badan tahay ayeey rago ka jecel yihiin oo quluubta raga kasbato!
4- waa mida aaan wareeg badneyn oo aana ka bxiin gurigeeda idinka seygeeda ama zowjkeeda
laàantiis!
5- waa mida shukrinta badan oo allah mar kasta ku mahdiso iyo sidoo kale umahad celiso seygeeda marka uu wanaag usameeyo!
6 -waa mida dhoola cadeynta badan oo mar kasta udhoola cadeysa zowjkeeda!
7 -waa mida marka ay seygeeda wax uga baahantahay la fiirsato waqtiyada munaasabka ugana sheegato sida oogu munaasabsan ooguna asluubta fiican oogana dagan si ay hadafkeeda wanaagsan u gaarto!
8- waa mida sabirka badan ee ku sabirta haduusan dhaqaalo fican heysan seygeeda! kuna shukriso allah haduu yahay mid wax heysta!
9- waa mida usaaxibka ah aqlaaqda wanaagsan waayo quruxda dhabtaa waa aqlaaqda iyo sharafta!
10- waa mida waa aan gurigeeda ka bixin iyadoo qaawan oo aanan asturneyn quruxdeeda aan banaaka dhigin` ee asturta jirkeeda!
11- waa mida waa mida aanan ninkeeda ku qeylinin buuq iyo qeylo ujoogna aanan aheyn oo aanan muranka badneeyn!
12- waa mida ku boorisa seygeyda inuu xariiriyo ehelkiisa iyo walidiintiisa iyo saxiibadiisa wan wanaagsan! xasuusisana inuu ubaari sameeyo labadiisa waalid!
13- waa mida xasuusiso zowjkeeda daacada rabi iyo raadinta wanaaaga iyo xalaal mirashada iyo walibana dhowrsanaanta iyo alle ka cabsiga!
14- waa mida run sheega badan ee iska ilaalisa beenta iyo xaaraanta!
15- waa mida ka fikirta tarbiyeynta ubadkeeda bartana ubadkeeda wanaaga iyo ixtiraamka waalidkooda ku dadaashana sey ku noqon lahaayeen ubad toosan oo wax ka qabsada aduun iyo aakhiraba isla markaasna ducada oogu sii kaalmeyso!
16- waa mida ka fogaato xanaaqa badan iyo walibana ku dhaqaaqa falalka xun xun sida aarsashada! iyo la ficiltanka zowjkeeda!
17- waa mida aan jees jeeska iyo kibirka badneyn waayo kibir allah SW kaliya ayuu usugnaaday!
18- waa mida is jilcisa una hogaansanta zowjkeeda waa waxaa ladhaha ragu waa sida libaaxa`libaax hadaad la loolanto waad jabeysa lakiin hadii aad lahishiiso wixii afkiisa ku jiro waad kala bixi karta! qodobkaan waxaa ku jiro xikmad ee isku daya inaad fahantaan!
19- waa mida dagan ee aan fududeeyn oo aan dhac dhaca badneyn markeey gurigeeda ka baxdo oo ku baxdo sharaf iyo daganaan kuna soo laabato!
20- waa mida hamigeda ubadiso aakhiro iyo maalinta danbe ee allah lahor istaagi doono oo aanan hamigeeda aheyn uun mid aduunyo daba carara!
21- waa mida allah talo saaarato tawakusho oo ay diinta celiso waqti walba iyo xaalad walba oo lagu jiro ama ay soo maarto waqtigana ku sabirto!
22- waa mida ilaaliso daacaadka rabi iyo waajibaadka allah saaray salaadeedana xifdiso!si ay aakhiro uliibaanto aduunyadana ugu noqoto ubadkeeda tusaale fiiican!
23- waa mida garataa qiimaha uu leeyahay zowjkeeda iyo halka uu ka joogo sarana uqaado oo aanan ku bahdilin dadka agtooda!
24- waa mida og waxa ay usmeyneyso zowjkeeda ineey tahay xaq allah saaray aysan aheyn iska samee ayna ogtahay ineey gudaneeyso waajib alle iyo wax nafsadeeda ufiican!
25- waa mida hadey qaldanto ay qalad gasho si dag dag ah ooga soo laabato zowjkeedana cafis weydiisato waayo ibni aadanka oo dhan waa qaldamaaa waxaana ugu fican kuwa qaldama hadana qaladkooda ka soo laabta!
