Friday 20 January 2017

Damaca Shisheeye iyo Dammanaanta Soomaalida


                                                   

in kabadan nus qarni. Soomaaliyana dagaal iyo burbur aan kala go’ lahayn ayay ku sugantahay in kabadan 20 sano, mana u eka inay kasoo raynayso. Iska daa inay kasoo raysee waxaa sii yaraanaya iftiinka rajada laga qabo inay maruun ka waayo aragto darxumada khaladaadkeedana wax ka barato oo horay u socoto.

Markaad istidhaahdo hadday wax soo hagaagayaanba, meel kale ayay balaayo ka huri. Waa dhab inay jiraan dad badan oo sokeeye (Soomaali) iyo shisheeyeba ah oo ay sidani (Status-quo) dani ugu jirto. Dadkaas qola walba ayay leeyihiin laga soo bilaabo qabqable qabiil, ganacsato ku taajirta sharci iyo kala dambayn la’aanta oo haba yaraatee aan canshuur bixin, kuwa koontarabaanka iyo dawooyinka dhacay ka shaqaysta, kuwa Nairobi meel ay ugu sokayso iska fadhiya oo ku qaraabta magaca UN iyo inay khabiirro Soomaaliya ku takhasusay yihiin iyagoon walligood arag!, kuwo horey sirdoonnada reer galbeedka uga soo shaqeeyay (sida SKA) oo usoo macaash tagay siday uga taajiri lahaayeen umaddaa kala daadsan, kuwo maafiya ah oo qashinka sunta halista ah kusoo daabula Soomaaliya, kuwo dabadhilifiin ah oo jaad walba leh xishood iyo xayo toonnana aanan lagu ogayn, iyo kuwo wixii iyaga Ra’yigooda khilaafsan Muslinba ha ahaadee aan u aabboyeelayn, iyo kuwo kaloo badan oo qaan gaadhay wixii ka dambeeyay 1991-dii una haysta in sidani tahay caadi, wixii ka duwanna ka argagaxaya! IYO KUWOO KALOO BADAN.

Waxaase hadda ugu yaabka badan, dhakafaar iyo dhaygagna kugu ridaya kuwo Soomaali sheegta balse qabyaaladdu ay ku fogaatay oo guyaal badan ooy khaarijka jireen ayna waxba u tarin xaddaaradihii iyo bulshooyinkii ay kusoo noolaayeen muddadaas dheer oo lasoo taagan bari baa reer hebel geel naga dhacay iyo annagaa halo ka qaadnay!!! Kaaga darane waxay dawdarradani hadda bilaabeen inay ku qaraabtaan magac qabiil oo dayrkaad martaba waxaad ku arki reer hebel oo HEBEL STATE ku dhawaaqay! War qabiilku kulama wada qabee maxaad u luggoyn.

Waxay ka simanyihiin ooy ku sifoobeen qodobadan oo intooda badanna ay wadaagaan:

