Sunday 15 January 2017

TIlMAAMAHA MACALINKA GUULAYSTAY/QORE C/RAXMAAN AXMED GARAAD SOOFE



Macalinku waxa uu qabtaa shaqada ugu qaalisan Adduunka waana warshadda soo saarta ciddii wax ka badeli lahayd kownka aynu ku noolnahay macalin la'aanna lama heleen aqoonyahan iyo cid da'yarta soo koraysa tarbiyadaysa tustana furayaasha Adduunka iyo dhaqanka fiican waxaan lagu tilmaami karaa macalinku inuu yahay (WARSHADDA WARSHADAHA)
Waxa uuna mudanyahay in la maamuso lana sharfo iyada oo aan marnaba cidi xaqiisa gudi karin Alle mooyaane. Qarniyadii hore macalinka aad ayaa loo qadarin jiray waxay ayna ardaydu ku celcelin jiraan baydkii carabiga ahaa ee odhanayey:
قم للمعلم وقه تبجيلا ** كاد المعلم ان يكون رسولا
Oo macnihiisu yahay:
u istaag macalinka ilaali adiga oo waynaynaya , waxaa uu ku dhowaadey macalinku in uu Rasuul noqdee.
Laakiin waxaa la odhankaraa maanta baydkan waxa uu isu bedelay
قم للمعلم تحقيرا ** كاد المعلم ان يكون ذليلا
Oo macnaheedu noqonayo u istaag macalinka adiga oo xaqiraya , waxaa uu ku dhowaaday malinku inuu wax liita noqdee.
Waayo ixtiraam kama helaan ardaydooda iyo bulshada ay ku dhexnoolyihiin labadaba marka laga reebo araday kooban iyo shakhsiyaad fara ku tiris ah , dowlad xil iska saartana ma helaan oo samata bixisa xagga dhaaqale iyo aqooneedba.
Si kastaba ha ahaatee macalinka waxaa saaran waajib culus dadkuna waxay ay ku aamineen waxay haysteen kii ugu qaalisanaa oo ah carrurtoodii mustaqbalkooduna waxaa uu ku xidhanyahay sida uu ugu dadaalo macalinku una dhiso, markaa waxaa laga rabaa inuu awoodisa iyo raga nimadiisa isugu geeyo siduu usoo saari lahaa arday Aqoonta iyo Akhlaaqdaba ku sareeya himilo saraysana leh kuna fakaraya siday Arlada wax ugu soo kordhin lahaayeen.
Taasna kama wada sinna macalimiintu waxayna uqaybsamaan macalin guulaystay mid dhexdhexaad ah iyo mid fashilmay ama guuldaraystay.
TIlMAAMAHA MACALINKA GUULAYSTAY
Saan horay usoo tilmaanay mucalimiintu iskuma jiraan qaar ayaan kuu guulaysta tilmaaha macalimnimo oo ardaydooda u ah sidii Aabe naxariis badan ardayduna ay jecelyihiin weli goodna ma ilaawaan waxa ayna xusuustaan taladiisii, aqoontii uu ku talaay iyo dhaqankisii suubamaa ee ay ka dhaxleen gaar ahaan marka ay waynaadaan.
Ardayda guusha ka gaadhay waxbarshada iyo hadafkoodii nololeed haddii lawaydiiyo see ku gaadheen inta badan waxay ay sheegaan talooyin ay ka dhaxleen mid ama labo ka mid ahaa macalimiintoodii kuligoodna mawada xusaan haddaba macalinka guulaystay waxa uu ku suntanyahay tilmaamo fara badan waxaana kamid ah:-

