Saturday 31 December 2016

Libaax ninmaan aqoon baa lax ka rita ..!! QR:Faarax Binin Boss

Habeen dhexe ayaa dawaco waalatay, ama ma waalane dhib ayaa ay soo cabtey. Waxa ay kala garan weydey duurki iyo daarihi, dabadeedna gidaarba gidaar buu u dhiibey, ilaa ay gurigaan joogey dabadiisa timid.
Aalaaba aaggaas riya baas oo - sidii ay faradhaq u cabbayeen - sida diga ku naaxa wada naaxay ayaa inta badan meeraysta. Xilli dambe iyadoo ay tahay ayaa dawacadi iyo ri riyaaas ka mid ahi is heleen. Dawacadi aad bay u faraxday oo dhanki rida u soo jaqaafisay. Yaab ayaa haddana qabsaday, waa maxay ridan aan igaba baqayni, Mise wuxu riba maahee waa belaayo kale? Tolow ma weyl baa ..? Maaha, haddaa ma sac baa?? Maya, oo haddaa waa maxay?? Dawacadi dhegihii awelba dhaadheeraa ayaa sii dhaadheeraaday..!!
Cabbaar ayaa ay taagnayd oo ridiina bac iyo had-ba wax meelahaas ka feen-feenatay, dabadeedna hal mar ayaa ay isha qac ku siisay dawacadi oo agtaagan. Yaab baa ridiina Alle u keenay. Oo tolow waxan afka dheeri muxuu ahaa?? Ma adhigi lalahaa abaaraa la tegey ri ka soo luntay baa?? Oo haddaa dib dheeraa, riba maahee, oo tolow ma nayl baa..?? Oo nayshu sowtii madax madoobayd maaha..? "Bal aan hubiyo" inta ay tidhi: ayaa ay ku soo dhaqaaqday.Dawacadi ayaa wadnihi soo boodi gaadhey. Ma carartaa mise waad is yar adkaysaa?? Waa ay is gaaftey, oo haddana is boortay, oo mar saddexaad is qondhodhisey, oo mar kalena is yuubtey. Ridiina hal mar -sidii caanka ahayd - ayaa ay labada jeeni cirka u dirtay oo giir sal iyo baar iska kicisay. Intaanay labadi jeeni soo celinba Dawacadi laba luuq bay isu martay oo maba sugin, "belaayo samada jeenyo kuugu taagtay yaaba ku suga" iyo habaas baa is xigey..!!
.....................................
Mashaakilaadka inna haysta ee habeen iyo maalin inna baacsanaya maynu jeenyaha kor ugu taagno..sida ridaas..??

Tuesday 27 December 2016

Ganacsatooy su’aalahan jawaab ma u heli kartaan?



Ganacsatooy su’aalahan jawaab ma u heli kartaan?

Haddii aad aragto dal horumar la taaban karo gaaray, oo ilbaxnimo iyo quruxina ay ka muuqato ogow in ay ganacsatadiisu, si qiiro waddaniyadeed leh dhexda ugu xirateen hantidoodana ku horumariyeen, haddiise aad la kulanto dal burburay oo colaad iyo abaar dartood la kabsan waayay, si sahal ah u garo in ay ganacsatadiisu ku tumatay oo dhulkaba ay ka soo qaadi waayeen, illeyn sidaas bey macaash kelinimo oo aan xalaal aheyn ku hantiyaane!.

Abbaarta ujeeddadeydu waxa weeye:- Sidiisaba dal, waxaa lagu horumariyaa canshuur bixin iyo kabidda dhaqaalaha dalka, si ammaanka, waxbarashada, caafimaadka, dhismaha waddooyinka, korontada iyo biya siinta magaalada loo hirgeliyo, su’aashuse waxey tahay:- ganacsatooy idinku ma tihiin kuwo intaa aan soo sheegay dhismahooda ka qeyb qaata oo diyaar u ah in ay canshuuraha bixiyaan mise waa maya oo iftiinka in aad wax cuntaan mugdiga ayaad ka jeceshihiin?.

Seddexdii meesin xoolaad ee uu dalku lahaa iyo guud ahaan ugaadhiiba waad wada dhoofsateen idinka oo aan u aaba yeelin dheddigga iyo laboodkoodaba, waxaadna ku soo beddelateen sandareerto aan u qalmin xoolaha aad ajnabiga u sadaqeyseen. Intaa haddii aad u bareerteen baahanihii xoolaha lahaa ee maciishadda aad ku qaaliyeyseen rubaca hilibka ahna gadan kari waayay dib ma u soo eegteen, mise warba u ma heysaan oo macaluusha iyo meydkiisa ayaad ku qanacdaan?.

Waddooyinka laamiyada ah ee bulshada oo dhan idiin kala dhaxeeya in aad jeex jeexdaan oo aad tubbooyin bililiqada ah dhex dhigtaan ama aad fiilooyinka isgaarsiinta dhex marisaan, idinka oo aan burburkii aad sameyseen aan dib u kabeynin, waddada dhaxdeedana aad ka dhigtaan baallayaal iyo fiilooyin isku wada tixan oo fool xumo miiran ah, taa miyey idin la qurux badanaatay, mise dalkaba macaashkiisa mooyee dhismaha quruxdiisa waxba ku ma lihidin?.

