Tuesday 27 December 2016

MIDNIMOOY MIYAAN KAA MAARANAA?

 
       
Midnimooy miyaan kaa maarannaa?

Midnimo asal ahaan, waxey ka abuurantaa oo ay ka soo dhex billaabataa lab iyo dheddig is jeclaaday oo is xod xodasho ka dib ku heshiiyay in ay guri iyo guur xalaal ah dhisaan noloshana lammaane ku wadaagaan.

Dhismaha qoysku waa halka ay midnimadu ka soo taranto maxaa yeelay qoyska oo tarma waxaa ka dhasha qaraabo xigto amaba sokeeye dhiig wadaag ah.

Qaraabo ururtay, waxey isugu ururtaa qabiil iyo farac abtirsiimo leh. Qabaa’illo isu tagayna waxey noqdaan qowmiyad xoog weyn. Qowmiyadaha oo sii bataana waxey noqdaan qaran iyo dowlad quwad leh, oo dal, dad iyo diinba wax tari kara.

Ruux kasta oo Soomaali ahow, quruxdaada waa qarannimo, dadnimadaadu waa dowladnimo, gogoshaadu waa ciidda iyo calanka, huga dhaxanta kaa celiyana waa nabadda  iyo wadajirka walaalnimo oo aad micnahooda fahamto ee damiirkaada waddaniyadeed intaa ha ku baro.

Runtii maseyrka waddaniyadeed mar buu wanaagsan yahay ee shaqsiga Soomaaliyeedow meel kasta oo aad dunida ka joogto ilaah baan kugu dhaarshaye, nabadda aad caalamka ku heysato iyo dalkaaga dabka uu ka huraayo bal isu miisaan sow kama xunuunsatid oo uma maseyrtid midnimada iyo nabadda ay dadka kale heystaan ee ay ku raaxeysanayaan, mise damiir laawoow maxaa iga galay baad ku nooshahay!!?.

Marka aad aragto daaraha dhaadheer ee wada muraayadaha ah iyo waddooyinka quruxda badan ee ubaxa lagu wada afmeeray ee dalxiiska iyo socotada ay is  daba marayaan, qolo walibana ay calankeeda si xarraga leh u walfineyso, ilaah baan kugu dhaarshaye sow dalkaada iyo midnimadaada uma maseyrtid  oo hinaase kama qaaddid waxa hortaada ka muuqda, mise dameeri dhaan raacday un baad iska tahay!?.

Marka aad dhex socoto dalalka horumaray ee aad arkeyso safaarado calamo kala duwan ay ka dul babbanayaan oo uusan ka dhex muuqan calankaagii buluugga ahaa, sow hinaase qaran iyo maseyr dartii u ma xanuunsatid, mise ajnabi baad is moodday oo qiirada waddankaaguba ku ma heyso!?

Marka aad idaacadaha ka maqasho midnimada oo sida toortaha loo sii kala jar jarayo, jidkii qodxaha lahaa oo weli lagu sii lugeynayo iyo basashii ureysay maalinba cad la caleemo saarayo iyo madaxweynayaal tiro dhaaf ah oo qab iyo is naceyb un soo kordhinaya, sow kama fikirtid su’aasha ah «Midnimooy miyaan kaa maarannaa?» Mise sax iyo qalad meeshuu ina adeerkaa u socdaba waad u sacbisaa?.

Cayaaraha isboortiska ah ee caalamka ka dhaca dunidana ay isku wada aragto iyada oo dowlad waliba ay xamaasaddeeda soo bandhigeyso qaran walibana uu calankii halkaa ka lulanayo, sow isma weydiisid aaway dalkaagii iyo dadkaagii maxey meeshan uga soo muuqan waayeen?.

Marka ay tartamada cayaaruhu dhamaadaan ee kaalinta koobaad, labaad iyo seddexaad koobabka iyo haddiyadaha la kala siinayo, sow ma hinaastid oo maskaxdaada kuma soo dhacdo  «Waxaa fiicnaan laheyd Soomaaliya oo kaalinta koowaad gasha?»

Dabcan waan hubaa qof kasta oo damiir waddaniyadeed leh inuu sidaa u fekerayo oo uu dalkiisu wax la jecel yahay, laakin soomaalidu waxey ku mahmaahdaa «Doonaahu waa gaaraa, nimaan shaqeysan shaah waa ka xaaraan» iyo qaar kaloo badan, dadaal baase lagu kala hor maray ee muwaaddinoow jawaab maangal ah u hel su’aasha ah «Midnimooy miyaan kaa maarannaa?».

Dad sagaal ku wada dhalay
Dadaal baase kala reebay
Caqli baa dardaaran leh
Cilmi baa dugaashi leh

Dar  colaad fadhiyiyo
Dar nabad hagoogsaday
Tartan baa la door biday
Doqonkiyo war moogga

Dayuuskiyo caallaha
Deyra weeye lunsnoo
Dilka dhiig sokeeyiyo
Dagaal baa u calaf ah

Dadaal kii u howl galay
Nabaddana ku diirsaday
Barwaaquu dur duurtaa

Midnimadu waa doore
Intaad xumaha deysaan
Soomaalaay dantaa garo.


Bashiir  Cali  Xuseen
Barbaariye@hotmail.com

No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...