Thursday 2 March 2017

HAL-GANKA SIYAASADEED EE MADAXWEYNE RAJAB DAYIB ORDOGAN ( madax-weynaha turkiga) Kadheego Halganka Isbedelka ummadeed qaybtii 1aad



27/2/1954 wuxuu kudhashay magaalada Istanbul gaar ahaan xaafadda Qaasim Baashaa
Wuxuu kadhashay Qoys Ehlu Diina taasoo sababtay inuu yaraantiisiiba Quraanka barto markuu yaraana lagu magacabo Shekh Ordogan
Magacaas oo u bixiyey macalinkiisii dugsiga
Yaraantisii wuxuu suuqa Ku iibin jiray Kac-kaca burka shiilan iyo biyaha qabaw lacagta kasoo baxdana wuxuu Ku caawin jiray Aabihii si biilka loogu Awdo , Qaybta kalena kutub buu kugadan jiray iyo Buugaagta iskolka
Dhinaca kale yarantisi wuxuu jeclaa kubadda cagta , wuxuuna uciyaari jiray Naadi kubadeed xaafadooda kadhisnaa ilaa markii danbena uu kubiiray Naadiga dawladda hoose halkasoo uu shaqo kahelay una sahashay inuu guursado isla waqtigaa
Wuxuu siyaasadda kusoobiiray markuu Heer jaamacadeed gaadhay isagoo noqday madaxa ururkii dhalinyarada dalka ,
Markii danbena kubiiray Xisbigii ( salama national ) isagoo noqday horjoogaha garabka dhalinyarada
1969kii wuxuu kubiiray xisbigii (dhaq-dhaqaaqa wadaniga ) ee uu madaxda ka ahaa Najmu Diin Arbakan kasoo ayku midoobeen Axsaabtii Islaamiyiinta ahayd
Mudaddaas oo dalka turkiga ay haysatay Siyaasad xumo iyo dhaqaale la'aan baahsan oo kaga imaanasay Taladii millatariga cilmaaniga kudhisan waxay keentay in xisbigaas lamamnuuco iyadoo lagu Eedeeyey kahor imaanshaha cilmaaniyadda
Sanadki 1972kii Najmu Diin Arbakan wuxuu Aasaasay xisbigii ( salama Al-wadaniyah) halkaasoo Ordogan kanoqday xog-hayaha guud ee garabka dhalinyarada sanakii 1980kii
, ugu danbayna millatarigu uu baabi'iyey xisbigaa
Sanaddii 1980 Ordogan wuxuu noqday madaxa xisbigii ( Rafaah) oo kadhisnaa magalada Istanbul afarsano kabacdina noqday xisbi wadniya kaddib markuu helay 17% codkii barlamanka
Sanaddi 1992 Ordogan waxaa loo doortay Badhasaabka Gobolka Istanbul halkaaso uu ka kasbaday shacbiyad badan kadib markuu muddo labo sano ah isbedel weyn kamuujiyey Bilicda magalada iyo dhanka biyaha haseyeeshee khudbad uu jeediyey ayaa lagu eedeeyey inu kadhexsheegay kala qaysananta Afkaarta diimaha iyo kahor imaanshaha cilmaaniyada taasoo sababtay in maxkamaddu 6 ( lix bilod ) oo xadhiga kuxukunto dhinaca kale muddo shan( 5sano ah ) laga mamnuuco kaqaybgalka siyaasadda dalka
Intii uu xabsiga kujiray ayuu Go'aasady inuu Aasaso xisbi Gaara kana baxo Axsabtii isbahaysiga
Sanaddii 2000dii ayuu aasaasay xisbiga ( al-cadaala wattanmiyah ) xayiraadda siyaasadeed ee saarnayd Owgeed wuxuu Ra'isal wasare u sharraxay Cabdla Gul
Sanddii 2002dii ayuu xisbigu kuguulaystay Aqlabiyadda kuraasta barlamanka tasoo keentay inuu keligii xukuumad soodhiso
Halka dhinaca kale uusoo dhoweeyey Axsaabtii kale meeshana kasaaray kala qaybsanaantii xisbiyada
Kaddib markii lagaqaaday xayyiraddi siyaasadda wuxuu isku sharraxay barlamanka isagoo noqday Xubin golaha shacabka ah
Dhinaca kalena waxaa Jagadii Ra'isal wasaaranimo uga tanaasalay Cabdalla Gul halkaana wuxuu kunoqday Ra'iisak xukuumaddii Xisbiga Alcadala watanmiyah.

 lasoco Qaybta 2aad
Qalinkii Aw/faaax Budh-yar

No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...