Mooska, canbaha, babbaayga, liinta iyo waxa la midka ah intaba waad wada dhoofisaan weliba si aan sharciga waafaqsaneyn, kii lahaa beerta laga soo guray amaba shaqaalaha ka ahaana wuu caga cad yahay, wuu feera qaawan yahay oo kaneeco ayaa dhameysay ugu danbeystana cudurka duumada amaba mallaariyada ayuu u dhimanayaa daawo la’aan darteed, adiguna dhiiggiisa ayaad ka faa’iiddaa, haddaba ganacsadow ceeshka aad halka ka soo hesho ee aad carruurtaada u gudbiso sow qaaxo ka qaadi maayaan maxaa kuu diiday inaad xalaasha bulshada la wadaagto oo aad sakada waajibka ah iyo canshuurta dalkaba dib isaga soo celiso?.

Haddii aad hantidii uu qaranku lahaa wada dhoofiseen, taa beddelkeeda maxaad ku soo beddesheen oo aad dalka soo geliseen?:- Ma daawoo dhacday, daroogo iyo qaadkii ingiriiska laga mamnuucay oo kaliya, mise bulshada waxtar kale oo qarsoon ayaad dadka iyo dalkaba u heysaan?.

Jeeb iyo dhaqaale buuran hadduu eebbe idiin siiyay, waxey aheyd in aad wax isku darsataan oo aad warshado yar yar iyo goobo laga shaqeysto aad dhallinyarada u abuurtaan, waxaadse moodda in aad dhankaasi ka wada il duufteen oo aad malaayiyiin doollar ku wada abuurteen hoteello casri ah oo aanay jirin cid awood u heysa seexashadooda. Ma caddaanka yar ee sir doonka ah kaliya baa loo dhisay mise xildhibaannada baarlamaanka iyo amisom madaxdooda in ay ka cunteeyaan, haddii ay sidaa tahay ilaa goorma ayuu mashruucaasi sii socon doonaa?. Diyaasbaradu wey ka daashay lacago hoteello lagu bixiyo dalkuna wuu nabadoobay ee haddii uu qof waliba gurigiisa u soo laabto ganacsatooy hoteelladiinnu maxey ku danbeyn doonaan, ma bakhaarro ayaad u rogi doontaan?.

Ugu dambeen, maxaa idiin diidaya?, inaad dalkiinna iyo dadkiinna u hiillisaan, idinka oo waddaniyadda iyo islaannimadaba dugsanaya.

Maxaa idiin diidaya?, inaad xor ahaataan oo aad ka maarantaan maleeshiyada hubeysan ee aad qarashka faraha badan ku bixineysaan?.

Maxaa idiin diidaya?, inaad canshuurta iska bixisaan dowladnimadana aamintaan, adinka oo qarankiinna farxad murug la’aaneed kula dhex nool?.

Barbaariye@hotmail.com
Bashiir Cali Xuseen.

YAAN DOORANAA?W/Q: axmed faratooyo(1aad)



YAAN DOORANAA?


waxaan og soonahay oo dhagaheena kusoo dhacaysay in mudaaba in dalkeena soomaaliya ay ka qabsoomayso doorasho oo ladooranayo madaxdii dalkaan hogaankiisa hanan lahayd .

waxaan ogsoonahay inuu dalkaani soo galay dagaalo kala duwanaa in mudaana lasoo daalaa dhacayay siduu uga soo kaban lahaa dhibkaas bur bur ee soogaaray inagoo aan ilaaween in bur burkaasi uunan eheen guryo ama daaro bur buray oo kaliya balse waxaa titirmay oo lawaayayba qaybo badan oo kamid ahaa dadkii shicbigaahaa,beerihii,warshadihii iyo dhamaan ilihii dhaqaale ee aanu bari samaadkii ku faani jirnay sidoo kale waxaa mugdi gashay noloshii rasmigeeheed ee bulshadeenu ay haysatay waxaana humaag galay qaab u fakarkii bulshadeena oo waxaa boosaskii banaanaaday buuxiyay qabyaalad iyo qaad iyo qaraxyo joogtaa.

hadaba maanta dalkeenu wuxuu joogaa meel aad u fiican o kaduwan dhamaan maraaxishii cakirnayd ee anu soo marnay waxaana maanta inuu muuqata iftiin ka soobaxaya quluubta shacabka oo kusoo daalay dhibaatadii uu katagay dagaalkii sokeeye waxaana moodaa maanta meeshii ugu wanaagsanayd inaan marayno oo dalku isbadal marba heel jooga uu ku tilaabamnayo .

sanadkaan bilaabanaya ee 2017 waxaa la bilaabaaya doorashooyin iyo nidaam cusub oo ay hogaamin doonaan siyaasi aan haybtiisa lagaranayn oo waxaa jira musharixiin farabadan oo isku soo taagay siday hogaanka dalka u qaban lahaayeen mid walbana wuxuu wataa aragtidiina u gooni ah oo aan lala garanayn sidoo kale waxaa badankood dabada kawada dawlado waawayn oo dhaqaale farabadan ku bixiyay siduu usoo bixi lahaayeen kuwa ama midka ay wataan iyagu talo maxay tahay u jeedadooda? 

