Tuesday 28 June 2016

SIRTA KU SOOHAN SINAANTA JINSIGA IYO QAYLA DHAANTA XUQUUQDA HAWEENKA W/Q: Faaisa Cabdilaahi Moxamed *Faiza Shabeelhawd*




SIRTA KU SOOHAN SINAANTA JINSIGA IYO QAYLA DHAANTA XUQUUQDA HAWEENKA





MAHADNAQ:

Mahad oo dhami Allah ayaa ay u sugnaatay Allah intuu uumay aduunka iyo inta ku noolba u xaq qaybshee u cadaalad sameeya , mahadi haka gaadho Hooyaday macaan siday noogu quudisay samaha hana ugu bedelo danbi dhaaf iyo naxariis , Aabena allah qabrigiisa ha ugu nuuriyo oo ha uga dhigo beer ka mida beeraha janada amin, sidoo kale waxaan mahad u celin dhamaan waalidkay , barayaashayda, walaalahay, seygayga sida quruxda badan ee ay iigula taliyaan wanaaga iyo sama ka talis inaan mar walba ahaado, ugu danbaynta waxaan u mahad celin dhamaan akhristayaasha qormadan, asxaabtayda iyo bahda shabaka puntlandtoday oo dhawaaqayga gaarsiisa dhegaha iyo dhaayaha dadkayga . Waxaaana leeyahay dhamaantiin waad mahadsantihiin khayr allah haydiin ku bedelo wanaagiina .

ARAR:

Ka dib markii aan arkay in sinaanta raga iyo dumarka ay noqotay mid gashay nolol maalmeedkii dadka.

Ka dib markii aan arkay inaan wax badan ay naan ka ogayn diinteena waxay ina siisay iyo dhaqankeenii soomalinimo ee wanaagsanaaa Ka dib markii aan arkay in kulan kasta ee la qabto ee ku salaysan shaqo bulshada loo qabanyo inuu soo galayo erayga sinaan *si is le `eg *

Ka dib markii aan anaga haween ahaaan hilmaamnay habraac haweenimo iyo jaantuskii qurxoonaa ee hooyooyinkeen lahaayeen Ka dib markii aan aqriyey qoraalo badan oo laga qoray sinaanta raga iyo dumarka , sida dhaqdhaqaaqii sinaysiinta raga iyo dumarka ee 1960 ilaa 70 ee maraykan , iyo weliba kii ugu runta badnaaa ee ay qortay Marlori Fochus * The Negative Effects Of Modern Feminism On The Family.*

Waxaan qalinka u qaatay inaan qoro allah qaadirka ah na I solonsiiyey qormadan aan cinwaanka ugu dooray *SIRTA KU SOOHAN SINAANTA JINSIGA IYO QAYLA DHAANNTA XUQUUQDA HAWEENKA *

HORDHAC:

Soomaalidu waa dad wadaaga dalka , dadka iyo deegaanka , dad leh dhaqan iyo kala danbayn , xushmad iyo ixtiraam, xeer iyo xarig qabta , waa dad badankooda muslim ah oo diinta islaamka haysta .

Dumarku soomalidu waa dad ku ah caan hufnaan, naxariis ,kalgacal iyo xushmad ay u hayaan ragooda iyagoo aan ukala saarsaarayn , aabe,walaal, iyo seey midna ee waxay mid walba u hayaan xushmad iyo ixtiraam uu ku leeyahay agtooda.
Raga somalidu waa rag jecel dumarkooda oo ixtiraama , u dhimriya oo u diida wixii dhibaya naftooda iyadoo waxyaabaha dhibi kara haweenayda lagu kala duwanaan karo .

Waxayna aad u ilaaliyaaan sumacada iyo sharafta gabdhohooda in ka badan naftooda , waxaa ninka somaliga ah danbi iyo inuu naf gooyo ku galaaa si uu u badbaadsho sharafta walaashiis ,hooyadiis, gabadha uu dhalay ama xaaskiisa .

Dumarku waxay hooy iyo hu` ba u yihiin dadkooda , waa gabaad la hadhsado markii geed hoos leh la waayo, waa il kuu burqanaysa markii oonku wax laayo, waa habtada halyeeyga , waa la taliyaha madaxdeena waa hormuudka wanaaga hadii ay garawsato heerka uu rabi SWT geeyey ee ay u gudadto shaqadeeda.