26- waa ilaaliso nadaafada gurigeeda iyo jirkeeda qaasatan ninkeeda gogoshiisa!
27- waa mida dhowra bilicda zowjkeeda iyo labiskiisa ayna ku dadaasho suu unoqon laha ninka dunida oogu quruxda badan!
28- waa mida laga garto gurigeeda iyo wanaageeda iyo nuurkeeda ninkeeda wanagiisa iyo sida uu uqiimeeyo!
29- waa mida ninkeeda garab istaagta xiliya uu garabka ooga baahanyahy tusisana ineey ooga filantahay dhinac walba ayna tahay garabkiisa midig marwalba!
30- waa mida aan ku mana sheeganeynin zowjkeeda iyo waxa ay uqabatay lakiin u aragto ineey sameeysay wax ay ku muteysatay amaaan oo idil!
31- waa mida is qurxisa ee marwalba dhalaalka badan oo uu ka ifaaayo wajigeeda iyo dhamaan jirkeeda oo dhan qurux aduun iyo walibana ay ka muuqato raaali galin rabi!
32- waa mida labiska badan ee soo jiiidashada badan oo waagi baryaba if iyo nuur la soo baxdo loona maleeyo caruusad cusub!
33- waa mida is udgisa is carfisa oo walibana ilaalisa sankiisa inuusan wax karaahiya ah urinin iyo walibana indhahiisa meshey qabanaayaan!
34- waa mida aan oogu faanin zowjkeeda quruxda ilaahey siiyay oo aysan marwalba oogu caga jugleynin ineey ka qurux badan tahay ee ogaato ineey quruxdeeda tahay mid asaga loo abuuray!
35- waa mida aanan soomin soon suna ah ilaaa inuu raali kayahay maahane!
waa mida ilaalisa gurigiisa una xifdisa maalkiisa oo anan u ogolaanin gurigiisa cid uu asaga rabin ama uu necebyahay!
36- waa mida aanan ka sheekeenin sirta seygeeda iyo arimahooda qaaska ah! maxaa yeelay waa ceeb iyo nadaam daro mana aha wax fiican!
37- waa mida shaar ka dhigata xishoodka iyo dhowrsanaanta waayo xishoodka waa qeyb ka mid ah iimaanka!
38- waa mida raaliyo unoqotaa zowjkeeda dhan walba haba uga sii jiljilicsanaato dhanka firaashaka iyo nolol la qaadashada!
39- waa mida xasuusisa zowjkeeda wixii xaq ah ay ku leedhay haduu uu yahay mid aan firfircooneyna is ku dayda ineey ka farxiso ama nashaad ka dhigto!
40- waa mida aan seygeeda gacan u qaadin aflagaadana u uquurin caay iyo af xumana warkeedaba daaaa! xaashaa lilaah zowjka qiimaha leh intaas iyo in ka liidataba uma qalmo!
41- waa mida lakaftanta lana ciyaarta zowjkeeda kana farxisa iyadoo kaga dayaneeyso sayidadinaaa caishah RADIYALAHU CANHAA sida ay ooga farxin jirtay rasuulka SCW ayna ula orodami jirtay mararka qaarkood!
42- waa mida ku sabirta gurigeeda oo sii qabo iyo soo celi uun aan maanta dhan lagu jirin! isku daydana ineey mushkiladaha aya gurigeeda ku xalisato inta ay awoodo!
43waa mida aanan ku fataalin kuna ciyaarin xoolaha seygeeda lakiin u isticmaasha sida ay ugu bahantahy una xifdiso wixi ka soo hara oo ay mar walba ku dadaasho kabkiisa aysan ku dadaalin jabkiisa!
43- waa mida cowradeeda ka qarisa iskana asturta ajaanibta lakiin jirkeeda iyo quruxdeeda usoo bandhigto ninkeeda xalaasha ah!
44- waa mida ku dadaasha ineey ogaato waxyaabaha uu necebyahay seygeeda iyo wax yaabaha uu jecelyahay qaaasatan xaga cuntada iyo arimo badan!
45- waa mida dareen siisa ninkeeda inuu helay qof qaali ah oo uuna yahay ninka raga oogu sareeyo oo aan xaga xaaska iyo raginima loola looltami karin eee heysta garab culus!
