Sunday 22 January 2017

Waa kuma Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulahi??


Waxaa baryahaanba lasugayay waxay kusoo idlaan doonto doorashada soomaaliya gaar ahaan aqalka sare oo loo dhago taagayay sidii loo arkilahaa cidda hanan doonta gudoomiyaha aqalka sare ee dalka soomaaliya kadib wixii laga war sugaba waxaa suurta gashay in la doortay maanta oo taariikhdu tahay 22-1-2017 waxaana maanta xilka gudoomiyaha aqalka ku guulaystay xildhibaan cabdi xaashi oo ah mudane ka tirsanaa mudooyinkii ugu dambeeyay baarlamaakii hore ee waqtigiisu idlaaday waxuuna ahaa xildhibaanku nin geesi ah aana lagaban xaqiiqda iyo wuxuu arkayaba waxaanu xasuusanaa doodii ay qabatay universal ee dood wadaag taas oo uu kasoo muuqaday xildhibaanku isagoo si gabashoaan leheen u timaamay inuu dalku gumaysi kujiro oo ay ka taliyaan dad aanan lagaranayn wuxuuna si toos ah u cadeeyay mawqifkiisa wadaninimo ee uu dalkaan ka qabo.

hadaba muxuu sooqabatay wax xil ah xildhibaanka maanta loo dooratay gudoomiyaha aqalka sare ee dalka?

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulahi

Waxaa uu ku dhashay Baabiley , Itoobiya sanadkii 1946-dii

Waxbarasho:

1964-1968: Dugsi sare, Madahania-Alam, Harar

1975-1977: Kuliyadda siyaasadd, Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, Muqdisho

1980-1981: Machadka Maamulka iyo Maareynta, SIDAM, Muqdisho

1985-1990: Kuliyadda Dhaqaalaha, Jaamacadda Umadda, Muqdisho

Shaqo:

1972-1974: Macalin Ceel Jaalle

1974-1975: Qasnajiga guud ee Wakaaladda ONAT, Muqdisho.

1977-1979: Xogheyaha xarumaha waxbasrashada UDHKS

1979-1980: Kaaliyaha 1aad ee gobolka Waqooyi beri, Hargeisa.

1979-1980: Guddoomiyaha degmada Marka

1981-1990: Maareeyaha guud ee golaha murtida iyo madadaalada ama Theater-ka

1979-1990: xubin golaha shacabka Soomaaliyeed.

1991-1992: Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta.

1992-1996: Agaasimaha Maareynta ee Hey’adda Afri-Action.

1997-2004: Agaasmiha Maareynta Tubta Nabadda.

2004-2009: Xubin Baanrlamaan.

2005-2007: Wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka.

2008-2009: Wasiirka Caafimaadka

2012-2016: Xubin Baarlamaanka, iyo guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee golaha shacabka.

Friday 20 January 2017

Damaca Shisheeye iyo Dammanaanta Soomaalida


                                                   

in kabadan nus qarni. Soomaaliyana dagaal iyo burbur aan kala go’ lahayn ayay ku sugantahay in kabadan 20 sano, mana u eka inay kasoo raynayso. Iska daa inay kasoo raysee waxaa sii yaraanaya iftiinka rajada laga qabo inay maruun ka waayo aragto darxumada khaladaadkeedana wax ka barato oo horay u socoto.

Markaad istidhaahdo hadday wax soo hagaagayaanba, meel kale ayay balaayo ka huri. Waa dhab inay jiraan dad badan oo sokeeye (Soomaali) iyo shisheeyeba ah oo ay sidani (Status-quo) dani ugu jirto. Dadkaas qola walba ayay leeyihiin laga soo bilaabo qabqable qabiil, ganacsato ku taajirta sharci iyo kala dambayn la’aanta oo haba yaraatee aan canshuur bixin, kuwa koontarabaanka iyo dawooyinka dhacay ka shaqaysta, kuwa Nairobi meel ay ugu sokayso iska fadhiya oo ku qaraabta magaca UN iyo inay khabiirro Soomaaliya ku takhasusay yihiin iyagoon walligood arag!, kuwo horey sirdoonnada reer galbeedka uga soo shaqeeyay (sida SKA) oo usoo macaash tagay siday uga taajiri lahaayeen umaddaa kala daadsan, kuwo maafiya ah oo qashinka sunta halista ah kusoo daabula Soomaaliya, kuwo dabadhilifiin ah oo jaad walba leh xishood iyo xayo toonnana aanan lagu ogayn, iyo kuwo wixii iyaga Ra’yigooda khilaafsan Muslinba ha ahaadee aan u aabboyeelayn, iyo kuwo kaloo badan oo qaan gaadhay wixii ka dambeeyay 1991-dii una haysta in sidani tahay caadi, wixii ka duwanna ka argagaxaya! IYO KUWOO KALOO BADAN.