Waxaa ay leedahay xaq waxaana laga rabaa oo saaran waajib la rabo inay gudato una gudato sida allah faray .
Waxaa mudooyinkan danbe soo badanaya af ku haynta sinaanta jinsiga , xuquuqda haweenka iyo tacadiyada loo geeysto haweenka .

Allah SWT ayaa ah mid u cadaalad fala quraanyada dhagax hoostiisa jiifta, noolaha bada ku nool, kan samada duula iyo kan uurka hooyadiisa ku nool .

RAG IYO DUMAR

Rag iyo dumar waa laba nooc oo ka mida ah noolaha allah abuuray , waa labo is dhamaystira oo aan isu dhigmi Karin mar naba Rag iyo dumar waa seeska iyo saqafka guriga waaana udub dhexaadka bulsha kasta ,
Rag iyo dumar waa caqliga iyo cududa dal kasta.

Waa labo ku kala duwan muuqaal , maskax iyo hide sidayaalba , waxay ku kala duwanyihiin muuqaalka guud waxaa kala duwan qaabka lafahooda u samaysanyihiin ee allah subxaanahu wa tacaalaa u abuuray, tusaale miskaha dumarka waxay aad uga samays duwanyihiin qaabka , balaca marka la barbar dhigo kuwa raga , sidoo kale waxay ku kala duwan yihiin dhinaca maskaxda , sida ay sheegaan qolyaha barta cilmiga maskaxda la xiriira, maskaxda ragu waxay ka weyntahay cabir ahaan tan dumarka 11-12% sida ay sheegaan qolyaha barta cilmiga la xiriira maskaxda , taas macneheeda maahan inay ka caqli badan yihiin dumarka , ee sida caadiga raga waxa uu leeyahay muruqyo ka badan kuwa dumarka muruqyadan badan ayaa waxay u baahanyihiin* neurons: waa unugyada maskaxda iyo jirka intiisa kale ukala qaada fariimaha* fara badan si ay ugu kala qaadaan fariimaha maskaxda iyo inta kale ee jirka .

Maskaxda dumarka waxay awood u leedahay inay la xiriirto oo xiriir la smayso ilaaa dhawr waxyaalood oo kala duwan hal mar , inay wax dhegaysto, daawato, qorto, akhriso, sheekayso , arintaan ayaa waxay aad ugu fududaysaa inay xaliyaan khilaafaatka hadii ay sida ugu haboon u adeegsadaan maskaxdooda ,halka raga ay ku adagtahay inay hal mar dhegaystaan , hadlaan, daawadaan FG arinta xiriirka waa tan badanaa keenta dhibaatooyinka soo food saara qoyska .

Sidoo kale waxay ku kala duwanyihin hida sidayaasha qolyaha caafimaadka waxay ku kala saaraan lab iyo dhedig labadan shibbane ee kala ah *X iyo Y * XX ay tahay dhedig halka XY ay tahay astaan lagu aqoonsado labka .

Allah SWT waxa uu ka abuuray aabeheen Nabi AADAM nabad gelyo korkiisa ha ahaatee dhoobo halka hooyadeen xaawa laga abuuray feertii aabeheen Nebi Adam NKHA.

Dhamaan kuwa aan kor kusoo xusnay waxaan ka baranaynaa in raga iyo dumarka ay ku kala duwanyihiin xaga abuurka ayna tahay xikmad allah SWT uu abuuray labadaba inay is dhamays tiraaan .

Hadii manta ay jabto feer ka mida feeraheena saableeyda waxaa hubaala inaynaan si toos ah u qaadan karayn hawada ama u saari karayn , marka qalooca feertu maaha dhinaansho ama naqsi abuur ee waa dhamaystir baahiyeed oo allah inoo dooray , waxaan uga gol leeyahay sida feerta qaloocan qaadashada hawada ama saarida ay ugu tahay mid aan laga maarmi Karin qaloocnaanteeda ayaaa ay dumarkuna raga u yihiin .

