Friday 3 February 2017

TILMAAMAHA ARDAYGA GUULAYSTAY

Ardaynimadu waa fadli ILaahay ku galadaysto qayb kamid ah Adoomihiisa, halka kuwe kale aysan heli nasiibka ah inay waxbartaan duruufo haysta owgeed sida faqri, dagaalo dheeraaday cid waxbarta oo aysan helin, iwm 
Hadaba qofkii nasiibkaas hela waa inuu dareensanyahay in nimco dheeraad ah uu haysto nabiguna naxariis iyo nabad gelyo dushiisa ha ahaatee waxa uu yidhi
 (من يُرد الله به خيرا يفقّه في الدّين) رواه البخاري ومسلم
macne: Qofkii ILaahay uu ladoono khayr Waxa uu fahansiiyaa Diinta. 
Allana waxa uu tilmaamay inaysan sinnay qof wax garanaya (aqoon leh) iyo kaan waxba garanahin(Jaahil ah)
 (قل هل يستوي الذّين يعملون والذين لا يعلمون) الزمر الآية 9
Nabegu naxariis iyo nabadgelyo dushiisha ha ahaatee mar kale waxaa uu tilmaay in qofkii wado qaada isaga oo cilmi raadinaya Ilaahay usahlayo wadada Jananada iyo gelisteeda
قال صلى الله عليه وسلم (مَنْ سلك طريقًا يلتمس فيه علمًا سهل الله طريقا به الى الجنة) رواه المسلم 
Baydkii carabiga ahaana waa kii odhanayey:-
العلم يبني بيوتا لا عماد بها** والجهل يهدم بيت العز والشرف
Macne: Cilmugu waxa uu dhisaa guryo bilaa tiirar ah Jahliguna waxa uu dumiyaa guri lahaa ciso iyo sharaf .
Cilmiga ahmiyadiisa wax lasoo koobi karo maaha waana waxa ay umadi ku horu marto sharafna ku gaadho, waxaana sharaf ugu filan Cilmiga in marka qofka aan cilmi lahayn loo tiiriyo uu ku farxo, Jahligana waxaa fool xumo ugu filan qofka jaahilka ah marka lagu tilmaamo jaahil waa uu ka cadhooodo.
Hadaba ardayda fursadda wax barasho heshay iskuma jiraan qaar ayaa ku guulaysatay ujeedkoodii wax barasho, halka ay kuwo kale ay ku fashilmeen.
Waxaan dhanbaalkan ku tilmaami doonnaa kuwa ugu muhiimsan tilmaamaha uu ku suntanyahay Ardayga guulaystay 
TILMAAMAHA ARDAYGA GUULUYSTAY.
1: Daacadnimo (IKhlaas) waa Arday wax ubaranaya inuu naftiisa ka saara mugdiga Jahliga gaadhsiiyana iftiinka Cilmiga rajaynaya inuu Aakhiro ku badbaado cilmiga Alle baray Jannadana ku galo.
2: waa Arday waqtigiisa qorsheeya oo dareesan qiimaha waxqtigu uu leeyahay jadwal usameeya noloshiisa iyo hadafkiisa wax barasho, xisaabiya bishan maxaad gaadhay, lixdan bilood maxaa qabatay, sanadkii tagay maxaa kuu kordhay.
3: waa Arday ixtiraama qadariya maamuusa macalinkiisa macluumaadka uu sheegayana u dheg raariciya si aadaab iyo xushmana leh ula dhaqma.
4: waa Arday ixtiraama dhamaan dadka iyo bulshadiisa hadaladisa iyo ficilkiisaba ay ka muuqato aqoontu. 
Waxaana ladhahaa
الإحترام لايدل على الحب وإنما يدل بحسن التربية 
Macne: inaad cid ixtiraamto ku tusi mayso jacayl aad jeceshahay cidda aad ixtiraamtay laakiin wax ku tusaysaa tarbiyad waanaag .
4: waa Arday joogteeya waxbarashada mar walbana heer kiisa waxbarsho kor uqaada. 
5: waa Arday fadhiista boosaska hore ee fasalka, aan xagga danbe is marin si uu waxyaale kale ugu mashquulo dib is marintuna waa caadada ardayga caajis loowaha ah. 
6: waa Arday firfircoon oo kaqayb qaata dhamaan howl qabadyada madarasadiisa ka jira sida aqoon iswaydaarsiyada nadaafada Madarasada, iwm.
6: waa Arday higsi sare leh aaminsan inuu wax ku soo kordhin karo Adduunka, dadkiisana wax uqaban karo.
7: waa Arday dadaal badan casharka siwacan udhagaysta marka uu macalinku jeedinayo, hadhowna soo muraajaceeya wixii shaqo guri ahna kasoo sheqeeya. 
