Wednesday 16 August 2017

Shacabkayagu Dowladnimo Ma u Diyaarsan Yahay?

Ummadaha adduunka waa dad u carbiyeysan in la maamulo marka laga reebo Soomaalida, waayo waxay doortaan kan maamuli doona ama waxay raacaan kan aysan dooran siduu doono haku yimaadee iyagoo eegaya danaha dalka.
Waxaad arkeysaa mucaarad taageeraya dowladda una ansixinaya wixii ay keensato si ay wax ugu qabato, sababtu ma aha in uu ku qanacsan yahay maamulka jira, balse waxa uu hubo ayaa ah in uu dadkan tagi doono dalkuna hari doono, waana tan kaliya ee aan fahmi la’anahay haddaan Soomaali nahay.
Maanta waxaan dhaleecaynaa oo dacaayadeeda aan meel walba la fadhinnaa dowladda jirta. Intaas oo kaliya ma ahee waxaan isku daynaa inaan sawirno dowladba dowladda ka dambeysa inay ka sii xun tahay, taas oo ka dhigan in aysan waligeenba nasoo marin mudanayaal duceysan. Laakiin nagula salladay cirka laga soo tuur.
Suurtagal ma aha laga soo billaabo dowladdii Siyaad Bare in uusan waddanka helin madax daacad ah, ee waxaa hubaal ah in aanan haysan ummad loo carbiyeeyay in la maamulo.
Marka ay dowladi wanaagsanaaneyso waa marka uu shacabku ula taagan yahay taageero dhab ah, sidii ay dowladda ugu guuleysan lahayd howlaheeda ee ma aha marka aan mucaaradnimo meel walba la istaagno.
Dal iyo dadba ma sugeyno inta mudane kasta oo xilka ka daga uu isu beddelayo mucaarad u taagan majaxaabinta mudanaha beddelay, maadaama aysan meesha ugu jirin danihii uu eeganayay.
W.D: Maxamed Cabduqaadir Axmed (Socdaal)

No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...