Tuesday 29 December 2015

QUR,AANKA IYO SAYNISKA


QUR,AANKA IYO SAYNISKA
Sida Aynu wada Ogsoonahay Kitaabka Quraanka waa Mucjiso Cilmiya oo Dhamaan koobsata Cilmiga Hada Adduunka Lagu hayo,
 Hadaba waxa la Ogaaday hada mar Cilmiga Geography ga lagu Dabaqay in Dead Sea ay Tahay Barta Aduunka ugu Jooga Hooseysa Hoosna uga Dagsan Jooga Bada Celcelis ahaan -395 m. Taasi waa cadayn Cilmiyaysan oo Hada la Hayo Geographyic Ahaan ,Qofwal oo Academic ahina Ogyahay ama Ogaan karo. Hadaba Quraanku maxuu ka yidhi Ayay Iswaydiintu tahay,Ila Eega Hadaba Idina :- Suurada Al-Rum waa Suurada 30aad ee Quraanka,sida aynu Ogsoonahayna ku Bilaabanta Warinta Qisadii Romanka(Pysantine) iyo Persianka Dhexmartay,iyagoo Ahaa markaa 2dii Dawladood ee Aduunka ugu Tunka iyo Awooda waynaa uguna Dhulalka Balaadhnaa , waatuu Alle SWT Dagaalkoodii ku sheegay in Romanka(Pysantine) la Jabin doono oo ay Guulaysan doonaan Persian ku Isla Markaana Mudo yar oo Sanado Gudahooda Ka dibna ay Kaga soo Kaban Doonaan Roomanku oo Mardanbe ka Guulaysan doonaan Persian ka,oo ay waliba si Daran u Jabin doonaan,Runtii waa Suurad Dheer Qisadeedana aynaan ka Boganayn iyo Tafsiirkeeda ee aan u Soo Dago Muraadkeena,.... Eeg oo ila Dheeho Aayadaha 1-3 ee Suuradani Al-Rum si aynu iskula Jaan qaadno. Illaahay waxa uu ku Bilaabay Dhaar :- 30:1 30:2 30:3 *((*(1)Alif ,Lam ,Miim (2) Qulibati Ruum (3)Fii Adna Al-Ardi Wa Hum minm Bacdi Qalabihim sayaqlibuun))* Muraadkeenu waa Intaas ,Hadaba aynu Qeexno Qisadaasi waa xaqiiqo iyada lafteedu Mucjiso ah oo waatii sidaa alle u sheegay u dhacday Taariikh ahaan oo waa War cad oo Gaal iyo Muslinba la Hayo,Hadaba Mucjisada ku lamaani waa Dagaalkaasi Barta uu ka dhacay waliba Dagaalka Hore ee Suuradu Xustay ee Romanka marka laga Guulaysan doono ee la Jabin doono waa Goobta Hada loo Yaqaan Dead Sea waana Waadix ama Arin cad oo aan lagu muransanayn , ileen waaba taariikh dhaw oo aan fogayne waxa laga sokeeyaaba waa 1000 iyo Boqolaal sano,sida aynu ognahayna Hada Aqoonta iyo Cilmiga waxaaba la hayaa Taariikho Hore oo aad u fog,aan ku soo laabto Cadayntee Goobtaasi ah Dead Sea (Al-Bahr Mait) waa Barta ugu Hooseysa Aduunka Geography ahan Cilmigan Hada. Hadana Illaahay ayaaba Quraankiisa ku Sheegay waxaana Cadaynaysa Aayada 3aad Bilowgeed oo ah ((( Fii Adnal Ardi ))) U kaalay Labadaasi Eray waa Af-Carabi macnayaashooduna waa ((Adna=1:Ugu dhaw;2:Ugu Hooseysa Waa Carabiga Qotoda Dheerleh waliba)) ((Al-Ardi=1:Dhulka,2:Aduunka ))Intaas Hadaynu isla Garanay......Eray waliba macnayaal 2ba ah ayuu ku leeyahay Afka Carbeed. Xataa Soomaaligeena erayga Dhul waynu u Adeegsanaa 2da macneba Dhulka Illaahay iyadoo loo jeedo Aduunka,iyo dhulka aynu ku taaganahayba,Hadaba aan ku sii socdee intaas markaynu isla Garanay waxa aynu sugnaaba waa Qiritaanka iyo Xaqiijinta,in Dead Sea Ogaanshaha Hada Cilmiyeed ka horba uu Alle Quraankiisa ku Xusay,Balse Rasuulka CSW iyo Saxaabadiisii Berigaa ay Erayga (Adna Al-Ardi) ay ku Fasireen ugu Dhawaansho ama dhulka ugu dhaw,amaba se dhulkii dhawaa Hadba sida loo fasiro,Aayada oo Xiligaas Macnaha ugu macquulsanaa ahaa Maadaama aanay Eraygaas kale ee Ugu Hooseya Odhanayaa,aan markaas Sidaa loo Fahansanayn loona arkay in kan kale kaga haboonyahay , Isla markaana dhawaanshaha ku qiyaasay Qiyaastii Maka sida aan u fahmay ,Balse Eraygu markaasba macnahani kale waa loo Adeegsan Jiray. Hadaba sidaas Darteed ayaynu ilaa Maanta ku Fasiranaa Aayaadkaasi Quraanka ah,laakiin marka luuqada Carabiga dib loo Darsay iyo Lahjadeeda ugu Faseex san ayaa la Ogaaday in Eraygaasi Adna Al-Ardi uu Noqonaayo Ugu Hooseysa