dhanka kale doorasadaani waxay ka duwantahay dhamaan doorashooyinkii horay u dhacay waa marka koowaad oo waa doorashadii labaad oo gudaha dalka ka qabsoonta ilaa intii bur burkii waa mida labaaad oo dadka ugu badan oo musharaxa madax wayne ah waa dadkii siyaasada dalka horay ugu soo jiray inta badana waa kuwa hada xilka wareejin lahaa oo waqtigii ka dhacay waa mida sadixaad e waa dhamaan inta musharixiinta ah waxay wataan dhalashooyin ama basbooro dalal kale .

hadaba bulshadeena tan ku taagan ayaa waxy tahay sidee buu u soo bixi karaa qof cadaalad kusoo baxaya dhanka kalana xildhibaanada ayaa is waydiinaya su,aal oranaysa yaanu dooranaa??



dhanka kale ha hilmaamin qaybaha ay kala yihiin ragga wax dooranaya amaba xildhibaanu waxay iyagu markii horeba kusoobexeen sifooyin kala duwan tusaale ahaan qaybtood laaluush iyo musuq ayay kusoo bexeen qaybtoodna doorasho fura ayay kusoo bexeen qaybta kalana madaxda madashaa sigaar ah kusoomaga caabatay oo taasi waxay tusaale cad u tahay inaysan sinayn qaabab kala duwana ay kuraasta kusoo faristeen hadaba qaabkee ayay kula tahay adiga dadka sidaas u kala duwan inay wax ku dooranayaan amaba ay ay kusoo saari doonaan madax wayne loo xushay si cadaalad iyo huf naani ay ku jirto laguna xishay karti cadaalad iyo aragti fogaan ??



                                           lasoco qaybta (2aad)

Axmed maxamed xirsi (faratooyo)
facebook: https://www.facebook.com/ahmed.faratooyo

Dadka waalan iyo kuwa miyirka qaba kee badan?


Dadka waalan iyo kuwa miyirka qaba kee badan?


Waxyaabihii lugu dicaayadayn jirey waxaa ka mid ahaa:


1. Ragga iyo dumarka kee badan?. Jawaabtuna waxay ahayd: hadba kii wadaadada lugu daro ayaa badan.
2. Dadka dhintay iyo kuwa nool kee badan?. Jawaabtu waxay ahayd: hadba kii wadaadada lugu daro ayaa badan.
Hadda waxaa igu soo dhacay in la isweydiiyo su’aal ah: horta dadka waalan iyo kuwa miyirka qaba kee badan?, jawaabtuna noqoto: hadba qoladii qaad-cunayaasha la raaciyo.


Su’aashu waxay igu la soo dhacday: maanta ayaan taxi qaatay. Kolkaan dhaqaaqnay ayuu kaalin shidaal na istaajiyey oo yiri: shidaal baynu ku shubanaynaa. Isla markiiba gaari weyn oo QAAD wada ayaa meeshii soo maray.
Ninkii isaga oo meel uu marayo iyo wuxuu ku hadlayo malaha aan midna aad u garanayn oo ordaya ayuu gaarigii soo galay: walaal Qaadkaas ayaan qaadayaa, Alle ina adeer kaa kale raac ….


Kolkan dagay ayuu horay ka dhaqaaqay daaqadii oo furan. Waxaan isku daray qaylo iyo inaan ku dheereeyo oo aan daaqada u xiro!.
Waxaan is iri: malaha haddii aadan dhaqso uga dagin adiga oo saaran ayuu gaariga qaadka cayrsan lahaa.
Xilliyadii gumaystuhu joogey ayaa aad culimada loo dicaayadayn jirey; waayo dadkii ka hor yimid oo la dagaalamay ayay hormuud ka ahaayeen.


Sheekh Axmed Cabdisamad
Alwaqaar@hotmail.com

FG: WAXAAN KA  SOOQADANAY QORALKAAN http://www.dhacdo.org

MIDNIMOOY MIYAAN KAA MAARANAA?

 
       
Midnimooy miyaan kaa maarannaa?

Midnimo asal ahaan, waxey ka abuurantaa oo ay ka soo dhex billaabataa lab iyo dheddig is jeclaaday oo is xod xodasho ka dib ku heshiiyay in ay guri iyo guur xalaal ah dhisaan noloshana lammaane ku wadaagaan.

Dhismaha qoysku waa halka ay midnimadu ka soo taranto maxaa yeelay qoyska oo tarma waxaa ka dhasha qaraabo xigto amaba sokeeye dhiig wadaag ah.

Qaraabo ururtay, waxey isugu ururtaa qabiil iyo farac abtirsiimo leh. Qabaa’illo isu tagayna waxey noqdaan qowmiyad xoog weyn. Qowmiyadaha oo sii bataana waxey noqdaan qaran iyo dowlad quwad leh, oo dal, dad iyo diinba wax tari kara.

Ruux kasta oo Soomaali ahow, quruxdaada waa qarannimo, dadnimadaadu waa dowladnimo, gogoshaadu waa ciidda iyo calanka, huga dhaxanta kaa celiyana waa nabadda  iyo wadajirka walaalnimo oo aad micnahooda fahamto ee damiirkaada waddaniyadeed intaa ha ku baro.