1- daacidnima(Ikhlaas) aan kala go lahayn waxna kama hagrado Ardaygiisa.
2- waa macalin leh ahdaaf xeel dheer wuxuuna ku dadaalaa sidii uu ku gaadhi lahaa hadafkiisa ama yoolkiisa kamana aha wax dhigistu inuu mushahar ku helo oo keliya.
Hadafka macalin yeelan karana waxaa ugu weyn inuu soo saaro arday aqoon sareeya akhlaaq fican higsi sarana leh.
3- waa macalin casharka siwacan usoo diyaariya gaar ahaan ka uu malintaas dhigayo buugaag badanna kasoo akhriya.
2. Waa macalin dabeecad wanagsan, una dulqaata gafafka ardaydiisa , ay kana muuqato wejigiisa farxad kuna dhex dara xisadda kaftan iyo madaaalo gaar ahaan markay ardaydu yaryar yihiin
4- waa macalin tusaale ugu ah ardayda dhaqanka fican iyo ku dhaqanka sharcigeena suuban.
5- waa macalin ardaydiisa u xogagaal ah lana socda kooda fahanka hooseeya si gaar ahna uga warhaya , marka uu casharka jeediyana hubiya aradaydu inay fahmeen iyo inkale waxaana kamid ah arimaha lagu ogaan karo labadana arimood :-
A- in lawaydiiyo ardayda su,aalo ku saabsan casharka la jeediyey  iyada oo welib kuwa aan aad ufahanka badnayn xooga lasaarayo.
B- in ardayda macalinka ku waydiiyo casharka ma fahanteen ? Yaan fahmin? Ma kusoo celiyaa ? Iwm
Waxaa kale oo macalinka laga rabaa inuu fasalka dhexdiisa socsocda  meel kaliya uusan faadhisan' lana socda ardayga xiisadda aan lasocon ee wax kale ku mashquulsan.
6- macalinka guulaysaty waa macalin ardaydiisa dhiirigeliya hankooda kor uqaada , waxaana kamid ah wadooyinka uu imari karo :-
* inuu ardayda magacyadooda uu yaqaan ardayguna marka magaciisa loogo yeedho waxa uu dareemayaa in macalinkkiisu muhumid siinayo .
* in marka ardaygu wax fiican uu sameeyo sida inuu casharka siwacan asoo akhriyey macalinku umahadceliyo , amaano, una duceeya.
* in ardayga wanaagsan ee dadaala abaal marin lasiiyo intii loo woodo marba sida qalimaan buuggaag , ama inaad umahadceliso ugu araan.
* in looga sheekeeyo ardayda dadkii guulaysay iyo wadooyinkii ay umareen
* in maalimaha qaarkood loosameeyo ardayda aqoon iswaydaarsi iyo tartamo udhaxeeya si ay casharka ugu soo qaybaan , habka wax jeedintana ugu taba bartaan.
7- mcalinka guulaysay waxa uu xidhiidh fiican laleeyahay waalidiinta ardaydiisa marka uu dib udhac ka dareemo ardaygana waxaa uu la socodsiiyaa waalidkiis isaga oo raadinaya waxaa keenay dib udhaca haddii wax keenay ay jiraana talo ka bixiya qaabkii looga gudbi lahaa .
8 - macalinka guulaysatay waa macalin fasalka si wacan umaamula oo deganaan leh qaylo iyo buuqna ka dheer codkiisana kor aqaada ardaydaydana si fiican ugaadhsiiya darsiga  .
9 - waa macalin isaga iyo ardaydiisa xidhiidh ka dhaxeeyo kulamo gaar ah laqaata marka ay iskaga horyimaadaan wadooyinka soo dhoweeye isaga oo salaan kaga bilaabaya.
10 - macalinka guulaystay waa macalin khibrad iyo aqoon u leh maadadiisa ayna udheertay murti iyo Hal abuurnimo .
11- waa macalin uga sheekeeya ardayda waxyaabaha Adduunka ka jira si ay ardaydu wixii fiican u higsadaan wixii xunna uga fogaadaan.
12 - waa macalin alle ku xidhan faralka Alle ku waajibyeelay sidiisa uguta waanada uu ardayda usheegayana isagu marka hore ku dhaqma , waxaana ladhahaa kalmaddu haday qalbi run sheegaya kasoo baxdo Qalbiga ayey ku dhacdaa haday carabka ka soo baxdana dhagaha ma dhaafto.
(الكلمة اذا خرجت من قلب صادق وقعت في القلب واذا خرحت من اللسان لا تتجاوز الاذنان )
13 - waa macalin jecel shaqadiisa macalinnimo rajaynaya ajarka weyn ee macalinku lee yahay Nebiguna naxariis iyo nabad gelyo dushiisa ha ahaatee waxaa uu yidho "Alle iyo Malaa'iktiisa iyo ehelka Samada iyo dhulka ilaa Quraanjada godkeeda ku jirta iyo Kaluunka badda ku jiraa waxay uduceeyaan macalinka dadka khayr baraya "
Waa fadli weyn oo aanay cid macalin ah mooyane cid kale gaadhi karin.
12 - waa macalin waqtiga ilaaliya xiliga xiisadda loogu tala galayna aan kaa habsaamin waqti macalin kale leeyahayna aan ku darsan.
14 - waa macalin yaqaan arday kasta meesha uu ku wacanyahay iyo mowhibadiisa alle siiyey kuna dhiiri geliya mid walba meesha uu ku wacan yahay.
GUNAANAD
Macalinku waa soo saarihii iyo tababarihii dadkii umadda hagi lahaa berito madaxweynihii, wasiiraddii, culumadii, dhakhaatiirtii, iyo aqoonyahan oo dhami iyaga ayey kasoo dhexbaxayaan berito waa haddii ay helaan macalin tilmaamahaan soo sheegnay leh.
Ogow macalin in umada mustaqbalkoodu ku xidhanyahay wiilka ama gabadha maanta ku horfadhida.
Ogow in ardayga mustaqbalkiisu ku xidhanyahay daacidnima iyo dadaalkaaga.

Qore: c/raxmaan axmed garaad soofeCabdigaraad2016@gmail.com
Tell: 0634490880

وبالله التوقيق واليه المرجع والمآب

No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...