Arday walbaana ardayga uu ka dadaal badnaa xilligii wax barashada beri wuu ka darajo sarayn doonaa,kana aqoon badnaan doonaa.
baydkii carabiga ahaana waa kii odhanayey:
بقد الكِد تٌكتسب المعالي ** ومن طلب العٌلى سهر الليالي
Macne: sida loo kala dadaal badan yahay ayaa loo kala kasbadaa saraynta, qofkii meel sare doonayaana habeenkii ayuu soo jeedaa.
8: waa Arday dhaqan geliya oo aan dayacin talooyinka muhiimka ah kuna qora baal dahab ah iyo buugisa ugu muhiimsan ama ku dhejista waraag ay ku qorantahay gidaarka si uu marba uxusuusto .
9: waa Arday alle ku xidhan cibaadaysta akhlaaq fiican leh xumaha iyo danbiya ka fogaado, Ardayguna haddi uu xumo iyo denbiyo sameeyo dhibaato weyn ayuu kala kulmayaa oo saba karta inuu waxbarashada sii wado, maskaxda ama qalbiga qofkuna waa muraayad mar kasta oo uu qofku danbi sameeyana shibic madow ayaa isku qorta ilaa qalbigu wada madabaado, Qalbi madoobaaday oo wasakhoobayna wax ma qaybi karo mana fahmi karo.
Ogaw Arday markasta oo xumahaaga iyo denbigaagu bato fahankaaguna wuu yaraanayaa markasta oo aad alle ku xidhnaato aadna dhowrsoontahayn Ilaahay fahan sheeraad ah ayuu kuu furayaa. 
Qiso. Imaamkii waynaa ii SHaafici ayaa iska dareemay fahan xumo markaas ayuu shiikhiisii Wakiic ibnu Jarraax usheegay, shiikh Wakiic talo dhaxal gal ah ayuu siiyey oo ahayd :- iska ilaali maacaasida Cilmiguna waa nuur nuurka Allana lama siiyo qof Alle caasinaya imaamu shaaficina waa kii lahaa : 
شكَوْتٌ الى وكِيع سُوء حفظي ** فأرشدني الى ترك المعاصي 
وأخبرني بأنّ العلم نور        **     ونور الله لا يٌهدي لعاص
10: waa Arday macalinkiisa la leh xidhidh xeel dheer ka faa’ idaysta fasalka iyo xiliyada kalaba, wax yaalaha soo wajaha kala tashada gaar ahaan xagga wax barashada. 
11: waa Arday udulqaata dhibka waxbarashada iyo adaygeeda culamadu waxay odhan jireen:-
لا ينال العلم براحة الجسد
Macne: laguma gaadho cilmiga jidhka oo loo raaxeeyo.
Taariikhda dadkii wax bartay mar aad akhriso waxaad arkaysaa arimo adag oo ay uu soo mareen sida safaro dhaadheer oo ay weliba cagahooda ku soconayeen, gaajo iyo haraad ilaa qaarkood ay kaadidooda ka cabbeen marar badan. 
11: waa arday wax akhriya oo aan ku eekaan casharka uu soo dhigtay iyo muqarkiisa keliya gaar ahaan takhasuskiisa buugaag badan ka Akhriya. 
11: Waa Arday nadaafadda ku dadaala jidhkiisa iyo dharkiisuba nadiif tihiin soo cadayda cidiyahana iska gura. 
12: Waa Arday aan ujarjarin madarasadiisa waqti horana yimaada habsankana  la taxadara.
13: waa Arday ducaysta Allana ka barya inuu cilmiga usahlo fahansiinayana Nebiga naxariis iyo nabadgelyo dushiisha ha ahaatee waxaa ka sugnaatay inuu ku ducaysanjiray:
(اللهمّ إني أسألك علمًا نافعًا ورزقًا حسنًا)
Macne: Allow waxaan ku waydaystay cilmi naafic ah(waxtar leh) iyo risqi wanaagsan.
Maxay ku latahay Nebiga oo Alle doortay hadana saas ku ducaysanaya ardiyoow miyaadan adigu ka mudnayn inaad ducadaas iyo kuwo kalaba ku celcelso in badan? 
14: waa Arday aan hilmaamin waalidkiis adduunka sabab ugu ahaa inuu yimaado waxna soo baray iyo dhammaan cid kasta oo waxbarashadiisa ka qayb qaadatay.

Qore: c/raxmaan axmed garaad soofe
Cabdigaraad2016@gmail.com

1 comment:

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...