Waxaase hadda ugu yaabka badan, dhakafaar iyo dhaygagna kugu ridaya kuwo Soomaali sheegta balse qabyaaladdu ay ku fogaatay oo guyaal badan ooy khaarijka jireen ayna waxba u tarin xaddaaradihii iyo bulshooyinkii ay kusoo noolaayeen muddadaas dheer oo lasoo taagan bari baa reer hebel geel naga dhacay iyo annagaa halo ka qaadnay!!! Kaaga darane waxay dawdarradani hadda bilaabeen inay ku qaraabtaan magac qabiil oo dayrkaad martaba waxaad ku arki reer hebel oo HEBEL STATE ku dhawaaqay! War qabiilku kulama wada qabee maxaad u luggoyn.

Waxay ka simanyihiin ooy ku sifoobeen qodobadan oo intooda badanna ay wadaagaan:

badankood malaha shaqsiyad wanaagsan
wabarasho adduun iyo mid aakhiro toonna wuu ka arradanyahay -markaan sidaa leeyahay qaar baa jaamacado lagu sheegay inay soo mareen hase yeeshee anigu aqoonta waxaan u aqaannaa midda barashadeedu ay ficilakaaga ka muuqato
sharaf kuma laha bulshada Soomaaliyeed iyo tan ay martida uyihiin toonna
ma laha firfircooni ay ku abuurtaan minhado iyo xirfado kale oo ay ku shaqaystaan, hadday dad wax soo saar leh yihiin waqtiba uma heleen inay meelaha la wareegaan qabyaaladda, ama si kale haddii loo dhigo waa caajisloyaal jece inay si fudub oo doc-katuur (short-cut) ah wax ku cunaan. Doc-katuurka waayahan macaashka laga helayo, iyaga aragtidooda, waa in HEBLAAYO-STATE lagu dhawaaqo taasoo u baahan uun inaad 2, ama 3 iyaga kasii dowdarsan meelaha kusoo sawirtaan, haddii laheli karona ay qof caddaan ah wuxuu doonaba ha ahaadee uu sawirka ka muuqdaa…, si loo dhaho meesha jaamiciyiin baa fadhiday!!!
Badankood waa dad aan masuuliyad qaadi karin oo xaaskooda kuma filla. Inay ku fillaadaan iska dhaafe badankoodu sidii xayawaankii bay iska dhaldhaleen kadibna dumar masaakiin ah carruurtii oo dal-shisheeye (qurbe) joogta ku dayaceen. Ma kaasaa dal iyo dan shacab Soomaaliyeed lagu aamini karaa
Ma laha aragti fog, mana yaqaanno cadowgiisa iyo nacabkiisa. Wuxuu cadow u arkaa reer hebel. Waa laga yaabaa reer hebel inay waa ku gardarroodeen balse wuxuu garan waayay reer hebel iyo Xabashi hadday noqoto reer hebel baa kuu dhow! Wuxuu garan waayay inuu intuu wax sii kala fogaynayo uu kafakaro siduu isugu soo dhawayn lahaa umaddaa.
Wuxuu aamminsanyahay in beesha caalamka iyo hay’aduha oo kaliya ay wax bixiyaan oo marka kaliya ee uu horumar kafakaraa waa marka la dhaho hay’ad hebla/dal hebel baa deeq wax barasho ina siisay. Kolkaasuu af labadii dhawaaqaa oo dhahaa maxaa tolkay looga qadiyay, waa arrin meesha ku jirta in wixii la helo la wadaago balse isaga daacad kama aha ee wuxuu tusayaa beesha inuu cadkeeda isagu uun soo dhicin karo.
Waxaa laga yaabaa inuuna Taariikhda iyo dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed si wacan u fahamsanayn oo isagoo dad Soomaaliyeed oo ay isku af iyo isku dhaqan/diin yihiin balse laga yaabo inay lahjad (accent) ka yara duwan tiisa (Markaan lahjad leeyahay dadka qaar baa moodi inaan luuqad u jeedo, maya. Lahjad , tusaale ahaan, waa inaad hal eray aan isku si loogu dhawaaqin sida Moos iyo Muus, ama digaag iyo dooro oo dhawaaqa oo qudha ma ahee xataa micne iyo qoraalba ku kala tagay laakiin labaduba waa Soomaali) ku liidaya/aflagaaddaynaya inay ku hadlayaan af-jinni, IWM. Marka uu sidaa u quursanayo ummad la dhalatay oo uu ka dhashay waxaa laga yaabaa in isaga ubadkiisii uusan fursad usiin inuu baro af-Soomaali illeen waa dowdar fadhi ku dirir ku mahquulsane.
Waxay sitaan baassaboorro shisheeye oo rajo kama dalkan, kooda inta ugu badan ku noolaadaa wa ka jooga inta uu ka xantoobsanayo wixii u suurto gala, kadibna meel ay Yemen and Nairobi ugu sokayso ayay guryo loogu adeego oo daarado qurxoon kasoo toosaan!! Ma qofkaasoo kalaa waddan lagu aamini karaa, waa amakaag iyo af-kala qaade!!
iyo sifooyin kale oo badan oo qaar aan ka xishoonnay qaarna aanaan fahamsanayn!!
Waxaase kuwaas kasii yaab badan kuwa geedihii awalba abaarta kasoo kaban la’aa caleemaha ka dhameeyay iyagoo taageeri midaan danjire dhab ah ahayn oo moodi in tiisiiba nin dayacay uu tooda daryeeli! Ummadani sow maha kuwa ku hadla af-Soomaali? miyayna ahayn kuwa yidhi lax walba shilalkay is dhigtaa lagu qalaa/gowracaa. Waxaan u la jeedaa inkastoo faragalinta shisheeye badan tahay haddana waa lagama murmaan in Soomaalidu halkaa iyadu is dhigtay oo ay kusifoobeen tilmaantii Timacadde:

Waxaan gabayga deelkiyo laftiyo diirka uga qaaday
Dadka waxaan ogaysiinayaa dowgu suu yahaye
Soomaaliyey dayaya wanaag idinka doorsoonye

Docda bari, dorooriga baddiyo Seylac deriskeeda
Dusha koonfureed iyo ilaa wabiga daaciisa
Degmadeena oo idil haddaan dayey abwaankeeda
Nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waaye

Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dix dhagaxeede
Anuunbaa danqanayee dhaguhu uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane
Bal inay dafoof tahay caqliga      dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye

Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala  ah tahay ooy duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways    dabar jaraysaaye
Dubba madaxa wayskala dhacdaa daa'in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa   daad u soo geliye

Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa dadaye
Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e
Ninka duday distoorkiyo waxyiga diinta ka carrowye
Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Hadaynaan xumaantiyo dilkiyo daynin kala qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe
Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey
Dabac-yaa lahaayay intaynu isu dooxayno
Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinna
Kollaba doogsan maysaan intaad dunida joogtaane
Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Ugu dambayn waxaan hadaljayga kusoo gunaanadi dadyahow sidan si ku doorsada oo wadajirkeenna aan ka shaqayno taas unbaa wallee horumar lagu gaadhi, adduunku inagu sharfi, cadowgeenna inagu tixgalin, kheyraadkana lagu soo saari. Kala duwanaanshaheennuna dhibaato yaynaan u arkin ee aan u aragno awwood, sababtoo ah mid keen kasta, gobolkuu dooni ha sugnaadee, waxaa jira waxuu ku wanaagsanyahay iyo waxuu ku liito. Aan isku dayno inaan ka wada faa’iidaysanno dhanka uu qof walba ku wanaagsanyahay.

Allow Soomaali garansii walaaltinimmada, Allow na kala qabooji oo colaad naga hay tu cusub iyo tu duug ahba. Eebbow Soomaali galbeed awood iyo midnimo ay gumaysiga iskaga qaaddo sii. Allow kuwa Buuhoodle isku ag fadhiya garansii in xabbad ayna xal ahayn. Eebbow kuwa is gaalaysiinaya wanaagga ku hanuuni, Eebbow kuwa khayraadkanagga xadaya mawjado ku kici adigaan sidannada daciif ahayne. Allow beerkannaga khayr isu gali.

Nooli Kulanteen.