badankood malaha shaqsiyad wanaagsan
wabarasho adduun iyo mid aakhiro toonna wuu ka arradanyahay -markaan sidaa leeyahay qaar baa jaamacado lagu sheegay inay soo mareen hase yeeshee anigu aqoonta waxaan u aqaannaa midda barashadeedu ay ficilakaaga ka muuqato
sharaf kuma laha bulshada Soomaaliyeed iyo tan ay martida uyihiin toonna
ma laha firfircooni ay ku abuurtaan minhado iyo xirfado kale oo ay ku shaqaystaan, hadday dad wax soo saar leh yihiin waqtiba uma heleen inay meelaha la wareegaan qabyaaladda, ama si kale haddii loo dhigo waa caajisloyaal jece inay si fudub oo doc-katuur (short-cut) ah wax ku cunaan. Doc-katuurka waayahan macaashka laga helayo, iyaga aragtidooda, waa in HEBLAAYO-STATE lagu dhawaaqo taasoo u baahan uun inaad 2, ama 3 iyaga kasii dowdarsan meelaha kusoo sawirtaan, haddii laheli karona ay qof caddaan ah wuxuu doonaba ha ahaadee uu sawirka ka muuqdaa…, si loo dhaho meesha jaamiciyiin baa fadhiday!!!
Badankood waa dad aan masuuliyad qaadi karin oo xaaskooda kuma filla. Inay ku fillaadaan iska dhaafe badankoodu sidii xayawaankii bay iska dhaldhaleen kadibna dumar masaakiin ah carruurtii oo dal-shisheeye (qurbe) joogta ku dayaceen. Ma kaasaa dal iyo dan shacab Soomaaliyeed lagu aamini karaa
Ma laha aragti fog, mana yaqaanno cadowgiisa iyo nacabkiisa. Wuxuu cadow u arkaa reer hebel. Waa laga yaabaa reer hebel inay waa ku gardarroodeen balse wuxuu garan waayay reer hebel iyo Xabashi hadday noqoto reer hebel baa kuu dhow! Wuxuu garan waayay inuu intuu wax sii kala fogaynayo uu kafakaro siduu isugu soo dhawayn lahaa umaddaa.
Wuxuu aamminsanyahay in beesha caalamka iyo hay’aduha oo kaliya ay wax bixiyaan oo marka kaliya ee uu horumar kafakaraa waa marka la dhaho hay’ad hebla/dal hebel baa deeq wax barasho ina siisay. Kolkaasuu af labadii dhawaaqaa oo dhahaa maxaa tolkay looga qadiyay, waa arrin meesha ku jirta in wixii la helo la wadaago balse isaga daacad kama aha ee wuxuu tusayaa beesha inuu cadkeeda isagu uun soo dhicin karo.
Waxaa laga yaabaa inuuna Taariikhda iyo dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed si wacan u fahamsanayn oo isagoo dad Soomaaliyeed oo ay isku af iyo isku dhaqan/diin yihiin balse laga yaabo inay lahjad (accent) ka yara duwan tiisa (Markaan lahjad leeyahay dadka qaar baa moodi inaan luuqad u jeedo, maya. Lahjad , tusaale ahaan, waa inaad hal eray aan isku si loogu dhawaaqin sida Moos iyo Muus, ama digaag iyo dooro oo dhawaaqa oo qudha ma ahee xataa micne iyo qoraalba ku kala tagay laakiin labaduba waa Soomaali) ku liidaya/aflagaaddaynaya inay ku hadlayaan af-jinni, IWM. Marka uu sidaa u quursanayo ummad la dhalatay oo uu ka dhashay waxaa laga yaabaa in isaga ubadkiisii uusan fursad usiin inuu baro af-Soomaali illeen waa dowdar fadhi ku dirir ku mahquulsane.
Waxay sitaan baassaboorro shisheeye oo rajo kama dalkan, kooda inta ugu badan ku noolaadaa wa ka jooga inta uu ka xantoobsanayo wixii u suurto gala, kadibna meel ay Yemen and Nairobi ugu sokayso ayay guryo loogu adeego oo daarado qurxoon kasoo toosaan!! Ma qofkaasoo kalaa waddan lagu aamini karaa, waa amakaag iyo af-kala qaade!!
iyo sifooyin kale oo badan oo qaar aan ka xishoonnay qaarna aanaan fahamsanayn!!
Waxaase kuwaas kasii yaab badan kuwa geedihii awalba abaarta kasoo kaban la’aa caleemaha ka dhameeyay iyagoo taageeri midaan danjire dhab ah ahayn oo moodi in tiisiiba nin dayacay uu tooda daryeeli! Ummadani sow maha kuwa ku hadla af-Soomaali? miyayna ahayn kuwa yidhi lax walba shilalkay is dhigtaa lagu qalaa/gowracaa. Waxaan u la jeedaa inkastoo faragalinta shisheeye badan tahay haddana waa lagama murmaan in Soomaalidu halkaa iyadu is dhigtay oo ay kusifoobeen tilmaantii Timacadde:

Waxaan gabayga deelkiyo laftiyo diirka uga qaaday
Dadka waxaan ogaysiinayaa dowgu suu yahaye
Soomaaliyey dayaya wanaag idinka doorsoonye

Docda bari, dorooriga baddiyo Seylac deriskeeda
Dusha koonfureed iyo ilaa wabiga daaciisa
Degmadeena oo idil haddaan dayey abwaankeeda
Nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waaye

Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dix dhagaxeede
Anuunbaa danqanayee dhaguhu uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane
Bal inay dafoof tahay caqliga      dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye

Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala  ah tahay ooy duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways    dabar jaraysaaye
Dubba madaxa wayskala dhacdaa daa'in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa   daad u soo geliye

Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa dadaye
Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e
Ninka duday distoorkiyo waxyiga diinta ka carrowye
Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Hadaynaan xumaantiyo dilkiyo daynin kala qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe
Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey
Dabac-yaa lahaayay intaynu isu dooxayno
Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinna
Kollaba doogsan maysaan intaad dunida joogtaane
Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Ugu dambayn waxaan hadaljayga kusoo gunaanadi dadyahow sidan si ku doorsada oo wadajirkeenna aan ka shaqayno taas unbaa wallee horumar lagu gaadhi, adduunku inagu sharfi, cadowgeenna inagu tixgalin, kheyraadkana lagu soo saari. Kala duwanaanshaheennuna dhibaato yaynaan u arkin ee aan u aragno awwood, sababtoo ah mid keen kasta, gobolkuu dooni ha sugnaadee, waxaa jira waxuu ku wanaagsanyahay iyo waxuu ku liito. Aan isku dayno inaan ka wada faa’iidaysanno dhanka uu qof walba ku wanaagsanyahay.

Allow Soomaali garansii walaaltinimmada, Allow na kala qabooji oo colaad naga hay tu cusub iyo tu duug ahba. Eebbow Soomaali galbeed awood iyo midnimo ay gumaysiga iskaga qaaddo sii. Allow kuwa Buuhoodle isku ag fadhiya garansii in xabbad ayna xal ahayn. Eebbow kuwa is gaalaysiinaya wanaagga ku hanuuni, Eebbow kuwa khayraadkanagga xadaya mawjado ku kici adigaan sidannada daciif ahayne. Allow beerkannaga khayr isu gali.

Nooli Kulanteen.

Kassim

No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...