46- waa mida aanan xasuusinin ninkeeda qaladaadkii uu ka galy lakiin kasoo qaadaa kuwa tagay lagana gudbay waa cusubna oo uu mar walba ubaryay sheydaana laga guuleystay!
47- waa mida ninkeeda usoo bandhigta jaceylka ay u qabto daqiiqad walba iyo sida uu qalbigeeda oogu weynyahy oo aanan ka baqiilin hadalada macaan oo walibane dabacsan!
48- waa mida ninkeeda la garab istaagta ducada amaanta iyo soo jiidashada iyo walibane dareensiinta inuu rag qiimo dheeryahay!
49- waa mida iska ilaaliso ineey soo cel celiso qaladka marwalba waayo qaladka ooo bato wuxuu dilaa ama dhameeya jaceylka iyo ixtiraamka! iyo kala danbeynta!
50- waa mida hadakeeda yaryahy lakiin qiimo badan yahay soo jiidashana leeyahay oo aanan hadal badneyn maxaa yeelay hauuu hadalka fiddo yahay aamusnaantana waa dahab!! waa xikmad hadalkaasi! wixi xaq ah allah ayeey usugnaadeen wixii qalad ahna sheydan hadaad fahmi weyso iyo hadaad farta akhrin weysoba ka raali noqo!
52  waa mida aanan ku jeesjeesin adoomada ilaahey oo aanan iska qaad qaadin dhulka oo aanan dareensiinin walalaheed kale ineey ka fiicantahy ama ay ka cilmi badantahy!
53   waa mida ku faraxsan proud ku ah inuu allah ka dhigay zowjad asturay sharfay hoy iyo karaamo siiyay kuna qanacsan sharafta uu allah siiyay iyo martabada uu udoortay allah sw
54   waa mid og ineey qaaday masuuliyad weyn maalinteey aqbashay ineey noqoto xaaas oo uu fuulay masuuliyad weyn xaq badana ay dusha ku raratay! loogana fadhiyo sideey amaanadaaas si dhameystirin ooga soo bixi laheyd!
55  waa mida aanan ooga sheekeenin ninkeeda axwaashiii iyo asraartiisa ama xitaa sifooyinka uu leeyahy ama meelaha uuu ka jilicsanyahy wixii dheeraad ah oo nimco ilaahey aah oo banaan ka sheekeyso sida kheyrka maxaa yeelay nicmada eebe in laga sheekeeyo waa banaantahay wa amaaa binicmati rabika fa xadis
56   waa mida aan mar walba zowjkeeda oogu booteenin furitaanka ama aanan ku dagdagin inkastoo ay carada la egtahy  laakiin ay furiin iska ilaaliso waayo waa sifo allah necebyahay sw
57  waa mida aanan dhibin zowjkeeda oo aanan caynin oo aanan nacladin maalintiina inaad naclado habeenkiina aad zowjad u noqoto ukhtii waa sifo aanan fiicneyn caayda iyo nacaladana waaba mid aanan dhinac walba ku fiicneyn
58   waa mida fiirada dheer oo ka warqabto zowjkeeda baraarujiso xasuusiso daacada iyo kheyrka siisona zowjkeeda xuriyad kaaafi ah oonan ku ciriirinin nolosha!
59  waa mida dareento cidlo iyo ineey wax weyn ka maqanyihiin markuu zowjkeeda maqanyahy oo ay u aragto inuu uyahay garab aysan marnaba ka maarmin! marka uu lajoogana umuujiso farxad iyo ineey tahy mid xagiisa ka dhameystiran
60  waa mida sii dhaweysa ilaa albaabka zowjkeeda markuu baxaayo una duceyso kana dhunkato madaxa tusto maxabada ay u heyso waxaad arki doonta adna makaanada aad ka joogtit iyo qadarinta uu kuu haayo inta ay la egtahy! bal samee adaa arki doono isbadal weyn insha allah
61  waa mida hadeey wax isku daydo ay wixii usuura gali waayaan aanan oohin iyo baroor iyo niyad jab la fariisanin ee boorka iska jaftaa xaawishana in kabadan boqol jeer waxaa xaqiiiqa ah ineey marka danbe ku guuleysan doonto