Kassim

Sunday 15 January 2017

TIlMAAMAHA MACALINKA GUULAYSTAY/QORE C/RAXMAAN AXMED GARAAD SOOFE



Macalinku waxa uu qabtaa shaqada ugu qaalisan Adduunka waana warshadda soo saarta ciddii wax ka badeli lahayd kownka aynu ku noolnahay macalin la'aanna lama heleen aqoonyahan iyo cid da'yarta soo koraysa tarbiyadaysa tustana furayaasha Adduunka iyo dhaqanka fiican waxaan lagu tilmaami karaa macalinku inuu yahay (WARSHADDA WARSHADAHA)
Waxa uuna mudanyahay in la maamuso lana sharfo iyada oo aan marnaba cidi xaqiisa gudi karin Alle mooyaane. Qarniyadii hore macalinka aad ayaa loo qadarin jiray waxay ayna ardaydu ku celcelin jiraan baydkii carabiga ahaa ee odhanayey:
قم للمعلم وقه تبجيلا ** كاد المعلم ان يكون رسولا
Oo macnihiisu yahay:
u istaag macalinka ilaali adiga oo waynaynaya , waxaa uu ku dhowaadey macalinku in uu Rasuul noqdee.
Laakiin waxaa la odhankaraa maanta baydkan waxa uu isu bedelay
قم للمعلم تحقيرا ** كاد المعلم ان يكون ذليلا
Oo macnaheedu noqonayo u istaag macalinka adiga oo xaqiraya , waxaa uu ku dhowaaday malinku inuu wax liita noqdee.
Waayo ixtiraam kama helaan ardaydooda iyo bulshada ay ku dhexnoolyihiin labadaba marka laga reebo araday kooban iyo shakhsiyaad fara ku tiris ah , dowlad xil iska saartana ma helaan oo samata bixisa xagga dhaaqale iyo aqooneedba.
Si kastaba ha ahaatee macalinka waxaa saaran waajib culus dadkuna waxay ay ku aamineen waxay haysteen kii ugu qaalisanaa oo ah carrurtoodii mustaqbalkooduna waxaa uu ku xidhanyahay sida uu ugu dadaalo macalinku una dhiso, markaa waxaa laga rabaa inuu awoodisa iyo raga nimadiisa isugu geeyo siduu usoo saari lahaa arday Aqoonta iyo Akhlaaqdaba ku sareeya himilo saraysana leh kuna fakaraya siday Arlada wax ugu soo kordhin lahaayeen.
Taasna kama wada sinna macalimiintu waxayna uqaybsamaan macalin guulaystay mid dhexdhexaad ah iyo mid fashilmay ama guuldaraystay.
TIlMAAMAHA MACALINKA GUULAYSTAY
Saan horay usoo tilmaanay mucalimiintu iskuma jiraan qaar ayaan kuu guulaysta tilmaaha macalimnimo oo ardaydooda u ah sidii Aabe naxariis badan ardayduna ay jecelyihiin weli goodna ma ilaawaan waxa ayna xusuustaan taladiisii, aqoontii uu ku talaay iyo dhaqankisii suubamaa ee ay ka dhaxleen gaar ahaan marka ay waynaadaan.
Ardayda guusha ka gaadhay waxbarshada iyo hadafkoodii nololeed haddii lawaydiiyo see ku gaadheen inta badan waxay ay sheegaan talooyin ay ka dhaxleen mid ama labo ka mid ahaa macalimiintoodii kuligoodna mawada xusaan haddaba macalinka guulaystay waxa uu ku suntanyahay tilmaamo fara badan waxaana kamid ah:-