Runtii maseyrka waddaniyadeed mar buu wanaagsan yahay ee shaqsiga Soomaaliyeedow meel kasta oo aad dunida ka joogto ilaah baan kugu dhaarshaye, nabadda aad caalamka ku heysato iyo dalkaaga dabka uu ka huraayo bal isu miisaan sow kama xunuunsatid oo uma maseyrtid midnimada iyo nabadda ay dadka kale heystaan ee ay ku raaxeysanayaan, mise damiir laawoow maxaa iga galay baad ku nooshahay!!?.

Marka aad aragto daaraha dhaadheer ee wada muraayadaha ah iyo waddooyinka quruxda badan ee ubaxa lagu wada afmeeray ee dalxiiska iyo socotada ay is  daba marayaan, qolo walibana ay calankeeda si xarraga leh u walfineyso, ilaah baan kugu dhaarshaye sow dalkaada iyo midnimadaada uma maseyrtid  oo hinaase kama qaaddid waxa hortaada ka muuqda, mise dameeri dhaan raacday un baad iska tahay!?.

Marka aad dhex socoto dalalka horumaray ee aad arkeyso safaarado calamo kala duwan ay ka dul babbanayaan oo uusan ka dhex muuqan calankaagii buluugga ahaa, sow hinaase qaran iyo maseyr dartii u ma xanuunsatid, mise ajnabi baad is moodday oo qiirada waddankaaguba ku ma heyso!?

Marka aad idaacadaha ka maqasho midnimada oo sida toortaha loo sii kala jar jarayo, jidkii qodxaha lahaa oo weli lagu sii lugeynayo iyo basashii ureysay maalinba cad la caleemo saarayo iyo madaxweynayaal tiro dhaaf ah oo qab iyo is naceyb un soo kordhinaya, sow kama fikirtid su’aasha ah «Midnimooy miyaan kaa maarannaa?» Mise sax iyo qalad meeshuu ina adeerkaa u socdaba waad u sacbisaa?.

Cayaaraha isboortiska ah ee caalamka ka dhaca dunidana ay isku wada aragto iyada oo dowlad waliba ay xamaasaddeeda soo bandhigeyso qaran walibana uu calankii halkaa ka lulanayo, sow isma weydiisid aaway dalkaagii iyo dadkaagii maxey meeshan uga soo muuqan waayeen?.

Marka ay tartamada cayaaruhu dhamaadaan ee kaalinta koobaad, labaad iyo seddexaad koobabka iyo haddiyadaha la kala siinayo, sow ma hinaastid oo maskaxdaada kuma soo dhacdo  «Waxaa fiicnaan laheyd Soomaaliya oo kaalinta koowaad gasha?»

Dabcan waan hubaa qof kasta oo damiir waddaniyadeed leh inuu sidaa u fekerayo oo uu dalkiisu wax la jecel yahay, laakin soomaalidu waxey ku mahmaahdaa «Doonaahu waa gaaraa, nimaan shaqeysan shaah waa ka xaaraan» iyo qaar kaloo badan, dadaal baase lagu kala hor maray ee muwaaddinoow jawaab maangal ah u hel su’aasha ah «Midnimooy miyaan kaa maarannaa?».

Dad sagaal ku wada dhalay
Dadaal baase kala reebay
Caqli baa dardaaran leh
Cilmi baa dugaashi leh

Dar  colaad fadhiyiyo
Dar nabad hagoogsaday
Tartan baa la door biday
Doqonkiyo war moogga

Dayuuskiyo caallaha
Deyra weeye lunsnoo
Dilka dhiig sokeeyiyo
Dagaal baa u calaf ah

Dadaal kii u howl galay
Nabaddana ku diirsaday
Barwaaquu dur duurtaa

Midnimadu waa doore
Intaad xumaha deysaan
Soomaalaay dantaa garo.


Bashiir  Cali  Xuseen
Barbaariye@hotmail.com

WANKII NOQDAY BOQORKA KAYNTA W/Q:Abdilahi Osman




WANKII NOQDAY BOQORKA KAYNTA

Waraabe toobad keen ah ayaa intuu tusbax dheer lasoo ag fadhiistay Riyo iyo Ido isagoo cod dheer ku maqashiinaya ku cel celiyay Astaaq furunlaa Astaaqfurunlaa….”Allow iga saamax waxaan Adhi soo cunay toobad keen baan ahaye Allow toobadana iga aqbal”…..Allow khaatumo xumo haygu dilin”


