Friday 25 December 2015

Fadliga maalinta jimcada iyo cibaadoynka la sameeyo qr:muxibatul firdaws




Fadliga maalinta jimcada iyo cibaadoynka la sameeyo
Allaha Sarreya wuxuu ka doortay maalmaha maalinta jimcada, sida uu uga doortay habeenada habeenka leilatul qadri, uugana doortay bilaha bisha ramadaan. Maalinta jimcada waa maalinta ey muslimiinta isku imaadaan, oo ey warka kala qaataan iyo waxa soo kordhay isbuucaas waa ciida isbuuca. Alle ayaa maalintaan u doortay ummadaan kana dhumiyey umadahi naga horreyey asagoo nagu fadliyeelayo. Maalintaan waa maalinta aabeheen aadan la abuuray, waana maalinta ey qiyaamadu dhageyso waana maalinta jannada la galayo.
Nabigana wuxuu yiri: ”Maalinta uugu qeyrka badan ey qoraxdu soo baxdo waa maalinta jimcada.”
Sidoo kale Nabiga wuxuu yiri: ”Salaadaha shanta iyo jimca ka jimca iyo ramadaan ilaa ramadaan waa dambi dhaaf inta u dhaxeyso hadii uu ka fogaado kabaairta.” (Muslim)
Waxaa jiro cibaadoyn gaar u ah maalinta jimcada eynan la wadaagin maalmaha kale waxaa ka mid ah:
1. Salaada jimcada iyo isku diyaarinteeda (maqaalka soo socdo ayaan sifiican u faahfaahdoonna inshallah).
2. In maalinta jimcada la aqriyo suuratul kahf (Suuradaan qofkii xifdiyo 10 aayad ee hore riwaayad kalena 10 aayad ee dambe waxey kaa xifdinaayaan dajjaal).
3. In lagu tukado salaadda subax ee maalinta jimcada suuratul sajda rakcada koowad tan labaadna suuratul insaan.
4. Waxaa ku jiro waqti ducada la aqbalo oona culumadu u badanyihiin in ey tahay:
a. inta u dhaxeyso aadaanka jimcada ilaa laga galaayo salaada jimcada
b. ama salaada casir kadib ilaa maqribka
5. In la badiyo ku sallinta nabiga sallalaahu caleihi wa sallam.!!!

No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...