62   waa mida ninkeeda markuu hadlaayo aamusta dhageysato u muujiso ineey sifiican oogu qanacsanthay waxa ama uu kala hadlaayo ama uu usheegaayo

63  waa mida aanan ku mashquulin howl aduunyo marka uu ninkeeda guriga joogo aysan cidlenin uusan dareemin inuu yahy mid aan qiimo laheyn!
64  waa mida waqtigeeda inta badan kheyrka iyo barashada dinta carabkeeda mar walba uu ka qoyay yahay dikrika allaah sw aysan ku mashquulin waa la yiri iyo wey tiri

65   waa mida aanan waqtigeeda ku luminin waxyaabaha aanan quseynin oo ayna shaqada ku laheyn wax faaido ahna aan ku soo kordhineynin nolosheeda aduun iyo mid aakhiroba!
 66  waa mida ku dadaasha aqrinta quraanka oo aysan kaga mashquulin adoonyo uun ay laazinto waayo waa nuurka beydkeeda  iyo mustaqbalka awlaadeeda!
  67  waa mida plan iyo qorsho usameysato nolosheeda go"aana dhab ahna gaarto aan labac labac badneyn fiirsato hadafkeeda iyo danaheeda maxaa yeelay qofka aan go"aan la heyn sharaf ma lahan

68  waa mida daaciyada ah oo allah diintiisa gaarsiiso dadba daka oogu dhaw oo aanan dhankaas ooga gaabinin waxaan ahy hooyo lakiin waqti usameyso haba yaraade sida uu allah oogu daro ducaada wanwanaagsan

69  waa mida qiimeysa ninkeeda markuu ra"yi ukeeno uu latashi sameeyo aysan ku ceebeyn haduu ra"yi aan fiicneyn uu yahay marnabana aysan ku adeecin macsida rabi!

70 waa mida aanan caajiska badneyn oo maanta dhan ama xanuunsan ama wareersan ama mashquulsan uu aananba nashaad laheyn uu aadan kala garaneynin nieey jirantahay iyo ineey xanaaqsantahy iyo iney ineey ....... waayo caajiska wax fiican ma aha ee waa wax aalllaah laga magan galo
 71  waa mida ka fogaato shirkiga iyo diin xumida!

72   waa mida ka fogaato saaxiriinta iyo shaxwadaadka iyo kuwa ilaahey ka furtay iyo kuwa walaalaha shayaadinta!
    
73  waa mida maamulka gurigeeda aanan cid kale gacanta u galinin oo aanan ku ilaawin booyaaso iyo qaraabo ee maamulka gurigeeda dhaxda u xirato
  
74  waa mida jihaad ugasho sida ay sharafteeda u ilaashan la heud  u difaacan laheyd cirdigeeda u dhowrsan lahEYD

75    waa mida mar walba jadiidisa cusbooniiseysa mucaamalada zowjkeeda iyo dhamaan mucaamalada dadka

76 waa mida tussalaha fiican noqotaa dhan walba allaha noo wada saqireee dhamaanteen!
  
77    waa mida aanan u ogolaanin familkeeda iyo dhamaan umada ineey soo guda galaan see rabaan ka yeelaan umuuraha iyo arimaha gurigeeda ilaa wixii ay ka fursan weyso maahane 

78  waa mida ninkeeda markuu safro ducada oogu kaalmeyso inuu allah garabkiisa galo uuna uxifdiyo
   
79   waa mida ceybahaeeda   taqaano ka war qabto ceebteeda og ku dadaasho sey ku qarin laheed ama ku dabooli laheyd ukhtii malahan qof dhameystiran oo aanan ceyb laheen ee dadaal inta tabartaada ah!
80  waa mida ku xaliso mushkiladadheeda sida uu waaqica yahay hadaad aheyd gabar boqor aadan dhihin gabar boqor baan ahay sidee waxaan iigu dhici kaaran gabar diin leh baan ahay sidee la iixumeyn karaa! maya wax walba waa dhacaan ee ku xali mashaakisha waqtiga iyo xaalada markaas lagu jiro
  
81  waa mida lakaliyoota zowjkeeda mar mar ay isku raacaan nuzha ama dalxiis yar oo qurux badan plan kaasna adiga ayaa lagaa raba inaad dajiso haka sugin inuu ninkaada mar walba gadaal kaa riixo

82 ukhtiii kalimadaha wan wanaagsan waa sadaqo waana furaha qalbiga ee ogow furaha zowjkaaga wuxuu ku jiraa afkaaga ee yeyna kaa hoos bixin ee ku baraarugsanoow
          

qore:Salma Qaali

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...