Wednesday 30 December 2015

SIRTA SHISHEEYE IYO MAAN GAABNIMADA SOOMAALI Q:1AAD) Q/R:AXMED FARATOOYO



SIRTA SHISHEEYE IYO MAAN GAABNIMADA SOOMAALI Q/R:AXMED FARATOOYO

Aduunkan qariban waa dhacdooyin wareegto ah maalmuhuna waxay macalin u yihiin cidii fahmaysa casharada ay bixinayaan oo ah dhacdooyin daahsoon oo wata dareen xanuunbadan oo xasaasiyad galinaya qof walba oo caqli leh dareemayana dhibka uu leeyahay kala qaysanku .
 waxaa caanbaxday baryahaan dambe in soomaaliya lala doonay bur bur iyo kala qaybin qarsoodi lagu sameeyo laguna qanacsanyahay wanaagna looga dhigo waxaase wax laga xumaado ah inaan ilaahada garan lanahay dhibku meeshuuu kajiro .

Dalka soomaaliya aduunyada gaaladu raali kama ahan mana jecla inay noqoto dawlad madax banaan ilaayo uu gumeestuhu dalkaan qabsaday waxaase jirta dareen been ah oo soomaalida loo akhriyay 1960kii oo loogu magacdarat ((SOOMAALIYA WAA MADAX BANAANTAHAY)) mashruucaas oo ahaa fal been been ah laguna badalayo qaabkii hore ee gumeestuhu dalkaan ku haystay oo eheed awood milatari balse markay arkeen in diinta iyo dhaqanka suuban uu sii kordhayo ayay markale bilaabeen inay badalaan qaabka milatariga oo lagu badalo qaab maskaxda dadkaan lagula wareego iyadoo laga dul qaadayo milaterigii xooga weenaa oo dulsaarnaa .

  Sanadadii 1970-1977 ayaa dalka waxaa lakeenay hay,aad shaqadoodu ay tahay cilmi baaris dhab ah si,ay usoo ogaadaan sida dhabtaa ee soomaali lagu qabsan kao oo kabadalan qaabka milateriga hase ahaatee cilmi baaristaasi masii raagin oo waxaa bilawmay markiiba dagaalkii u dhexeeyay dawlada kiristanka ethopia iyo jumhuuriyadii soomaaliya halkaas oo uu dhexmaray dagaal culus oo keenay in loobaqo dawladii kiristanka ee itoobiya oo ay usoo gurmadaan dawlado aduunyada xoog kulahaa iyadoo aan la ilaawikarin inay jireen soomaaliya lafteeda ay usoo gurmadeen dawlado dhawr ah blse ay mabaadida ay taageeradoodu u badnayd ay ahayd mabda siyaasadeed oo kaliya .
  Waxay soogudubtaba burburintii milateri ee soomaaliya lagu soo afjaray ayay qayb ka eheed in lahubeeyo ururo qabiilo labaxay markaas blse ka fogaa in lagu tilmaamo qabaa,il aanse ku tilmaami karno inay huwanaayeen oo kaliya blse mabaa,iida iyo qaabkay u shaqeenayeen ay ahayd qaab aad moodid in meel kale laga soo waariday.
balse sanadkii 2000 shirkii lagu qabtay carta ayaa wuxuu hordhac u ahaa lawareegida maskaxda soomaalida iyadoo la adeegsanayo kuwo soomaali ah blse aan dareen leheen soomaalinimo aan lahayn waxayna bilaabeen markiiba mabda sheegaya inay soomaalidu wax u qaybsato qaab 4.5 ah oo micneheedu tahay 4 qabiil oo waawayn oo dhameestiran iyo mid haaf ah bal adigu u fiirso inay tahay maskaxda siyaasiga qaatay qurunkaas maskax uusan isagu leheen oo lagu dhex jiro muxuu ku doortay inuu jiro dad dhiman oo haaf ah kaagasiidarane kawaran xaalada qofka isagana waxaas qurunkaa laagu tilmaamyo hadana fadhiya goobta isagoo ku faraxsana saxiixaya waa labo maskaxoo oo lala wareegay.

  2000 wixiikadambeeyay waxay wadeen shisheeyuhu siduu ku baa,i,in lahaa jiritaanka soomaali fiyoow kadib markay u rumoowday riyadii 2000 ee carta waxay ahaataba waxaa lasoomaay dhawr dawladood oo aad moodidba inay cidkale u adeegayaan kana fog mabaadida islaamka iyo wadaniyada waxaa taas kasii daran dawladahaas laftooda oo is dhaamay tii loo arko inay dawladnimo muujisay waxaa durbaadiiba lagu bilaabayay qaabkay isugu diri lahaayeen oo lookala qaybin lahaa u fiirso oo taariikhda dib u raac imisa dawladood ayaa bur buray?? maxayse labur bureen?? yaasekadambeeyay burburkooda??
>>>>> LASOCO QAYBTA2AAD>>>>>>

  

No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...