Monday 14 December 2015

Tallaabooyinka Lagu Gaaro Farxadda, Wanaaga Iyo Qoyska wanaagsan..



Tallaabooyinka Lagu Gaaro Farxadda, Wanaaga Iyo Qoyska wanaagsan..

Sida la wada ogsoon yahay bulshadu waxa ay ka kooban tahay qoysas, qoysaskuna waa afraad ka kooban waalid iyo ubadkooda. Haddaba wanaaga ama xumaanta ay bulsho leedahay waxa u sees ah qoysaska ay ka koobantahay.
Taas macnaheedu waxa weeyaan hadii qoysaska bulsho ka kooban tahay wanaagsanaadaan waxa hubaalah in bulshadaasi horumar ilbaxnimo ku dheehan tahay gaadhayso, sidoo kale hadii ay qoysasku xumaadaan waxa bulshadaas ku habsada dib u dhac, khilaaf iyo cadaawad.
Hadaba hadii aan aqoonsanay wanaaga bulshadu inuu ku xidhan yahay wanaaga qoysaska ay bulshadu ka kooban tahay, waxa haboon in marka horeba qoysasku awooda saaran sidii ay u hagaajin lahaayeen afraada ay bulshada ku soo kordhinayaan.
Sidee Baa Qoysaska Loo Hagaajin Karaa?
1: Marka hore inta aan qoys la dhisin waa in dadka raba in ay qoys dhisaan ay aad uga baaraan dagaan
qodobadan soo socda:
2:Akhlaaqda dadka ay rabaan in ay nolol la wadaagaan
3:Qoysaska ay ka soo jeedaan
4:Dabeecada ay leeyihiin
5:Asxaabta ay la socdaan, maxa yeelay rasuulkeenii Muxamed( N.N.K.H) wuxuu yidhi’ midkiin ha iska fiirsho cida uu la saaxiibayo’,
6:Diinta sidee ayay ku yihiin, Nabigeenu wuxu inagula dardaarmay inaan guursano cida ahlu diinka ah ( rag iyo dumarba) marka la helo qoysas shuruudahan ku dhisan, waxa lagama maarmaan ah in waalidku aad iyo aad iskugutaxalujiyo baarbaarinta ubadkiisa isaga oo sees uga dhigaya dhaqanka wanaagsan, runta ,isixtiraamka iyo barashada diinta.
1: Waa inuu waalidku fahmaa sida ilmaha loola dhaqmo,waxna looga dhaadhicin karo.
2: Waa in uu waalidku had iyo jeer la socdaa waxbarashada ilmihiisa, kuna booriyaa waxbarashad sida
isaga oo u balan qaada abaal marin hadii uu imtixaanada kaalin fiican ka galo, kana dhabeeya
balanqaadyadiisa
3: Waa in uu xidhiidh fiican la yeeshaa macalimiinta dugsiga iyo macalin quranka si ay ugu fududaato ka
warhaynta waxbarashad ubadka.
4: Waa inuu ka warhayaa cida uu la socda ilmihiisu.
5: Waa in uu ka iska ilaashaa canaanta iyo dilmada badan.
6: Waa in aanuu waalidku ishortaagin ciyaaraha ay caruurtu inta badan xiiseeyan, maxaa yelay ciyaartu
waxay xoojisaa jidhka.
7:Waa in uu u sameeyaa waqtiyo ay ubadku ciyaaraan.
8:Waa in uu ka dheeraada cadaalad darada ,eexda iyo kala doorbidida caruurta.
9:Waa inuu waalidku u muujiyaa ubadkiisa galkacal iyo naxariis.
10:Waa in uu waalidku uga sheekeeyaa taariikhdii anbiyada ,saxaabada iyo cidkasta oo dhaqan wanagsan iyo horumar dadka gaadhsiisay si ay ku dayasho wanaagsan ugu noqoto caruurta.
Hadii uu waalidku isku dayo inuu ilmihiisa aad ulo socdo,Ilaahay ka barya inuu ubadka u hagaajiyo,waxaa hubaal ah in ubadkiisu noqonayaan muraayad ay iska daawadaan bulshada inteeda kale ,ku dayasho iyo tilmaam fiicana u noqonaysa qoysaska iyo bulshada inteeda kale ee wanaagdoonka ah .

by:madashatv

No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...