Laba maalmood markuu xadhko bira isku xejinayay hoostaana ka hamuumyaysanyay ilqoodhana marba ka jaleecayo, ayay idaha oo lagu xanto Faan iyo Libaaxyayn badani intay yaabeen oo afar afar afka isu saareen yidhaahdeen  “Naa walaal ilaahay baa malaa soo hadeeyaye aynu iska dayno, marka horeba annagaa gacantayada ka dhawraynaye” Riyahii oo halkaa tuban daawanayana Fajida iyo Ruwaayada uu Waraabe metelayo ayaa judhiiba yidhi Biif…Biif…Biiif intay dhegaha taageen.
Idahii ayaa is abaabulay oo ergo usoo diray Riyihii si ay uga maslaxaan Waraabahan toobad keenka noqday. Iyaba waa cibaaree Idihii u yimaade Riyihii oo horeba uga war qabay nux nuxda idaha iyo waraabahan ruwaayada jilaya, shir deg dega la gal dood iyo Falanqayn dheer kadib waxa la doortay hogaan sare oo ah Guurti u badan Ahmin isugu jira Orgiyo iyo Wanan. Waa Guurti waaya arag ilbax ah oo lagasoo celiyay Sayladaha caalamka kadib markii suuqoodii dhici waayay laakiin khubaro ku ah shaxda sida loo dhigo.
Waxa lasoo saaray layskuna raacay in Waraabe la waydiiyo hal su’aal oo kaliya oo u dhigan sidan:-
Tusbaxa aad ku tasbiixsanayso Waraabow eed ilaahay ku baryaysaa muxuu ka samaysan yahay adigoo u sheegaya sida ilaahay kugu ogyahay?
Waraabe oo ay su’aashu ku noqotay laf dhuun gashay ayaa intuu is hayn kari waayay dhaartiina meel uu ka maro waayay ku jawaabay “Waxaan ka taxday Orgigii ugu dambeeyay ee aan cunay Lafihiisii”
“Hagaag, markaa maxaynu isu sheegaynaa haddaad lafahayagiiba ku tasbiixsanayso” “ Dacawo ayaa tusbaxa gacanteeda iigu taxday” ayuu sii raaciyay. Hadalba Gam
Sir baa fakatay lana ogaa cida shaxdan dhigaysa ee ah Nus dambeedka waraabuhuba inay tahay Dacawo.
Intaa kadib waxa la bilaabay shirar doceedyo ay daadihinayaan Guddidii Ahminka ahaa laguna kasbanayo quluubta Habar Dugaag iyo waliba sidii taageero xoogan looga heli lahaa, iyadoo qorshuhu yahay in kursiga Boqorka Kaynta lagu fadhiisiyo taashkana lagu saaro Mudane WAN.
Iyadoo laga taqalusayo Waraabe iyo Dacawo oo marka horeba xaq darro isugu Gaashaan buuraystay una heshiiyay badiba bah waynta kaynta sidii ay waligoodba majaraha ugu hayn lahaayeen iyo sidoo kale inay ka faaidystaan ugaadhan daaqa uun ku foorarta iyo wax dhuunta la mariyo een midnimaduna ka dhaxayn, kursigana Sidaa loogu boqro Waraabe. Waxii ka dambeeyana midba mar lagu fadhiisiyo.
Haddaba, Waxa lagu guulaystay in Shabeel oo ahaa garabka waraabe miisaan culusna ku lahaa in lasoo xero galiyo. Sidaas si la midana Mudane Maroodi oo mar kasta iska leh kursiga Kuxigeenkana lagu guulaystay Aqlabiyadiisii.
Noolaatay yididiiladii naxashka saarnayd.
Intaa kadib waxaa iyana lagu guulaystay dhamaan Aqlabiyadii Dabaqadihii Dulmanaa kana qatanaa Maamulka Kaynta oo ay kamid ahaayeen Biciid, Deero, Harimacad,Sakaaro iyo dhamaaan intii ay faro ku qaateen.
Marka laga yimaado Mudane Daanyeer oo qudhiisa damac kaga jiray kursiga ugu sareeya Kaynta balse markii dambe hankiisii u sadqeeyay Waraabe oo ay isku bah ahaayeen kuna jawaabay “Maadaamo walaalkay olole ku jiro isagaan u tanaasulay dhisayaana, cidla kaga dhaqaaqi mayee meel uu itaal na dhigaba u kala tagi mayno”
 Doorasho gacan taag ah kadib Halkaas ayay guushii ku raacday Garabkii Ahminka ahaa taladii kayntana loo daba fadhiistay Mudane WAN
Hadaba xafladii loo qabtay wanka ayaa Waraabe oo kasoo qayb galay ay Mudane Wan isku waydaarsadeen  tixo kooban waxayna ku bilaabeen sidatan:-
Waraabe:
Wuxuu yidhi waa tahaye Nafsigii waayadan maqnaa
Inuu waaxyahayga yimi Aduunbaa ii waramay
Wadaagay baa tahaye an waayo is wehelinee
Wan yahaw hay goyn wadnaha
Wankii
 Wuxuu yidhi waa tahaye  kolkaad waydaysantahay
Ninkii kuu gala wanaag abaal baa laga wardaa,
Waxyeelaan kugu aqaan wanaag baan kuu wadacay
Warkuna waa kooban yahay wadaagnimo kaama rabo
Wadanka anaa iskale ankala waydaaranee
Waraaboow maalin wacan  
“ereyadii Carays Ciise “


W/Q. Cabdillaahi Xassan Cismaan
Facebook:  Abdilahi Osman
Email: 0634409392@gmail.com

