Tuesday 15 December 2015

437 Arday oo ka qalinjabiyay Jaamacada Bariga Afrika


Ardeyda qalin jebisey ayaa ka qalin jebiyey Sideed Kulliyadood oo kala ah:
Injineerinka(Engineering), Caafimaadka(Medicine), Waxbarashada(Education), Dhaqaalaha (Economics), Culuumta Computer-ka(Computer Science), Caafimaadka Guud (Public Health), Maamulka Ganacsiga(Business Administration), Shareecada( Sharia and Islamic Studies).
Xafladaan oo ay ka soo qeybgaleen Wafti ka socdey Dowladda Puntland, Wafdigaan oo uu hogaaminayey Madaxwayne Ku xigeenka Dowlada Puntland Eng Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa waxaa ka mid ahaa xubno ka tirsan golaha
wasiirada ,maamulka Gobalka Bari , Kan dagamada Bosaso ayaaa magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari uga qaybgalay xaflad ay ku qalanjabinaayeen 437-arday oo kabaxay Jaamacada Bariga Africa Xarunteeda Magaalada Boosaso.
Munaasabada xafladda ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay Maamulka Jaamacada Bariga Africa,Aqaanyahano, Isimo,Culumo,ardayada wax kabarata Jaamacada iyo Qayabaha kaladuwan ee Bulshada Boosaaso
Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Africa Aadan Shiikh Doon cali
Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Africa Aadan Shiikh Doon cali oo furitaankii Xaflada ka hadlay ayaa sheegay in sanadkaan ay Jaamacada Bariga Afrika uu ahaa Sanad guul lagana qalin jabiyay dhaamaan furuucda Jaamacada ee Gobalada Somalia.
“Waxaa farxad wayn inoo ah hadaan nahay Jaamacad Bariga Afrika in aad manta nagalasooqaybgashaan kulan farxadeedkaan aynu ku sharfayno ,kuna qadarinayno 437 arday oo ka qalin jabisay Jaamacada Bari Afrika,sanad wax barasheedkan 2014-2015 waxaa uu ahaa sanad guul ah Jamacadda, waana sanadkii ugu horeeyay ee furuucda jaamacada oo dhan laga qalin Jabiyey, waana sanadkii ugu horeeyay ee 8-kuliyadood ay ka qalin jabiyaan xarunta jaamacada Bariga Africa Xarunteeda Boosaaso” ayuu yiri Gudoomiyaha jaamacad
Beeldaaje  Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin
Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo kamid ah Aradayada Jaamacada Bariga Africa ,kuna hadlay Afka Isimada Puntland ayaa lawadaagay dareenka farxadeedka Ardayda Qalin Jabinaysa , waxaana uu u hambalyeeyay ardayada qalinjabinaysa , iyo Maamulka iyo barayaasha Jaamacada Bariga Africa
Eng: Cabdullahi Salaad Axmed Oo ku hadalay afka ardayada qalin jabisay ayaa sheegay in dhalinyarada farahabadan ee naftooda ku haliga tahriibka ay dalka ugu carareen Shaqo la’aan , loogana baahan yahay dowlada in ay shaqo abuur usamayso ardayda.
Gudoomiyaha Gobalka Bari Dr. Yuusuf Maxamed Wacays Dhado iyo Duqa Dagmada Booosaaso Egn. Yaasiin Mire oo kamid Ahaa madaxdii dowlada ayaa dhankooda bogaadiyay ardayadan qalinjabisay , waaxana ay balanqaadeen in ay doorkooda ay ka qaadanayaan shaqo siinta aqooonayahanadaan ka qalin jabisay jaamacada Bari Afrika iyo sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa.
Cabdulaahi Jaamac Saalax Wasiirka wasaarada dakadaha Gaadiidka Badda iyo Ladagaalanka Burcad badeeda ayaa ugu baaqay ardayda qalin jabisay in ay layimaadaan hal abuur ,qaybna ka qaataan hormarka dalka ,waxaana uu uga digay in ay naftooda ku haligaan Tahriibka
Madaxwayne Ku xigeenka Dowlada Puntland Eng Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey oo soooxiray munaasabad ayaa sheegay in ka dowlad ahaan ay farxad utahay ka qayabgalka munaasabadaan oo sida uu xusay ay safar u soogaleen , waxaana uu sheegay in dowlada ay dadaal ugu jirto sidii shaqo abuur loogu heli lahaa Aqoonyahanada qalin jabiyey
“Labo arimood ayaan ka lahaa socdaalka aan ku imi Xafladaan, in ardaydu ay ogaadaan in aanu jeclanahay iskuuladii in ladhamaysto, tacliintii aan laga tagin si aan loo tahriibin iyo dowladu ay markasto ay ku foogantahay sidii shaqo abuur la’iidinku samayn lahaaa , sida ay xaflaadan noogu wayntahay waxaad ka garanaysaan xilgaan sookacnay iyo inaanan magaaladii tagin” ayuu yiri Madaxwayne Ku xigeenka.
Madaxwayne ku xigeenka Puntland Eng Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa sidoo kale sheegay in dowlada ay dedaal ugu jirto sidii ardaydaan shaqo abuur loogu samayn lahaaa, waxaana uu ganacsatada uu ugu baaqay in qaybtooda ka qaataan sidii Aqoonyahadan ay shaqo u heli lahaayeen
Tiradaan 437- arday ee ka qalin Jabisaya maanta Jaamacada Bariga Africa xarunteeda Boosaaso ayaa ka mid noqonaaya 3360-Aqoonyahan oo kaqaliin jabisay Jaamacada mudadii ay furnayd , waxaana ay noqonaysaa dufcadaan tii ugu badaneyd ee ka qalin Jabisa Jaamcada Bariga Afrika.




by:sbc

No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...