Tuesday 26 July 2016

Bandhig buugaageedkii hargeysa somaliland QR/sayid maxamed xeydari



Bandhig buugaageedkii hargeysa  somaliland

Saaka oo ay aheyd maalintu sabti bishuna tahay23-7-2016.

Mahadnaq:

Mahadoo dhan ilahay baa iska leh ilaahii ii suura galiye in aan ka qeybgalo bandhiga hal-qor ,ilahay ka so kow waxan umahad celinaya gudigii soo abaa bulay bandhig buugaageedkan oo ah kii 9aad,waxan kaloo mahad u celinayaa qorayaashii soomaliyeed ee waqti iyo dhaqale ba gali yey sidii ey wax dhaxal  ah meel ugu dhigi lahaayeen umadooda somaliyeed oo aad iminka moodid in ey qaar kood ama intooda badani ba in ey dhaqankoodi ilaaween amba ay isaga tageen. taasoo loo saarin karo saddex arrimood oo kala ah,

1.      In ey waayeen qoraalo si xeel dheer looga qoray afkooda,dhaqan kooda, iyo suugaan tooda.

2.      In ay waayeen waayeel dhaxal gal ah oo ay ka faaiideystaan milgihii uu lahaa dhaqanka soomaalidu,iyo xeerarkiisii soo jireenka ahaa.

3.      In ey jiraan duulaano ay afkeena  ku soo qaadeen afafkale, rabaanna in ay gabi ahanba meesha ka saaraan.

Dareenkeyga:

Waxan ku farax sanahay in aan ka qeyb galo ban dhigii 9aad ee buugagta hal abuurka iyo qoraalka ee(hal-qor) oo ani ii aheyd markii koowaad aan ka qeybgalo.

Waxaan aad ugu farxsanahay jiritanka ay maanta jiraan dad waayahan danbe qoraalka bilaabay,waxan awal islahaa tolow soomali yaa umaqan,laakiin hadda waxaad moodaa iney taa iga baxday ka gadaal markaan arkay qoraalada dhalinyarada qaar.

Dardaaran:

Waxaan kula dardaarmaya umada soomaliyeed in wax la qoro,ha noqoto dhaqan,suugaan,iyo sooyaal,iyo waxkastoo aad isleedahay umadeeneey wax utarayaan.

Qofkii horay wax uqori jirayna in uu halkaa ka siiwado, kii aan qori jirinna in uu iminka bilaabo,si uu magac iyo maamuus uga helo umadiisa, dadkiisana wax utaro.

Waxaan ku la dar daarmi lahaa hooyooyinka iyo aabayaasha soomaaliyeey in ey daryeelaan dhaqanka ubadkooda,geeyaana bandhigyada noocaan oo kale ah si ay u higsadaan heerka ay gaareen qorayaashii qoray buugtan ey maanta usoo daawasha tageen,iyo in ey ubadkooda ku adkeeyaan wax akhrinta,iyo qoraalka,waxaan sigaara kula dardaarmayaa hooyooyinka in ey ciyaalkooda kutartan siiyaan qaab sameysta curiska afka soomaaliga abaal mariyaana kan ugu curiska fiican si ay ugu daydaan.



Mudnaanta qoraalka iyo sooyaalka

Ahmiyada qoraalku leeyahay waxaa kamida inuu yaalo muda dheer, hadii uu ilaahay kasamata bixiyo lumid.                                                                                                                 waxaad ogtihiin in waxa uu qofku maanta maankiisa ku heysto uu la dhinto, laakiin waxa uu qoraal uga tago in ay ka haraan,waxa suurowdaba qofku in tuusan dhimasha gaarin ba in uu ilaawo ba waxa uumaankiisa ku heystay, carabtuna wexey ku maahmaahda(wixii la qoraa sugnaada)

waxaa suurowda waxaad qorto in ey ka faa iideystaan dad aan adi aheyn hadii aysan galin gacanta qof aan ka faa ideysaneyn, in aad ku barato dareen cabirka, iyo ku qan cinta qofka fikirkaaga,iyo waxad ka ka hadleyso.

Faaiidooyinka qoraalku waa laba mid un.

1.      In aad barato sida wax looqoro,curisna loo alifo,aadna barato kala doorashada adeegsiga kal maduha sey ukala haboonyihiin.

2.      In aad dadka dhexdooda ka hesho maamuus,iyo magac aadan horay ugu ismaneyn sida qoraa iyo wixii lamida.

sooyaalk waxaan ku micneyn karaa waa taariikh.  

Waxan markhati usooqadaneynaa badbaadada soyaalka,                                                          

Waxaad aragtaa in soomaalida maskaxdeeda wali baaqi ku yihiin gabayo ka hadlaya wax horay udhacay ha noqoto colaad iyo hashiis la kala gaaray ,iyo wixii lamida,wexey dadyoowgaasu xasuustaan gabaygaa wuxuu ku baxay iyo wuxuu ka hadlayo.                                                    Had iyo jeer gabayga taariiikhdooda lama ilaawo waayo wuxuu baaqi ku yahay dadka maskaxdooda.

Waxad aragtaa in carabtu sooyaal ka dhigtaan gabaygii jaahiliga sida imru qeys,cantara ibnu shidaad.

Maxaa soomaali kahortaagan iney sooyaal ka dhigato dhaqan kooda iyo suugaantooda.

                       



Mahadsanidiin



Qore:sayid maxamed xeydari   

No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...