Sunday 25 December 2016

Maalmihi madoobaa (qaybtii 2aad) Qore:Faarax biniin boss



Maalmihi madoobaa (qaybtii 2aad)
...........................................................................................................
Waa aan daalanaaye isla markiiba waa aan dhacay, shakiga aan ka qabey meesha aan joogo, sida aan u joogo iyo waxa aan u joogoba waa ay igu badnaayeen. Daaqadda yar oo dhinaca madaxa igaga beegan oo ah midda keli ah ee Mundulka aan dhex hurdaa uu leeyahay waxa ka soo gelaysa laydh qabow, oo ay ugu wacnayd dhulka oo rays ahaa. Mar-marka qaar - maadaama ay dhulka ku dhegsanayd- waxa soo gelaya xasharaad yar-yar.
Hal mar baan indhaha kala qaaday, waxa aan arkay meel aad u bilicsan iyo wax aan marki hore lo' cas-cas u maleeyey, markii dambese wax kale noqday. Qaarkood waa ay isoo eegayeen qaar kalena waxa ay ku mashquulsanaayeen hawlo u gaar ah. Sidi aan ugu dhaygagsanaa masiibadan aan lo'da u maleeyey ayaa hal mar garabkayga bidix wax iga taabteen, dib ayaa aan u jalleecay oo is idhi: bal hubi waxa ku taabtay waxa uu yahay, marki aan jeestey ayaa haddana dhinici aan ka soo jeestey wax kale iga taabteen, meeshi bilicsanayd ayaa markale ishaydi ku nasatay, waxa i taabanaya iyo meesha uu joogo midna ma garanayo, meel keliya ayaa ii bidhaamaysa oo aan ku arkaa waxan lo'da la moodo, waxa aan ku jiraa meel gudcur qam ah oo aad u madow, waxa iyana argagax igu noqotay waxan marba gees iga taabanaya ee aanan haddana arkaynin..!!
Aniga oo sidii u fiigsan oo welwel iyo walbahaar la il daran; ayaa aan xoogaa dhinicii meesha bilicsan u dhaqaaq is idhi. Markii aan hinqaday ayaa aan maqlay xam-xam iyo wax aad mooddo in uu gawso waaweyn isku xoqayo, cabsi xoogleh ayaa i gashay, waxa aan damcay in aan bal eego dhanka xam-xam-tu iiga baxayso, mise waa gudcur qam ah oo aan farahaagaba la arkaynin.
Marlabaad ayaa aan haddana hinqaday, oo is idhi bal dhaqaaq, waxa aan dareemay culays xagga cagaha iga haysta oo aad mooddid in laba kiintaal oo sonkor ah cagaha laygu xidhay, war yaa Alle yaqaan, Oo horta meeshu waa xaggee, Yaa ila socdey, goormaan imid, sidee u imid, maxaan horta doonayey/?! Su'aalahaas midna anoo aan ka jawaabin ayàa aan ku war helay cod naxdin gariir igu ridey.
Qaylo afka furo ayaa aan isku qanciyey, oo yaan u qayliyaa, maxaanse ku qayliyaa? bal adigu si yeel, codki argagaxa lahaa cabbaar ayuu aamusay,
aniguna sidii loox ama shub ayaa aan bartaydi ku engegey. Hal cabbaar ah marki aan sidaas ahaa ayaa jabaqdi haddana bilaabatay, markan wixi hore wax ka duwan ayaa aan maqlayaa, waxbaa igu soo dhowaanaya waxna waa igu sii durkayaan. Ma carartaa, sidee u carartaa iyo xaggee u carartaa midna garan waayey, Allow ii miciin baan hadal dhaafsiin waayey...!!
Gudcurka meesha qariyey iyo waxan soo xulayaaba waa laba col oo caawa cidla iga helay...!!
֞ Qababac, dig- dig ..iyo xaggaa ka soo mar” baan ku war helay ....!!
........................
La soco qaybta 3aad dhowaan


qore: farax biniin boss
https://www.facebook.com/faaraxbiniin.boss?fref=hovercard

Saturday 24 December 2016

Xiddid raacidda kooxaha-ahlu biddaca ah ee muslimiinta/qaybtii 1aad. qore:yusuf maxamed jaamac