Dhulka macno Ahaan,Macnaha iyo Qotada ay Aayadu u jeedaana uu Noqonaayo markaasi ****Roomanka waxa lagu Jabinayaa Barta Dhulka ama Aduunka Ugu Hooseysa**** Hadaynu Aayadaas ku Fasirno Dhulka ugu Dhaw ama Dhulkii Dhawaa.....sida Hada ay ku Fasiraan Culimada Tafsiirku waxay u muuqataa in Hada ay aad uga Macquulsantahay Sharaxa Aayadaasi sidatan Hada Cilmiyaysan oo waxaynu ognahay in meel aynu ka shiidaal Qaadano aanay jirin Hadaynu Dhawaanshaha Qaadan lahayn,Qiyaastu Halkay ka Bilaabmaysaa Ma Maka mise meel kale,....??? Kolaytaba labada macneba waa Af-carbeed kolba kii lagu tafsiirana Illaahaybaa Og ka uu u jeeday ayaan kaga baxayaa,laakin waa xaqiiq in Eraygaasi sharaxiisu yahay ugu dhaw,iyo ugu Hooseysa,waliba maaha Hoose ee waa ugu Hooseysa...Wallaahu Aclam Hadaba waxaynu leenahay marka la isku kaashado 2badaasi Baadhitaan ee midna Geography ga yahay midna Isir raaca afka Carbeed ayaa waxay inoo Cadaynaysaa in Dead Sea ay tahay Barta ugu Hooseysa Dhulka marka lagu Qiyaaso Jooga Bada iyo Oogada Dhulka,waxaana Marag madoon ah in Quraanku ka Horeeyay oo inoo sheegay si cad in Romanka lagu Jabin Doono Barta Dhulka ama Aduunka ugu Hooseysa. Taasi waa Mucjisooyinka Quraanka Illaahay iyo Cilmiga Haatan Casriga ah ba,Marka la siku kaashadana Dad Badan lagu Hanuunin karo in Kitaabkani Yahay Al-xaq aan la Beenin karin. Maadaama oo Aduunku is Badalay maanta waxaan odhan karaa Cilmigu waxa uu Qayb wayn ka Qaadan karaa faafinta Diinta Islaamka,iyo Fahansiinta Umada aan wali Fahmin Nolosha iyo Xaqa,waana Habka ugu Concrete-san ayaan odhan karaa ee Diinta lagu faafiyo iyadoo meel lagu tiirinaayo Seef ,Xabad ,Qasab iyo Digdig kale waxa aad ugaga Haboon Cilmiyaynta Faafinta Diinta Islaamka. Inagoo soo dheeganayna waqtigii Nabiga CSW fiditaankii diintu waxa uu 100 Jibaarmay waxay ahayd xiligii Heshiiskii Xudaybiya ama Nabada Dabadiis oo la odhan karo Muslimiintii waqtigaa ka hor waxa ku 100 Jibaarmayay Tirada Intii soo Islaamtay Heshiiskaas Dabadiis ee Markii si Cilmi iyo Wacdi ah loogu sharaxay Umadihii kala duwanaa uu alle soo Hadeeyay intoodii uu khayrka la Damcay. Yaanan ku dheeraane intaasina waa iga Aragti iyo soo Bandhigid Dacwiyah Insha allaah ee Muslimiineey aynu sidan maanta wax badan ka Badalno,Si Caqli iyo Cilmi lehna aynu Diinta u faafino,Balse sida Maanta Dadka Qaar ku wadaan waaba Diddin iyo sii nacbaysiin ee Ilama aha inay fidinayaan Diintan Suuban,Xoogaa waxaad moodaa in aan ka baxay Mawduuciiye waxaan Jeclahay inaydun Ila fahanteen isla markaana Ila qaadateen Warkaasi Insha allaah ee Alle Ha inagu anfaco. Cudur Daar Fadlan Ha igu dhibsanina Quraanka aan xarfaha latinka ah ku qoray ee waan ka fursan waayay oo waxaan ku tala galay Hadii Mareegaha Qaarkood aanay Afka Carabiga Qaadan si sharaxayga oo Ayada La'aanteed aan suurtoobayn loo fahmo oo waa Laf dhabarta Qoraalkayga. Gaba-Gabo Waxaan Jeclahay inaydun si wacan ii fahanteen,Balse Khaladna kuma jiro Ee taasna ogaada(Xogta cudurdaarka),laakiin Bulshadeenu waa Bulsho dagdag badan oo iska kaa xukumaysa oo seef la boodkuna ku Badanyahay,waa hada isla inagiiye intaasi kaftan iyo dhaliilba ha'iga ahaato Soomaalaay,insha allaah waan Hayaa Mucjisooyin kale oo Badan oo Quraankeenu Xanbaarsanahay isla markaan Culuumta kala duwan ee Casriga ah ku Qotoma Insha allaah waan soo Bandhigi doonaa ee idina ka sii faaideeya,intiina Afafka Qalaad ku sii Badali kartaana Gaadhsiiya walaalayaal Umada iyo walaalaha kale ee Muslimiintaa !! Illaahay baan Danbi dhaaf waydiisanaynaa......iyo Aqoonba. 

No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...