Hadii aan in yar ka sheego waxyaabaha ay ka simanyihiin raga iyo dumarku ee diinteena suubani na bartay , waxaan ugu horaysiin Waxay ka simayihiin xisaabinta maalinka danbe ee qiyaamada , qof walba waxaa loo xisaabin waxa uu falay iyo abal marintooda isagoo aan loo eegin rag iyo dumar Waxay ka simanyihiin nolosha , waxbarashada, caafimaadka iyo qaadida masuuliyada , haba kala duwanaanto sida loo gudanayo hawlahaas oo dhan Ma jirto cid uga naxariis badan waalidka ilmahisa, ma jirto cid uga dhaqaale badan maalkiisa qofka hantiile ah , gaarigaaga, gurigaaaga, arigaaga, geelaaaga sida aad u dhaqaalayso oo aad ugu daqnato uguma daqnado qofka aad u dhiibato allah ayaa ka weyn intaasba sida uu inoogu xaq qeybshay cadaalad falay inooguma fali karto cid ka sokeeysa .

Waxaa badanaa lagu soo qaataa xuquuqda haweenka marka laga hadlayo in xuquuq ka maqantahay , aayadaha dhaxalka gaar ahaan aayada 11 aad ee suurada al-nisaaa , saas oo ay tahay aayada waxaa laga soo qaataaa inta oronaysa labku inuu saami u helayo intii laba gabdhood heli lahaayeen, ha yeesheee isla aayada ayaa ina baraysa inay jirto mar ay gabadhu helayso kala bar waxa uu helo labku oo ah marka hooyada ay dhimato oo ay ka tagto hal gabadh iyo ninkeeda *seeyga hooyada dhimatay* markaas gabdha waxay heli kala bar wixii la dhaxlayay halka aabaha uu ka helayo afar meelood oo meel sidoo kale isla aayadan ayaa ina baraysa in ay jirto mar ay aabaha iyo hooyada saami is le eg helayaaan oo aan look ala eegeeyeen lab iyo dhedig .oo mid waliba helayo lixmeelood oo meel .

Maah is le ekaysiin ama sinaysiin ee waa si cadaalada ah .

Haweenka iyagoo dhaxalka la dhaxlo ka mid ah ayaa diinteena sharaftay oo xaq u siisay dhaxalka .

Xuquuqda haweenku maahan xoolo geed ku laalan oo hangool u baahan ama tuuryo tuuryeeeyn , xuquuqda haweenka waa tii allah siiyey eek u qoran kitaabka allah kuna sugan sunaha rasuulka SCW .

Nabi muxamad NNKH ayaa inoo ah tusaale waxa uu aad ugu dhiiri gelin jiray waxbasrahada haweenka ilaa uu uga yeelay maalin ay gaar u leeyihiin haweenku oo ay ku bartaan diintooda, sidoo kale hooyadeen Caaisha allah haka raali noqdee waxay ahayd macalimad, dhakhtarad, suugaanyahanad, waxay waraisya 2010 xadiis oo wada saxiixa , ugama baahni tusaale iyo tusmo cid kale .hadii ay noqoto waxbarsha, caafimaad, u adeegid bulsho.

Aayada 34 suurada al-nisaa ee badanaa loo soo qaato qawaamada . hadii la sheego wax taagan waxa jira cid fadhida oo lagu kala saarayo .

Qawaamadan aayadan waxaa daba taala waxa allah kukala fadilay badhba badhka kale , qawaamada waa masuuliyada saaran oo ka saaran haweenkooda waxaa allah ku kalifay raga inay u shaqeeyaaan haweenkooda oo adeegaan dartood si ay ugu noolaadaan nolol wanaagsan , hadii ay tahay gabdh waxaa u adeegaya oo u shaqaynaya aabaheed oo masuuliayd ka saarantahay laguna xisaabinayaaa, walaalkeeda, hadii ay xaas noqotona ninkeeda waxaa waajib ku ah oo lagu kalifay inuu usoo adeego . iyadase waajib kuma aha inay usoo adeegto wuxuu quudan lahaa , xidhan lahaa iyo dhalaankiisa waxay ku noolaan lahaayeen iyadoo la wada dhalay dhalaanka, iyada allah kuma kalifin .

Marka qawaamada aayadan maaaha sharaf lagu sharfayo raga ee waa kalifaad lagu kalifayo inay gudtaan masuuliyada ka saaran haweenkooda .