1- daacidnima(Ikhlaas) aan kala go lahayn waxna kama hagrado Ardaygiisa.
2- waa macalin leh ahdaaf xeel dheer wuxuuna ku dadaalaa sidii uu ku gaadhi lahaa hadafkiisa ama yoolkiisa kamana aha wax dhigistu inuu mushahar ku helo oo keliya.
Hadafka macalin yeelan karana waxaa ugu weyn inuu soo saaro arday aqoon sareeya akhlaaq fican higsi sarana leh.
3- waa macalin casharka siwacan usoo diyaariya gaar ahaan ka uu malintaas dhigayo buugaag badanna kasoo akhriya.
2. Waa macalin dabeecad wanagsan, una dulqaata gafafka ardaydiisa , ay kana muuqato wejigiisa farxad kuna dhex dara xisadda kaftan iyo madaaalo gaar ahaan markay ardaydu yaryar yihiin
4- waa macalin tusaale ugu ah ardayda dhaqanka fican iyo ku dhaqanka sharcigeena suuban.
5- waa macalin ardaydiisa u xogagaal ah lana socda kooda fahanka hooseeya si gaar ahna uga warhaya , marka uu casharka jeediyana hubiya aradaydu inay fahmeen iyo inkale waxaana kamid ah arimaha lagu ogaan karo labadana arimood :-
A- in lawaydiiyo ardayda su,aalo ku saabsan casharka la jeediyey  iyada oo welib kuwa aan aad ufahanka badnayn xooga lasaarayo.
B- in ardayda macalinka ku waydiiyo casharka ma fahanteen ? Yaan fahmin? Ma kusoo celiyaa ? Iwm
Waxaa kale oo macalinka laga rabaa inuu fasalka dhexdiisa socsocda  meel kaliya uusan faadhisan' lana socda ardayga xiisadda aan lasocon ee wax kale ku mashquulsan.
6- macalinka guulaysaty waa macalin ardaydiisa dhiirigeliya hankooda kor uqaada , waxaana kamid ah wadooyinka uu imari karo :-
* inuu ardayda magacyadooda uu yaqaan ardayguna marka magaciisa loogo yeedho waxa uu dareemayaa in macalinkkiisu muhumid siinayo .
* in marka ardaygu wax fiican uu sameeyo sida inuu casharka siwacan asoo akhriyey macalinku umahadceliyo , amaano, una duceeya.
* in ardayga wanaagsan ee dadaala abaal marin lasiiyo intii loo woodo marba sida qalimaan buuggaag , ama inaad umahadceliso ugu araan.
* in looga sheekeeyo ardayda dadkii guulaysay iyo wadooyinkii ay umareen
* in maalimaha qaarkood loosameeyo ardayda aqoon iswaydaarsi iyo tartamo udhaxeeya si ay casharka ugu soo qaybaan , habka wax jeedintana ugu taba bartaan.
7- mcalinka guulaysay waxa uu xidhiidh fiican laleeyahay waalidiinta ardaydiisa marka uu dib udhac ka dareemo ardaygana waxaa uu la socodsiiyaa waalidkiis isaga oo raadinaya waxaa keenay dib udhaca haddii wax keenay ay jiraana talo ka bixiya qaabkii looga gudbi lahaa .
8 - macalinka guulaysatay waa macalin fasalka si wacan umaamula oo deganaan leh qaylo iyo buuqna ka dheer codkiisana kor aqaada ardaydaydana si fiican ugaadhsiiya darsiga  .
9 - waa macalin isaga iyo ardaydiisa xidhiidh ka dhaxeeyo kulamo gaar ah laqaata marka ay iskaga horyimaadaan wadooyinka soo dhoweeye isaga oo salaan kaga bilaabaya.
10 - macalinka guulaystay waa macalin khibrad iyo aqoon u leh maadadiisa ayna udheertay murti iyo Hal abuurnimo .
11- waa macalin uga sheekeeya ardayda waxyaabaha Adduunka ka jira si ay ardaydu wixii fiican u higsadaan wixii xunna uga fogaadaan.
12 - waa macalin alle ku xidhan faralka Alle ku waajibyeelay sidiisa uguta waanada uu ardayda usheegayana isagu marka hore ku dhaqma , waxaana ladhahaa kalmaddu haday qalbi run sheegaya kasoo baxdo Qalbiga ayey ku dhacdaa haday carabka ka soo baxdana dhagaha ma dhaafto.
(الكلمة اذا خرجت من قلب صادق وقعت في القلب واذا خرحت من اللسان لا تتجاوز الاذنان )
13 - waa macalin jecel shaqadiisa macalinnimo rajaynaya ajarka weyn ee macalinku lee yahay Nebiguna naxariis iyo nabad gelyo dushiisa ha ahaatee waxaa uu yidho "Alle iyo Malaa'iktiisa iyo ehelka Samada iyo dhulka ilaa Quraanjada godkeeda ku jirta iyo Kaluunka badda ku jiraa waxay uduceeyaan macalinka dadka khayr baraya "
Waa fadli weyn oo aanay cid macalin ah mooyane cid kale gaadhi karin.
12 - waa macalin waqtiga ilaaliya xiliga xiisadda loogu tala galayna aan kaa habsaamin waqti macalin kale leeyahayna aan ku darsan.
14 - waa macalin yaqaan arday kasta meesha uu ku wacanyahay iyo mowhibadiisa alle siiyey kuna dhiiri geliya mid walba meesha uu ku wacan yahay.
GUNAANAD
Macalinku waa soo saarihii iyo tababarihii dadkii umadda hagi lahaa berito madaxweynihii, wasiiraddii, culumadii, dhakhaatiirtii, iyo aqoonyahan oo dhami iyaga ayey kasoo dhexbaxayaan berito waa haddii ay helaan macalin tilmaamahaan soo sheegnay leh.
Ogow macalin in umada mustaqbalkoodu ku xidhanyahay wiilka ama gabadha maanta ku horfadhida.
Ogow in ardayga mustaqbalkiisu ku xidhanyahay daacidnima iyo dadaalkaaga.

