Monday 14 December 2015

Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed oo ku baaqday in la joojiyo Colaada Marka iyo Beledweyne

    

Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed oo ku baaqday in la joojiyo Colaada Marka iyo Beledweyne

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in uu saaka mar kale dib uga qarxay magaalada dagaal u dhexeeya labo beelood oo walaalo ah kuwaas oo shalay ku dagaalamay magaalada beledweyne. Illaa iyo iminka waxaa la xaqiijiyey in dagaalka saaka ay ku dhinteen 4 qof 16 kalena ay ku dhaawacmeen waxaana Dadka dagaalka ku dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay u badan yihiin maleeshiyada labada beeleed ee dagaalka uu ka dhex socdo.
Dagaalka saaka ayaa waxaa uu ku faafay miyiga duleedka magaalada Beledweyne waxaana uu sababay barakac balaaran.Waxgaradka iyo Odayaasha gobolka Hiiraan ayaa wada dadaallo la doonayo in lagu joojiyo dagaalka fitanta ah ee ka dhex socda laba beel ee oodwadaaga ah.
Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in dagaalka ka socda magaalada Beledweyne ay ilaa shalay iyo maanta ay ku dhinteen 20 qof halka dhaawaca uu sii marayo 55 qof.
Dhanka kale Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ay ugu baaqday beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya Marka iyo Beledweyne in ay alle ka baqaaan oo ay joojiyaan dhiiga muslinka oo ay micno darada ku daadinayaan.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad Gudoomiyaha Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed ayaa ka codsaday waxgaradka Nabadoonada iyo Culumada Soomaaliyeed in ay u istaagaan joojinta dagaalada Fitanta ah ee ka socda Marka iyo Beledweyne .
Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ugu baaqay madaxda DFS iyo kuwa Maamulada kale ee dalka ka jira ay qaataan Masuuliyadooda saaran ayna u kacaan joojinta colaada ka soo cusboonaatay Marka iyo Beledweyne.
A/CawaleHalgan.net

No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...