Wednesday 8 February 2017

Dhabaatooyinka Shaqo la.aanta

Alle kor ahaaye waxa uu abuuray ilmo aadan waana uu karaameeyay isla markaana u nimceeyay waxa uuna ku galadaystay garaad iyo garasho oo ay u kaalmaystaan raadinta iyo soo saarista riziqa xalaasha ah iyo in ay ka baxaan shaqo la.aanta.
Shaqo la.aanta waxa ay ka mid tahay wax-yaalaha ogu daran ee soo waajaha umadaha maxaa yeelay shakhsiyaadka waxa ay ka hor istaagtaa shaqada halka ay bulshaduna waayayso ka faa.iidaysiga shakhsiyaadkaas.
Waa maxay shaqo la,aan (baagamuudo)?
Waa qofka oo waaya wax uu qabto amaba ka shaqeeyo isagoo awooda qabashada howshaas.
Sababa shaqo la,aanta
Waxaa soo badanaya aqoon-yahano ka baxay jaamacadaha dalka iyo kuwo kale ee dibada ahba hadana shaqo la,aantii aad ayay u baahsantahay ineey yaraato iska daaye way sii kordhaysaa waxa in la is waydiiyo mudan maxaa sababay arintaa?
Sababaha keena waxaa ka mid ah:
1.    Dowlad la,aan
Tan iyo markii ay dhacday dowladii dhexe ee dalka ka arimin jirtay lama helin dowlad buuxisa wax-yaalihii ay qaban jirtay dowladaas. Shaqo la,aan badan ma jirin waagaa hadeey jirtana wax la sheego ma ahayn.
2.    Mahajka waxbarasho
wax-yaalaha umadaha laga qiimeeyo waxaa ka mid ah man-hajkooda waxbarashada sida uu yahay haduu mid cilmiyaysan una qalma heerka uu ardaygu marayo waxaa la oran karaa umadaasi wadadii horumarka ayay gacta saartay, laakiin haduu yahay mid liita oon kuna haboonayn marxalada uu ardayga ku jiro umadaasi horumar kama soo socdo.
3.    wax-soosaar la,aanta.
Dadku in ay iyagu isku filaadaan ka dib aduunka kale wixii ka soo hara u iibkeeyaan, halbeeguna noqdaa in aanu cuno waxaan soo saarno, xiranana waxaan samayno, asidaa ayaa lagu yaqaanaa umad doonaysa liibaan.
Shirkadaha ogu waa waayn ee dalka ka howl-gala waxa ay inta badan ku shaqaeeyaan qaabab keenaya shaqa la.aanta amaba ka qayb qaadanayo.
Qaarka mid asxaabta oo aan wada sheekaysanay waxa ay ii sheegeen in inta badan shaqada la isku siiyo qaab qabiil ama waji-garad iwm.
Waxaa jira dad badan oo aqoon u leh xirfadii ay ka shaqayn lahaayeen laakiin aysan dalka ka helayn xirfadaas.
Dhibaatooyinka shaqo la,aanta
Shaqa la.aanta ayaa keentay dhibaatooyin badan oo bulashadu la wareertay waxaana ka mid ah qodobdan:
1.    koru kaca xaga faqriga
soomaalida waxaa lagu tiriyaa wadamada ogu hodansan xaga khayraadka bada iyo barigaba isla markaana ah wadanka ogu faqiirsan xaga nolasha waxaa sababay dadka oo ka faa,iidaysan waayay barwaaqada iyo baraaraha ay haystaan
2.    guurkii oo yaraaday
shaqo la,aanta waxa ay sababtaa guurka oo laga daaho, illeen waxaa laga doonayo qarashkii uu ku dhisi lahaa qoyska sidoo kale waa in uu masruufaa reerka.
3.    caadooyin xun xun
Haduu qofku waayo wax uu naftiisa ku maareeyo waxaa ka dhasha in uu yeesho tilmaamo aan wanaagsanayn sida shaxaadka, tuugsiga ama dawariga.
4.    Badashada jariimooyinka
Waxaa kaloo ka dhasha shaqo la.aanta qalafsanaan iyo faafida dilalka, in la xambaaro fekerada wax burburiya.
Dawaynta mushkiladaas
1.    In la tarbiyeeyo lana barbaariyo ubadka laguna beero in ay shaqaystaan jeclaadaanna camalka.
2.    Ina la tirtiro oo lala dagaalamo arinta ah shaqadan iima qalanto oo heerkayga waxbarasho ama bulsho way ka hoosaysaa.
3.    Dowladana in ay samayso shaqo abuur

 W/Q:khaliil aala-sheekh

No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...