Qore: c/raxmaan axmed garaad soofeCabdigaraad2016@gmail.com
Tell: 0634490880

وبالله التوقيق واليه المرجع والمآب

Tuesday 10 January 2017

WALIGAA JIN MAKU CASUUMEY W/Q : AHMED SULEYMAAN XUSSEEN


Waa sheeko yaab leh oo na qabsatay ani iyo rag aaan asxaab nahay mar aan ku sugnayn duleedka magalada hargaysa gaar ahaan buuraha naasa hablood ee waqooyiga magalada .
Waxay ahayd maalin arbaco ah bishuna ay ahayd 17- 2 – 2016 ayaan waxaan aadnay annagoo dhawr ah dhinaca waqooyi ee magalada markaas baan waxaan tagnay buuraha naasa hablood siiba ta dhinaca waqooyi sii xigta markaan dusha sare ee buurta gaadhnay baan waxaan aragnay dhawr dhurwaa oo hoos maraya buurta markaas baan buurta kasoo dagnay mar aan soo gaadhnay buurta hoosteeda baan waxaan aragnay gabadh kaligeed meel socota oo aad udheeraynaysa oo iska qaylinaysa mishxaradeysana markaas bay nagu soo leexatay .
Oo waxay tidhi ( waar tan biyo soo siiya Berbera baannu uwadnaaye ) hadalkaa markaan maqalay baan garanay in gabadhaan wax ka siyihin oo jini ku jiro isla markiiba hawraarsan baan nidhi oo biyihii baan siinay markay biyihii cabtay bay dhinaca waqooyi nooga dhaqaaqday ka dib baan waxaan sameynay dhinaca hore baan ka istaagnay si aan uqabano .
Halkaas baa waxaa ka bilaabmay sheeko dhax martay jin iyo insi :-
Waxaan waydiinay halkeed uwadaa gabadha?
Wuxuu noogu jawaabay waxaan uwadaa Berbera .
Waxaan waydiinay maxad kala doonaysaa Berbera ?
Wuxuu noogu jawaabay badda Berbera baan uwadaa baddaa raaxada ku macaane .
Waxaan waydiinay waa maxay raaxo iyo waxad ka sheekaynaysid gabadha ma waan nin qabin ?
Wuxuu noogu jawaabay waa la qabaa lkn
Wuxuu noogu jawaabay wuu qabaa lkn
Ninkeedii iyo iyada anaa isku diray oo ka tahriibiyay ninkeedii .
Waxaan waydiinay maxaad uga tahriibaysay ninkeeda ?
Wuxuu noogu jawaabay gabdhaan anaa jecel wax laga tagi karana ma ahan gabdhaan saas darteed baan ninkeeda uga tahriibiyay .
Waxaan waydiinay gabdhaan xageed ka keentay ood kasoo kaxaysay ?
Wuxuu noogu jawaabay xaafada jigjiga yar ee magaalada hargaysa .
Waxaan waydiinay xageed soo marisay ?
Wuxuu noogu jawaabay waxaan soo mariyay suuqa dhexdiisa
Waxaan jeclaa inaan gaadhi saaro jeebkaa lkn iga madhnaa .
Waxaan waydiinay oo lacag aad gaadhi ku saarto miyaad uwayday ?
Wuxuu noogu jawaabay haaa lkn kuwa aan sxb nahay oo sarif layaal ah baan damcay inaan lacag ka daynsadoo waxaanse is idhi armaa lagu fahmaa - gabadhu markaa way oo yaysaye - .
Waxaan waydiinay ma saaxiibbaad magalda ku leedihiin ?
Wuxuu noogu jawaabay haa oo jinka baa noocyo uqaybsama .
Waxaan waydiinay intee nooc buu jinku uqaybsamaa ?
Wuxuu noogu jawaabay wuxuu uqaybsamaa saddex nooc :
1 nooc baddaha ka shaqeya 2 nooc magaalooyinka ka shaqeeya 3 nooc labadaa udhexeeya oo warka ukala gudbiya . anna nooc badda baan ka tirsanahay kuwa baddaana noogu awood badan .
