Wafdigan oo uu Hogaamiyay Gudoomiyaha Mu’asasada Alminhaaj Mudug Ustaad Axmed Faratooyo ayaa waxaa ku weheliyay madax ka socota xafiisyad Mashaariicda, Maaliyadda, warbaahinta iyo xiriirka Dagmooyinka .
Wafdiga ayaa waxaa si balaaran usoo dhaweeyay Ducaadda Degmada Galdogob oo uu u horeeyo Gudoomiyaha Mu’asasada Faraca Galdogob Farxaan Axmed C/laahi.
Wafdigu intuu joogay Galdogob wuxuu booqday qaybaha kala duwan ee magaalada, waxayna dawrooyin iyo kulamo kala duwan la wadaageen qaybaha bulshada ee ku sugan Degmada Galdogob.
Intii uu wafdigu ku sugnaa Degmada Galdogob ayaa wuxuu u kuur galay baahiyaha Xafiiska Alminhaaj-Galdogob iyagoo iswaydaarsaday xogo iyo khibaraad kala duwan.
Ugu Dambeyn waxa uu Gudoomiyaha Alminhaaj Mudug Ustaad Axmed Faratooo uu ubalan qaaday Maamulka sare Ee Alminhaaj Galdogob inay iska kaashan doonaan Xalinta Baahiyaha Dacwadeed ee ka jira Galdogob iyo deegaanada hoos yimaada.
No comments:
Post a Comment