Waxaa sidan ku sharaxay Dr raateb al-naabulsy, Dr maxamed mutawala al-shacraawi iyo zayid al qutub .

SI AAD U HESHO XAQAAGA DAREEN OO GUDO MASUULIYADAADA

Wax kasta oo aalah abuuray waxay leedahay xaq, dadkuna waxay leeyihiin xaq oo allah ay ku leeyihiin, allah SWT waxa uu ku leeyahay xaq adoomihiisa, sidoo kale dadka dhexdooda waxay isku leeyihiin xaquuq.

Si aan u helno xaqeena marka hore waa inaan dareenaa inay jiraan xuquuq laysku leeyahay, waa inaaan baranaaa dabadeedna waa inaan gudanaa xaqa laynaga rabo inaga Oo uu horeeyo kan nafteena inagu leedahay oo ah inaan ka badbaadino naarta , inaan waxbarno oo waxii aan baranay aan ku camal falno wax macne ah ma keenayso mana soo kordhinayso inaan urursano boqolaal shahaado oo aan waxba ka bedeli Karin dhaqankeena una bedeli Karin dhahnka wanaagsan .

Sidooo kale waa inaan ogaanaa in ay xaq inagu leeyihiin dadkeena ay ugu horeeyaan, labdeena waalid inan baari u noqono ugu adeegno wixii allah raali kayahay, lamaanayaasheena, dhalaankeena, ehehladeena, deriskeena iyo bulshadeena oo aan mar walba ka ilaalino dhib inaan u geeysano , waxaa hubaal ah hadii qof waliba uu ogaado oo aqoonsado xaqa lagu leeyahay inuu xaqiisana helayo.

Haweenayda waxay xaq u leedahay inay ragu ilaaliyaan, dareenkeeda, jidhkeeda, nafteeda, maalkeeda, sharafteeda waxaa allah ka dhigay boqorad loogu adeego halkeeda.

Xuquuqda diinta islaamku siisay haweenka waa mid qayb weyn ka ah jiritaanka qoyska, koritaanka bulshada iyo ilbaxnimada ay umadi leedahay , Markii ay diinta islaamku xaqii haweenayda saartay raga ee ay tiri waxay cuni lahayd, cabi lahayd, gashan lahay, meeshya degi lahayd waxaa ka masuul ah adiga hadana loo sii raaciyey inuu ilaaliye dareenkeeda, caafimaadkeeda iyo baahiyaheeda oo dhan.

Isla mar ahaantaan ay la wadaagto inay wax barato, shaqaysato waxaan ka qaadanaynaaa jiritaanka qoyska iyosi aan u imaan khilaaf I jiid aan ku jiidee ah waxaa halka ka imanaya in hooyada ay halkii ay kaa raadin lahayd quud iyo nolol maalmeed ay ku dedaalayso barbaarinta ubadka taasoo keenaysa in bulshadii ay u korto caqli ahaaan, ilbaxnimadii umadi lahaydna loo helo.

Iyadoo ay jiri karaan duruufo la xiriira waalidka , oo markaan keeni kara in ay wada shaqeeyaan waxaase mar walba muhiim ah inuusan keeni Karin wax khilaafad ah ama dayac ku keeni kara dhalaanka .