Waligaa jin ma ku casuumey
Waxaan waydiinay gabdha badda aad uwadid inay ku dhimato maadan ka baqaynin?
Wuxuu noogu jawaabay idinku ma doqomo baad tihiin sow aniga magaaladaa dhan soo dhaafiyay ee wada gaadhiga ah ma bad baan ka ilaalin waayay .
Waxaan waydiinay toggaan seed usoo dhaafiseen magaalada iyo buurta udhexeeya?
Wuxuu noogu jawaabay sac baan soo saaray
Waxaan waydiinay ma islaam baad tahay mise gaal ?
Wuxuu noogu jawaabay waxan ahay islaam
Waxaan waydiinay quraanka ma taqaanaa ?
Wuxuu noogu jawaabay haa waan aqaana .
Waxaan waydiinay bal inuu suurat ul jinni akhrin karo ?
Wuxuu noogu jawaabay innagu isku quraan ma dhiagano .
Waxaan waydiinay inuu taleefan noo sheego gabadha reerkeedii aan kala xidhiidhno ?
Wuxuu noo sheegay numper telesoom ah oo aana baahi loo qabin hadda inaan qoraalkan ku dhaxsheego.
Ka dib baan waxaan la xidhiidhnay numper kii waxaan naga qabtay nin markaan uwarranay ka dib buu wuxuu nagu yidhi anaa idiin imanaya oo gaadhi baan soo ka xaysanayaaye igu sima wll .
Markaan muddo joognay oon wax jawaaba ka waynay ninkii baan ku celinay numper kii wuxuu nagu yidhi wll meel fog baan joogaaye numper kaa waca intuu numper noo sheegay .
Numper kii uu noo sheegay ninkii baan wacnay gabadh baa naga qabatay numperkii markaan arrintii usheeg nay bay nagu tidhi wll wax yar ila suga anaa idiin imanayee .
Ka dib Waxaan dib ugu soo noqonay wada sheekaysigii jinka .
Wuxuu nagu yidhi tii xumayd ee indhaha godnayd baa idin la hadlaysa sow maaha haddaan gaadhiga ay wataan aana ka banjarin .
Wuxuu sii waday sheekadiisii oo wuxuu yidhi waxaan maalin dhawayd ku sameeyay sheikh bay ugeeyeen si uu quraan ugu soo akhriyo gabadha markaas baan anu guriga kaga sii hadhay ka dib buu wuxuu sheikhii yidhi jin kii waan ka saaray oo waan dilay ee way caafimaadaye orda kaxeeya
Hadda wax uu dilay ma jirtee anu gurigaan ku sii sugayay oon kaga hadhay markay guriga timid na waan ku noqday .
Waxaan ku nidhi gabadhaan maad iska daysid ?
Wuxuu noogu jawaabay waan deyn lahaaye way quraan jeceshahay oo quraanka baan anna u diidanahay .
Wuxuu yidhi shalay bay macalin u tagtay si uu quraan ugu dhigo oo ay madarasadiisa u gasho markaas buu macalinkii ku yidhi way buuxdaa oo arday cusub lama qorayee bal axad ii imo wuxuu yidhi jinkii hadda anaa macalinka ku idhi wuu buuxaa dheh .
DHAMAAD : wuxuu nagu yidhi maad isii daysaan xafladaan buurta ka socota aan ka qayb galee ani iyo gabdhuna aan isla ciyaarree meesha xaflad baa ka socotee .
Waxaan waydiinay inaan ka qayb gali karro xaflada ?
Wuxuu noogu jawaabay haa inna keena waad ka qeyb galaysaane .
Ka dib waxaa noo yimid gabadha reerkeedii oo kaxeeyay iyadoo markaa soo miyir satay gabadhu oo caadi ah .
.. waxay ahayd sheeko la yaab leh haddaba adu casuumaadaas oo kale waligaa ma lagag yeedhay? mase aqbali lahayd hadii lagaaga yeedho ?!