Xiddid raacidda kooxaha-ahlu biddaca ah ee muslimiinta

Horreyn iyo danbayn mahad dhammaanteed waxa ay usugnnaantay allihii i, abbuuray i,kobciyey i hanuuniyey, iigu deeqay nimcooyin tirro beella, nimcooyinkaa oo ay ugu horrayso nimcada islaamnimada, hannuunka, garashada, caafimaadka, aqoonta, wakhtiga iyo guud ahaan nimcooyinka alle ee aan tiro lagu koobi karrin kuwo muuqda iyo kuwo qarsoon oo alle inaga daahay garashadooda,
Allaw waa kugu mahadaa nimcooyinkaa aad nagu maamuustay ee aad nagu maanshaysay haddaannu nahay uumiyaha aad abbuurtay.
Jeer labaad alle naxariis iyo nabad galyo haku galladeeyo korkiisana hayeello,ergaygii alle agtiisa lagu sharfay,ee lainnoo soo dirrey,nabi muxamed(csw)
dhibaatooyinka ummada muslimka kudhacay ee raggaadiyey waa dhibaatooyin ay darreemayaan dhammaan ummada muslimka ah ee kunnool daafaha caallamka, iyada oo kalla duwantahay sida ay ulla fallgallayso darreenkooda dhibaatooyinkaa.
inshallaah waxa aynu qormadeennan ku iftiimmin doonnaa, tilmaamida dhibaatooyinkaa ummada muslimka asiibay innaynu
tilmaano xiddideeda iyo meesha ay kasoo billawdeen kuwooda ugu waaweyn islajeerkaanna ay ku arrooraan,innaga oo kulla horreysiin doonna sida ay kulla waaweyn yihiin unna kalla saamayn iyo hallis badan yihiin.
Xiddidka koobaad ee shucuubta degelka caallamka kunnoollaan jirtay tagtadii hore dhibaateeyey, kuwa hada joogana aafeeyey ee ay ladhutinaysaa waxaa la odhankarraa waxaa kamid ah biddcada iyo cidda latimi, biddcadu waa shay khatar iyo hallis mugweyn usoo jiidday shucuubta muslimiinta.
ummada muslimka ah inntii ay diinta wax aan kamid ahayn ku soo darreen,waxaa halleelay dhibo aan la dhayal sankarrin miisaankooda,waayo qofku hadduu layimaado wax diinta khilaafsan oo laga diido laguna celliyo waxaa immaanaya is maan dhaaf caqiideed iyo iskhilaaf,labadaasi haday yimaadaana umaddaasi waa ta fashillanta,waddadii toosnaydna kallunta cadawgeedna ujabta.
Haddaba biddcadu waamaxay?.
Biddacada waxa qeexitaan dhab ah kusameeyey cullimo baddan oo kamid ah cillimada islaamka iyaga oo tacaariif iyo caddaymo isku macno dhaw siiyey,hadaba aynu ku kaaftoonno qeexid uu siiyey biddcada mid kamid ah cullimada aqoonta fog ulleh biddcada,waa immaamu shaadibi(R. T) kitaabkiisa aadka uqaayaha badan ee layidhaahdo(Al_ ictisaam)waxa uu leeyahay
البدعة: عبارة عن طريقة في الدين مخترحة،تضاهي الشرعية، يقصد بالسلوك عليها المبالغة في التعبد لله سبحانه، وهو من أجمع تعاريف البدعة واشملها.
Waxa uu leyahay bidcaddu waa in lagu soo darro diinta wax aan kamid ahayn,ama lasoo galliyo dariiq aan kamid ahayn dariiqyaddii diintu jiddaysay, oo qofku isagu ikhtiraacay, dariiqaas uu kalla mid dhigayo dariiqyadii diintu jiddaysay ,isaga oo uga goll'e innuu illaahay ucaabudo si aad uxeel dheer, amaba ujeedkalle kalle uu u soo falgalliyo diinta waxaan kamid ahayn.( majallada 1aad safxadda 37aad)
Nabi muxamed (c.s.w) isaga oo kadigaya khatarta ay leedahay biddcadu waxa uu iinnoo sheegay xadiith arrintaa cadaynaya waxaa uu yidhi(qofkii camal falla cammal aan waa faqsanayn diinta waa lagu cellinayaa,lagana aqballimaayo)-waxaa isku waa faqay labadii caallim ee cilmiga xadiithka xaaduqiinta ku ahaa,bukhaari iyo muslim.
Kooxaha islaamka ah ee bidcadda layimaadda kooxdii ugu horreysay, ayeynu wax kaiftiimin doonnaa habbeenkan suubban ee caawa, kooxdaas oo noqonnaysa kooxda lagu magacaabo khawaarijta.
Khaawirij waa maxay? Xilligee ayey billaamantay?
Sifooyinkee lagu gartaa iyo summadehee ?
Sikoobban aynu uga jawaabno weydiimahan.
Erreyga khawaarij waa errey carrabiya oo macnihiisu yahay, kuwii baxay ee kubaxay, khalliifkii afraad ee muslimiinta cali binu abii daallib(r.c)
Khawaarij waxay soo shaacbaxday sanadkii 37aad ee dabshidkii hijiriga ah dagaalkii dhexmarray labadii saxaabi ee cali binu abii daallib (r.c.)oo ahaa xilligaa khaliifkii ummada muslimka ah iyo mucaawiya binu abii sufyaan(r.c.)oo kudoodayey in lasoo qabto, ciddii kadanbaysay dilkii cusmaan binu cafaan(r.c)calina uu lahaa aynu dajino shacabka iyo dawlada, qoddobkaas oo ay isku maandhaafeen.
Halkaa waxaa kadhacay dagaal, sida ay caqiidada toosan ee sallafkii oo ahaa saxaabadii iyo cidii dariiqaa raacday ay kutagtayna dagaalkaasi waxa uu ahaa dagaal labada saxaabi dadaalkooda kumuujiyeen isaga oo midkasta u arkayey innuu saxan yahay,balse dadka muslimiinta ay fartoontahay innay ka afhaystaan, oo ayna dhexgallin, iyada oo qodobkaasi yahay qodobada ay caddawga caqiidada iyo diintu isku soo luxluxaan uguna soo gabadaan innay diinta wax kasheegaan.
Xilligaa dagaalkaa waxaa ku garrab sareeyey cali(r.c.)mucaawiya binu abii sufyaan iyo ciidankiisii waxa ay kor uqaadeen kitaabka alle ee quraanka, iyaga oo muujinnaya in kitaabka alle ay u huggaansanyihiin iyo wixii uukuxukumo.
Halkaas ayaa dagaalkaasi ku istaagay.waxaa garnaqsi iyo guddi dabqaadayaal ah loo saaray labada saxaabi ee ah abuu muusa al_ashcari (r.c.) oo kasocday dhanka cali binnu abbii daallib iyo cammar binu caas(r.c.)oo kasocday dhanka mucaawiya(r.c.)halkaas oo kitaabka alle lagu kalabaxay laguna heshiiyey.
Halkaa waxaa ka_un-kamay kooxdan lagu lagu magacaabo khawaarijta iyaga oo ku qabsaday cali binu abii daallib innaanu kitaabka alle wax kuxukumine laguna kalabixine ee rag gartood iyo garrashadood lagu kalabaxay.meeshaas ayey ka ibba_furteen oo ka -alloosmmeen
Illaa ay kubexeen ookhaliifkii, lana dagaalameen, markii dabbana ee lajabiyeyna loodirrey saxaabiga lagu garran ogyahay turjumaanul qurraan, cabdilaahi binu cabbaas(r.c.)badan koodiina ay aykasoo noqdeen fahamkii qurracnaa ee ay qaateen.
Khawaarijtu waa koox aydiintu astaamo iyo sumado uyeeshay, subbaneheenii nabi maxamed(n.n.k.h.) waxa uu astaamo guud marra innaga siiyey qolladan,
Xadiith uu warrinayo saxaabiga weyn cubaada binu saamit (r.c.)ayaa waxa uuyidhi rasuulka waxa uu yidhi(dabaday waxa imman doona qollo qurraanka akhrinaya oo qurraanku uuna udhaafayn kalxamaha waxay diinta uga siibanayaan sida leebku uga uga dhaxbaxo meesha lagu gannay).
astaamaha diintu innoo soo tabisay waxaa ugu waa weyn uguna muuqasho badan,
*waxay dadka muslimiinta ah ku gaallaysiiyaan danbiyada kabbaa,irta oo sida diintu dhigayso aan qofku haduu danbi weyn gallo aan lagu gaallaysiine,ee lkn danbi weyn loo qorrayo.
Khawaarijtu waa koox ,ay cullimada islaamka ah ee manjakii rasuulka iyo saxaabadiisii raacay ay kahadlleen si faahfaahsana u lafa gurreen una cadeeyeen.
Diintunna maaha innuu waxa uu qofku sax u arko sameeyo waa in looraaco waddooyinkii cidii innaga horaysay ee nabi muxamed (n.n.k.h.)iyo saxaabadii iyo cid allaale cidii waddoodii raacday.
Allaw darriiqa toosan nagu toosi.