Waxaan aqriyey qormooyin dhawr ah oo ka hadlaya sinaysiinta jinsiga oo ay qoreen qolyaha reer galbeedka ee aad ugu ololeeya arintan waxaa runtii aad iisoo jiitay sida ay uga qortay xaqiiqada dhabta ah iyo saamaynta aan wanaagsanayn ee ay arintani ku yeelatay qoysaska iyo bulshada qoraalka ay qortay Marlori Fuchs oo ay cinwaan uga dhigtay * The Negative Effects Of Modern Feminism On The Family* iyadoo wax badan ka sheegatay waxay leedahay oo ay ka marag kacaysaa in arinka sinaynsiintu uu saamayn xun ku yeeshay bulshada iyo qoysaska dhexdooda laga soo bilaaabo dhaqdhaqaaqii sinaysiin raadiska ee 1960 ilaa 70 yadii soo bilawday , waxaa ka dhashay waxyaabahan hoos ku xusi doono Marlori waxay tiri waxaa batay ilmaha layska soo rido oo wax loo raaco lahayn, waxaa batay cudurada galmada laysugu gudbiyo waxay xustay in sandakii ugu yaraa 3 milion oo dhalinyaro ah ay noqdaan kuwa la il daran cudurada galmada laysugu gudbiyo ayna u badan yihiin dumarka yaryar ee dhalinyarada ah , waxay xustay in uu aad u badanayo khilaafaatka ka dhex taagan ee mar walba ka aloosmaya qoyska waxay kaloo sheegtay in furiinka uu noqday mid sidii hore ka badan oo maraykanka dadka is guursada 50% uu ku dhamaado guurkoodii furiin si fudud , waxaa batay caruurta wada ku noolka ah , Malori waxay tiri ma jirto hab ka fiican in hooyada ay ka war qabto gurigeeda waqtiga u badana ay la qaadato caruurteeda iyo qoyskeeda si ay uga warqabto caafimaadka iyo nolosha dhabta ah ay ay qabaan , Waxaaan u baahanahay inaan dib usoo cesheno haweenimadeenii iyo sharaftii aan lahayn, waxaan u baahanahay inaaan dib u badbaadino inta inaga danbaysa, waxaan u baahanahay inaynaaan marnaba diidin xaqiiqada dhabta ah ee taagan maanta , dumar hadaan nahay waxaan haysanaaa wadooyin fara badan oo aan wax ku bedeli karno inagoo ilaashanayna sharafteena , waxaan leenahay tayo aan ku dumin karno ama ku dhisi karno guryaheena , bulshadeena iyo wadankeenaba Waxay kusoo gunanaday in dumarka ay yihiin sida xididka geedka oo kale halka raga ay ku matashay inay yihiin geedka , marka geedka awoodiisa waa inta xididkiisa le egyahay ee aan dib ugu noqono oo usoo ceshano sharafteenii .

Malori waxay ahayd maraykan gabadh u dhalatay kana qortay xaqiiqada dhabta ah . waxayna inoo sheegtay tacadiyada loogeeystay haweenka oo ka dhashay dhaqdhaqaaqii 1960-70 kii wixii ka danbeeyey.

Hadaba akhriste ma kula tahay sinaysiinta raga iyo dumarka inay tahay cudur lagu durayo bulsha caafimaad qabta ?

Hadii qoladii shalay raadinaysay ay maanta ka gacan taagtay oo leedahay inaan dib u noqono weeye oo ilaashano sharafteenii makula tahay in ay sinaysiinta raga iyo dumarku qayb ka qaadanayso burburinta iyo qalaalasha qoysaska si gaara si guud ahaaneedna soomaliya ?

Is weydii akhriste oo raadi jawaabta , diyaari xalkeeda iyo sidii looga hortagi lahaa

SINAAN

Sinaan : sinaantu waa inaad hal wax oo isku mida si is le eg ugu qaybiso laba shay ama qof adigoo aan eegin baahida midkoodna
Tusaale waxa aad tahay waalid haysta laba ilme wiil iyo gabadh oo gabdhu indhaha araga ka jirantahay *indhool tahay* kan kalena uu caafimaad qabo
Waxaad usoo kaxaysay suuqa si aad ugu gado lebiskooda , gabdha ayaad u gaday toob –canbuur ama saako iyo ukuyaalo araga ah si aad u sinto iyada iyo wiilka waa inaad wiilkana u gadaa toob,canbuur ama saako iyo ukuyaalahii araga .

Labadaada ilme waa sintay oo sinaan ayaa ka shaqaysay ha yeesheee uma cadaalad falin .

Cadaaladu waa in la siiyo cid walba waxay u baahantahay, isla tusaalihii hore cadaalada waxay noqonaysaaa adigoo eegaya diintaada , dhaqankaaga wanaagsan, baahida jirtana ku salynaya
Inaan u gado gabdha : toob, canbuur ama saako hadba saad u taqaano xijaabkeeda iyo muraayada araga si ay uga caawiyaan araga indhaha.

Wiilkana aan u gadno : surweel , shaar iyo ukiyaalaha qoraxda ama kuwa uu ku xaragooda oo aan aragiisa wax yeelayn waayo uma baahna aragiisu .

Hada waan u cadaalad samynay intii aan karnay mase simin wiilka iyo gabadha.