W/Q : AHMED SULEYMAAN XUSSEEN

Monday 2 January 2017

Lanooloow /QR:Yusuf Maxmed Jaamac



Markaad si xeel dheer oo qoto dheer aad quraanka ugu fiirsato waxaa dareenkaaga xaallad kabax kadhigaya sida uu quraanku uqaadaadhigayo arrimaha aduun iyo aakhiro, hoga tusaallaynta ,isbarbar dhiga jannada iyo naarta, ummadihii horre sidii ay uhalaagsameen kuwii halaagsamay waxyaalaha sababay rogmashadooda, iyo kuwii bad baaday siyaallaha ay kubadbaadeen,
Qaababka uu isugu xidhanyahay, habraacista soo gudbinta arrimihii dhacay,iyo kuwa imaandoona, taasoo dhan waxaad kasii ammakaag badan qaababka uu,ucabirayo, iyo ereyada kala haboonaanteeda siduu alle ugu miidhay,
Nabi maxamed (nnkh) marka uu habbeenkii uu kutukanayo quraanka ayaa waxa laga soo raray in laga maqli jirey cod lamida codka dhariga si aadda u kar karaya, waa ladareemi karaa dhari kar karaya waxa karka ka keeni karaa waa kullayl, sidoo kale nabi muxamed(nnkh)markan laleeyahay waxa kabixi jirey sanqadh kan dhariga oo kalle ah waxa uu lafalgalayey dareenkiisana sidhaba u taabanayey macaanidda iyo aarimaha uu quraanku ka faalloonayo.
Nabi muxamed waxaa ka suganaatay oo laga soo gudbiyey in lawadiiyey waxa cirrada kasoo saaray isaga oo aan gaadhin xilligii iyo gu'gii cirradu ku gaashayn jirtey uumiyaha, waxa uu kuwar celiyey (in suuradaha qaar dheehashadooda iyo kafakaridooda ay sababtay soo bixida cirada, sida suurada lagu magacaabo(huud iyo wallaaleheed)
Intaa waxa garrab socda oo kulifaaqan caraysiga iyo cajsigallinta, carabtii xilligaa aadka ugu ba'nayd afka carabiga adeegsigiisa iyo waliba aftahamada oo xilligaa waxa kaliya ee laisugu tookhi jirey,isaga geed ku yuururiyey faannidii iyo fookhidii ay isugu faanijireen waxaynu unaqaan af-maalnimada, erreyada amakaaga iyo afkala qaadka kunoqday ee uu quraanku adeegsaday ee ayna horey umaqal.
waxa kalliya ee aad hadalkaaga aad kusoo gaabsanaysaa markaad ka caajisto cabirida iyo soo gudbinta saamaynta iyo dareenka quraanku ku gallinayo markaad dhug uyeelato, waa innuu yahay hadal alle usoo dajiyey innuu dhaqan iyo hage unoqdo ifkan aduunyo iyo insaanka kunool.
Dhagaysiga kudhaqanka fahmida iyo fartoomida arrimaha quraanku kufarayo,iyo waliba kafogaanshaha wax yaallaha uu kaareebayo waa waxa kaliya ee hal -cellin suuban u noqonkara dib ufiirsigaaga,iyomarkaad quraanka lafalgasho.
Samayn intee le'eg amaba xaq intee le,eg buu innaga muddanyahay dastuurkan suuban ee rabbi uqoondeeyey inuu aduunka hago,in loo qadariyo,dhab ahaan waa ladayacay lamana siin xaqiisii!loogamana faaidaysan loogumana dhaqmin sidii rabbi ugu tallo gallay,wuxuu noqday shay masaajidka loogu tago lagu akhriyo lagagana soobaxo.
Waxay dhabtu tahay,biyo kaba dhibcaanna ah innuu quraanku yahay waxa kalliya ee dayicii aynu dayacnay ay kadhalatay innaynu kadhaxalno dhibaato aan dhamaad lahayn.!
Kamana baxano illaa aynu ullaabano kudhaqnkiisa iyo dhabta uu sheegayo fartoomideeda.
Allaw xaqa natus oo nagu hannuuni.

Naagta iyadoo aroos ah weyso ii keen ka murantay gurigooda ha aado

Nin wadaad ah ayaa gabar soo guursaday. Habeenkii ay aqalgaleen subaxdiisii ayuu weyso u dirsaday, kolkaasay guryan iyo jurur juru bilowday. Markaas ayuu furay, wuxuuna yiri habeenkii ugu horeeyey ayay weysa ii keen ka guryantaye yaysan agtayda ku dhalin!.
Dhacdadaan faallooyin kala duwan baa laga bixin karaa laakiin isagu wuxuu ka eegay:
1- naagta iyadoo ninka iyo reerka ku cusub shaqo yar oo uu u dirsaday ka murmaysa ka soo rayn ma leh.ee yaysan kugu raagin.
2- Naagta salaada iyo hawsheeda sidaas u dhibsanaysa diin iyo khayr ma leh, kamana soo socdee intaysan kugu badan iska dir.
Haddii uusan sidaas yeelin waxaa u muuqata in uu eryi doono iyada oo ubad badan dhashay oo furisteedu culays tahay, iyadana ay soo gaari karto dhib ka weyn tan hadda haleelaysa.
Gabagabadii wiil iyo gabarba ha la guursado laakiin guurka horti ha laga fiirsado qofka lala shirkoobayo intii goor la isdhexgalay la kala boodi lahaa ama dhib lugu wada joogi lahaa.




sh:axmed cabdi samad
https://www.facebook.com/alwaqaar/


SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...