FG: qoraalkaan wuxuu gaar u yahay qoraaga 
W/Q/yusuf mohamed jama
https://www.facebook.com/somalia.muqdisho.98

Thursday 22 December 2016

Barootu ogrgiga ka wayn

                                                  -------Barootu ogrgiga ka wayn----------

Safiirkii ruushka u fadhiyay turkiga ayaa xalay toogasho lagu dilay isagoo shir kujira kadib waxaa dhacay inay dawlada turkiga albaabada ulaabto dhawr safaaradood oo ay kamid yihiin maraykanka iyo jarmalka taasi waxay muujinaysaa tuhun uu turkigu kaqabo inay kadambeeyeen qorshihii lagu dilay safiirka .Isla markii ladilayba waxay tilmaameen kuwa siyaasada caalamka u dhuun daloola inay tahay arintaani qorshe lagu doonayo sidii madax laysugu galin lahaa turkiga iyo ruushka oo baryahaan lahaa siyaasad kudhisan danaha diblu maansiyadeed inagoo xasuusana diidmadii reer yurub ay kudiideen turkigu inuu yurub kubiiro sidookale xasuusana ninkii lagu eedeeyay afgambigii fashilmay ee turkiga oo uu maraykanka gabaadka siiyay . intaasiba waxay sitoos ah u muujinayaan siyaasada loodagayo sidii turkiga looga taqalusi lahaa.Hadaanu ka eegno dhanka sharciga islaamigaa waxay su,aali kataagantahay arintaan oo badanaa dadka arimahaan u dabaal dagaya ay yihiin dhalin ay kujirto dareen islaaminimo iyo mid binu aadanimo iyo ciilka iyo caraday kaqaadeen xasuuqa reer xalab blse baroortu orgiga ka Wayne mays waydiisay yaa qaalisan hal gaal iyo muslimiin laxasuuqay ninkaliyaa ladilay oo gaal ah anagana kumanaan ayaa nalaka xasuuqay , waa mida kalee bal hadaan kasoo qaadno arintaan inayba sax tahay mays waydiisay imisa dhibaatay arintaani keeni kartaa?! Ogsoonoowna in sharciga islaamku uu wax ka eego maslaxada badani halkay kujirto waa mida kalee mays waydiisay sharci 

ahaan safiirada dilkoodu shareecada maku banaan yihiin.





SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...