GEBOGEBO

Akhriste qormadan kuma soo koobi karno sirta ku soohan sinaysiinta jinsiga iyo qaylo dhaanta xuquuqda haweenka, waxaanse jeclaystay in aan isla argano oo isla akhrino xaqiiqada dhabta ah ee ka danbaysa arinkan wax yar oo ka mid ah.

Ma jiro xaq ka maqan haweenay Somali ah oo loo raadinayo waxaase jira xaquuq ay leedahay haweenaydu iyo kuwa lagu leeyahay oo aysan ogayn aqoona u lahayn isla mar ahaantaan u baahan in ay u barrato oo u baarto siday tahay iyadoo ilaalinaysa sharafteeda.

Akhriste waraabuhu xeradii oodafa weeyn iyo hantiila ilaashada leh kuma soo dhaco sidoo kale qofkii leh adkaysan, aragti iyo aqoon kuma soo dhaco dhabqalalaasa waduhu.

Ogow mashruuc kastaa waxa uu leeyahay u jeedo ka danbaysa marka ka feker oo ka feker oo ka eeg dhinacya badan intaadan ku dhaqaaqin falideeda ama qabashadeeda.

Qoraaga Fitnat Masiikah Bir kitaabkiisa xuquuqda haweenka ee sharciga islaamku siiyey iyo sharciyada caalamku u dejiyey ee xuquuqda aadamaha ee ka kooban 246 baal waxaa si fiican oo caqli iyo sharciba ku salaysan loogu falanqeeyey arimaha la xiriira haweenka ee hada aad looga falanqoodo .

Akhriste rag iyo dumar waa laba is dheeli iyo dhamays tira, waa laba aan kala maarmin, waa wiil iyo hooyadii , gabdh iyo walaalkeed, oday iyo xaaskiis mar walba waa is dheeli tirayaaal is dhamaystira. Mid waliba waxa uu leeyahay xaq waxaana lagu leeyahay xaq.

Mashaariicda sinaysiinta jinsiga aan u bedelno barashada xaqa diinteenu ina siisay iyo xaqa layna saaray ee laynaga rabo.

TALO BIXIN

Akhriste waxaan talo u siinayaa naftayda iyo taadaba inaan ogaano inaan masuul ka nahay dadkeena iyo dalkeena.
Inaan ogaano wax badan oo ku saabsan hawlaha aan qabanyno oo u qabanayno bulshadeena iyo nafteenaba *baro intaadan bilaabin hawsha*

In diinteeena iyo dhaqankeenu uu noqodo mid haga hab socodkeena.

Inaan noqono kuwa soo jeeda oo la socda waayaha iyo wacyiga jira ee markaas lagu jiro , oo aan akhrino, dhegaysano, dheehano isla mar ahaantaaana lafa gurno dhacdooyinka la xiriira shaqooyinkeena .
Inaan wax akhrino !

AFEEF

Wixii aan gefay waa naftayda iyo shaydaan allah ayaan danbi dhaaf ka weydiisan *astaqfirulaah* wixii aan asiibayna allah ayaya ka ahaadeen oo ku mahadsan .

Waxaan masuul ka ahay qormadan, akhristaha sharafta leh adigana waxaad masuul ka tahay fahamkaaga .

TIXRAAC

Waxaa u ah qormadan tix raac
1: Kitaabka Allah, sunaha rasuulka scw iyo siiradiisa
2: Kitaabka xuquuqda haweenka ee shareecda islaamku siisay iyo sharciyada caalamku u dejiyey ee uu qoray * Fitnat Masikah Bir *
3: Qormadii Marloro Fochus ee Sinaysiinta jinsiga iyo saameynta aan wanaagsanayn ee uu u gaystay qoyska iyo bulshada.
4: wacyiga iyo dhcdooyinka dalkayga iyo dadkayga ka dhexeeya.
5: wacyiga jira iyo dhacdooyinka wadankayga si gaar ah.

XIRIIR
W/Q: Faaisa Cabdilaahi Moxamed *Faiza Shabeelhawd*
Taariikhda: 12/04/2016
Email: fowsqalbi@gmail.com / Faizabilan25@gmail.com
Facebook: faiza shabeelhawd
Bosaaso Somalia

No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...