Thursday 9 February 2017

NOOLAATAY HIDIDIILADII NAXASHKA SAARNAYD/ W/Q:Abdirahman Yasin Dayah



Mahadi dhamanteed ebbe ayay usugnatay, nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaato suubane nabbi maxamed (scw).
10 luulyo 1967 abwaan qasim (noolaatay yididiiladii naxashka sarnayd)
Hadii la  rumeeyay somalinimadii xorta ahayd, hadii rabitanka shacabku hirgalay, waxan go,aansaday inan idin la wadaago tusmo qormeed kooban oo aan rayigayga iyo shacabka somaliyeed kooda ku cabiray.
Malmuhu waxay ahayeen kuwa leh xiiso gooni ah, sanadkii tagay dhamadkiisa iyo curashadii sanadkan dalku wuxuu ahaa mid ay ka socdaan olole dorashooyin,  shacabka oo daashaday hagardaminta, musuq masuqa iyo dhibta dabada dheraatay ee siyaasiyiinta , waxay ahayeen kuwa leh hal rajjo hal iftiin iyo hal rabitaan oo qura.
Madashu waa muqdisho, hardanka iyo tartanku wuxuu dhex yaalay rag wada aftahano ah,rug cadayaal garku ciraystay, kuwa maal aduun iyo mid shisheeya wada iyo rajadii kulmisay umadnimadii hodanka ahayd , dorashada farmaajo ayaan ku tilmaamay rajadii kaliya ee ay somalidu naawilaysay.
Casimadda Soomaaliya iyo qaybaha dalka oo dhan si xoog leh ayaa looga soo dhoweeyay doorashada Madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale meelo badan oo qurbaha ah ayaa laga soo dhaweeyay.
Waxay muujineysaa in dadweynaha Soomaaliyeed uu biseylkooda siyaasadeed aad uga sarreeyo doonista dhinacyada uxaglinaayay rabitaanka shisheeye.
Waxaan u hambalyeynayaa Baarlamaanka Soomaaliya oo muujiyay Madaxbannaani dhamaystiran kana guuray qaar badan oo ka mid ah dhaqanadii ragaadiyay Baarlamanadii horre.
Waxay qireen inay yihiin matalayaal dhab ah, danta dadka iyo dalka ayay uxagliyeen iyaga oo iska fogeeyay eex, musuq maasuq iyo wixii aan saaxadda siyaasadeed ku baranay.
Qoraxdii soo baxday 8 feb waxay ahayd shucaac daaha ka qaaday hirgelinta is ahaanshaha somalida manta, waxay xoojisay midnimadooda , dadka wax odorsaahina waxay ixaqiijiyeen inuu yahay shakhsiga kaliya ee midnimada somalidda kulmiyay.
Xusuusaha mahadhada ah ee farmaajo
Somalidu farmaajo waxay ku barteen muddo dhan 6bilood oo uu noqday awood iyo iftiin la mahdiyay,  oo u,ahaa  raysul-wasaraha somaliya; waxa uu wax ka qabtay.
1.dib udhiska haybad ciidan qaran oo ahayd kaalin uu dib usoo nooleeyay
2.daryeelida ciidanka naafada77 iyo dhawacyada ciidanka somaliya
3.la xisabtanka hay,adaha calamka ee deeq bixiyayaasha ah  iyo amarkisii ahaa inay fariisimahoodu noqdaan muqdisho.
4.noolayntii haykalka maliyadeed ee dakhliga dawladda.
5.adeegsashada gadiid ka dadweynaha iwm.
Casharkaan cusub wuxuu daafaha dunidda baray inay somaliya cusub dib u curatay , saxaafadda calamka kuwooda ugu samaynta badan ayaa qiray inay somaliya dimuqradiyadeedu tahay miday Africa iyo carabtu kaga dayan karaan.
Gunaanudkaygu wuxuu yahay somaalay aan uducayno, aan la shaqayno, aan uhagar baxno
Madaxweyne farmaajo waxan leeyahay “madaxweyne ku ciil tirnay ee na ciil bixi”


Qoraa:abdirahman yasin dayah
 Email: cukaashe5555@gmail.com


No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...