Thursday 30 June 2016

SIYAASADA QARAN EE JUNSIGA MAXAA KAQALDAN?! QAYTII 1AAD Q/R:AHMED FARATOOYO




SIYAASADA QARAN EE JUNSIGA MAXAA KAQALDAN?! QAYTII 1AAD Q/R:AHMED FARATOOYO.

siyaasada jinsiga sidaan horay u sheegnay waxaa soodajisay wasaarada haweenka iyo xuquuqul aadamaha ee dawlada fadaraalka ee soomaaliya waxayna horkeentay golaha xukuumada ee fadaraalka wayna ansixiyeen kadibna waxaa soobaxay warar sheegaya inay siyaasadaani sitoos ah ugasoo horjeedo sharciga islaamka iyo dhaqanka suuban ee soomaalida.
hadaba xagee wax siyihiin?
Sharcigaan markaad akhriso qaabka looqoray waa qaab inbadan laga soo fiirsada oraaha iyo qurxinta sadarada iyo isdul saarida erayada iyo hab dhawaaqaba waxaana ka muuqata aftahanimo gaamurtay blse markaad si fiican ugu sii fiirsatid muxuu sitoos ah uga hor imaanayaa ‪#‎diinta‬ islaamka ‪#‎dastuurka‬ fadaraalka ‪#‎dhaqanka‬ suuban ee soomaalida wuxuuna ku tumanayaa dhamaan mabaadiida caqliga.
Dhanka kale waxaaba moodaa in aan si fcn looga fiirsan qoraalkiisa waxbadan yaanan idin daalin aan si toos ah u lafa gurno qormooyinka iyo cutubyada iyo hadalada deel qaafka ku ah diinteena suuban.
((‪#‎bogga‬ 3aad)) waxaa kuqoran.
‪#‎ARAR‬
((Siyaasadan waxaa saldhig u ah iyo marjac loo noqdo shareecada islaamka heshiisyada caalamiga
ah iyo shuruucda dalka u yaala))
weedhaasi waa weedh dhadhan leh uuna ku sirmayo qof walboo aan hadalka nuxurkiisa fahmin waana weedh aad uga soohorjeeda siday u qorantahay balse isaydii muxuu ku haystaa?!
bal aan si hoose ukala fur furno kalmada si,aad si hoose ugu fahanto ((saldhig waxaa u ah iyo marjic loonodo shareecada islaamka heshiisyada caalamiga ah!!!!!!!))
‪#‎heshiisyada‬ ‪#‎caalamiga‬ ah iyo ‪#‎shareecada‬ 
waa labo waxyaabood oo aan marna meel isugu imaan karin bal haday run katahay muxay ugu joojin waayeen #shareecada ‪#‎islaamka‬ oo ay kala soodooneen #heshiisyada caalamigaa taasi waxay sitoos ah kuu tusinaysaa in ujeedku uusan eheen shareecada islaamka balse ay ku qurxisanayaan habqoraaleedka weedha ayna ku qancinayaan bulshadeena.
mideeda kale markuu cabaarsiiwaday ayuu hadana meel dhexe kutiri sidaan
#bogga 6aad:
((Waxaa lagama maarmaan ah in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay saxiixdo dhamaan
sharuucaha caalimga ah iyo kuwa heer gobol sida kan ciribtirka hayb sooca ka dhanka ah haweenka (CEDAW) ))
waxay siyaasadaani sitoos ah ugu baaqaysaa inay soomaaliya saxiixdo heshiiska lagu magacaabo ‪#‎cedaw‬ oo ah heshiis si aan gabasho lahayn uga hor imaanaya shareecada islaamka iyo dhaqanka suuban iyo wiliba dastuurka la dhoodhoobay ee fadaraalku qorteen wuxuuna sitoos ah meelka dhac ugu sameenayaa oo uu hadana badilayaa ‪#‎haweenayda‬ ama dumarka noocaydoonaan ha ahaato iyo daday doonto ha ahaato.
qodobkaam ku qoran #bogga 6aad ee siyaasadaana waa meesha ugu daran ee ay doodu kataagantahay aadna moodo imayba tahay nuxurka siyaasadaan loo xardhay.
hadaba adigu miyaad taqaanaa heshiiska caalamigaa ee loogu magac daray ciribtirka hayb sooca ka dhanka ah haweenka ee #CEDAW?! miyaadse ogtahay qodobaduu xam baarsanyahay iyo baaqa uu ku baaqayo??!
waxaan ku qaada dhigi doonaa qodob qodobna aanu usoo qaadan doonaa qaybeheena kale ee soosocda.
‪#‎lasoco‬ ‪#‎qaybta‬ 2aad.
qore:axmed faratooyo
facebook:https://www.facebook.com/ahmed.faratooyo
email:faratooyo30@gmail.com

No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...