Friday 25 December 2015

Yaan Lagu Dagin qr: Abdirashid Ahmed Yousuf



Yaan Lagu Dagin
----------------------------
Mahad Dhamaanteed Waxa Leh Allah Inoo Doortay Diinti Xaqa Ahayd, Inoo Dooray Nebigi Basharka Ugu Fadliga Badna, Waa Nebi Maxamed SCW, Inoo Dooray Kitaabka Koobsaday Dhamaan Kutubti Hore Warkoodi.
Maanta Waxay Ku Beegan Tahay Maalin Ay Xusaan Waynayaan Dadka Aan Rumayn Diinta Islaamka Waa Kiristanka'e 25/12/2015 Waa Maalin Ay U Asteeyen Inuu U Noqdo Ciid Ka Mid Ah Ciidad kooda, Hadana Inaga Ka Islaam Ahaan Waxaa Inala Gudboon Inaan Iska ilaalino Inaan La Wadaagno Ciidkooda Quraanka Iyo Sunnada Ayaa Xarimay Inaan La Wadaagno Oo La Dabaal Degno, Sido Kale Culimada Islaamku Waxay Isku Waafaqeen Xaarantinimada Maalinka Iyo Maalmaha La Midka Ah In Lala Wadaago Umada Gaalawday Wuxu Inoo Sheegay Nebigu SCW Xadiis Macnihiisu Ahaa in Qofki Qolo Isu Ekaysiiya uu Iyaka Ka Mid Yahay.
Sida Awgeed Waxa Aan banaanayn In Laysugu Tahniyadeeyo Maalinkan Hadiyado Laysa Siiyo IWM.
Gunta Iyo Gunaanadka Waxaan
Dhalinyarada Ku Boorinaya Inay Iska Ilaashaan Ka Qayb Noqoshada Dadka Xusaya Maalinkan Sido Kale Ay Ka Digaan Oo Baraha Bulshadu Ku kulanto Isku Dhaafsadaan Wacyi Gelinta Intaan Ku Baraarugsanayn Dhagarta Gaalada Iyo Xusida Maalmahooda.

No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...