Wednesday 11 May 2016

SHEEKADII HALGAN:”Nolushu waa halgan, Nin hanyarina mahano qaado” [Qore: Axmed Xuseen Suleymaan]



Maxamed waa wiil dhalinyaro ah oo ay dhaleen qoys sabool ah oo kunool miyiga. Qoyskiisu waxay lahaayeen 50 ari ah iyo hal rati oo ay ku guuraan. Qoys ahaan waxay ka koobnaayeen shan qof oo kala ahaa Maxamed iyo gabar walaashiis ah oo ah da’diisa hoos uga yarayd oo la yiraahdo Canab iyo wiil ka yar Canab oo isna layiraahdo Cumar iyo labadooda waalid oo la kala yiraahdo Caynab iyo Cowrala.

Maxamed sida caadiga ah wuxuu ilaalin jiray ratiga,yaraantiisii maalin maalmaha kamid ah isagoo soo dheelminaya ratiga,waxaa u yimi Aabihiis oo markaas dhagaysanayey raadiye. Raadiyahana waxaa kabaxayey barnaamij ka hadlaya ahmiyada wax barashada ay leedahay. Maxamed wuxuu aad ula dhacay barnaamijkii wuxuuna go aan saday inuu waxbarto inkastoo aysan u muuqan suurogal.

Maxamed,wuxuu ka fakarayey sidii uu qoyskiisa ugu soo bandhigi lahaa qorshaha uu doonayey taasoo ku qaadatay muddo todobaad ah.

Ugu danbayntii xili habeen ah oo xoolihii la kala xereeyey oo lacawaynayo ayuu Maxamed u sheegay qoyskiisa in uu doonayo arrin muhiim ah in u la wadaagayo qoyka oo dan u ah reerka,xubnihii qoyska oo dhan ayaa soo eegay Maxamed ka dibna Aabihiis ayaa yiri “oo muxuu yahay arinkaasi bal noosheeg”?

Maxamed oo ay ka muuqato dhiiranaan ayaa yiri,waxaan rabaa in aan waxbarto oo aan noqdo qof aqoonleh! Arintani waxay ku noqotay layaab qoyska, Aabihii ayaa yiri Xagee wax ka baranaysaa inagu waxaynu nahay reer guuraa e?

Maxamed ayaa ugu jawaabay Aabihiis, Aabe waxaan rabaa in la ii geeyo Eedo Qamar si aan iyada ula joogo waxna u barto.

Intuusan oday Caynab hadlin,waxaa arintii aad ula dhacday hooyo Cowrala oo tiri waa arin muhiima arinta uu inala wadaagay Maxamed ee waa inaynu waxbarasho gaynaa Wiilka madama ay labadii kale joogaan oo aysan qoyska cidna waxbarasho helin.

Wadatashi qoyska iyo qarabada dhexdooda ah kadib, Maxamed waxaa loo ogolaaday waxbarashadii waxaana la geeyey magaalada.

Eedo Qamar oo loo geyey Maxamed iyada qudheedu malahayn aqoon iyo hanti toona, hase yeeshee waxay soo jeedisay in wiilka la geeyo Dugsi Qur’aan iyo Iskuul labadaba.

Oday Caynab oo horay usoo kaxeeyey neef ari ah wuxuu u iib-geeyey suuqa xoolaha, Kadibna ,wuxuu soo iibshay Kitaab Qur’aanka kariimka ah, iskujoog dharki iskuulka ah iyo hal buug oo uu ugu talagalay inuu Maxamed ku dhigto Iskuulka. Wuxuuna geeyey dugsi iyo iskuul oday Caynab maalinti dambe miyiga ayuu dib ugu laabtay.

Maxamed waxay macalimiinta iyo ardaydu u sheegeen in loo bahanyahay shan buug ugu yaraan hase ahaatee arintani way ku adkayd Maxamed waayo dhaqaale ma haysan, Odagii wuu tagay Eedadiina wuu ka warqabay oo uma suurobeyn inay u iibiso buugtan cusub.

Maxamed wuxuuna bilaabay in uu aado meelaha qashin qubka ah si uu uga soo urursado buugaag la xooray oo baalal ka banaanyihiin iyo joornaalo cadcad kadibna uu isugu tolo si uu buug uga samaysto.

Maxamed wuxuu jeesjees iyo dacaayad joogta ah uu kala kulmi jiray ardayda iskuulkiisa iyo dadka tuulada qayb kamid ah.

Waxayna u bixiyeen magacyo badan iyagoo eegaya buugtiisa gacan ku samayska ah iyo hugiisa oo aan qurxoonayn. balse Maxamed waxaas waxba kama soo qaadin jirin. Wuxuuna nolashaas ku dhamaystay dugsigiisii Hoose/Dhexe.

Tuulada Malahayn Dugsi sare marka Maxamed wuxuu ka codsaday qoyskiisa in loo wareejiyo dagmada si uu uga sii wado waxbarashadiisa. Talo is raadraadin qof loogeeyo Maxamed waxaa lahelay Islaan la yiraahdo Ceebla, oo ay saaxiibo yihiin Qamar (Maxamed Eedadii) oo dagan dagmada.

Waxaana loo bandhigay aritii, nasiib wanaag Ceebla way aqbashay arintii waxayna balanqaaday cunnada iyo jiifka wiilka. Hase yeshee wali waxa taagnayd lacagtii iskuulka iyo qarashaadkii kale sida buugtii oo oday Caynab wali lagu sugayo.

Oday Caynab oo u muuqda markaan inuu fahmay ahmiyadda Waxbarashadda wuxuu iibgeyn jiray caanaha iyo wixii kale ee xoolihiisa uu ka helo si uu uga bixiyo lacagta iskuulka Maxamed.

Dhanka kale Ceebla oo ahayd qof wanaagsan misna uu qabay oday Diirshe oo ahaa ganacsade ayaa siin jirtay Maxamed lacag u dhiganta hal doolar ($1) Jimce kasta. Taasina waxay keentay in Maxamed uu kaydsado oo labo sano kadib markuu u baasayey fasalka 3aad ee dugsiga sare lacagtiina u gaartay boqol doolar ($100). uu kufurto kabar yar oo horyiiley dugsi H/Dhexe oo u dhowaa xaafadii uu kunoolaa.

Maxamed wuxuu aadi jiray iskuulkiisa subixii galinka dambena, wuxuu iibin jiray kabarkiisa oo uu ciyaalka ka iibinjiray Jalaato, buugta, qalinmada, macmacaanada iyo waxyabaha kale ee ay ciyaalka iskuulku xiiseeyaan. Habeenkiina wuxuu diyaarsan jiray casharadiisa.

Maxamed wuxuu ahaa shaqsi dagan, furfuran oo ay jeclaayeen dhamaan macmiishiisu. Taasina waxay geentay in sanad kadib uu kabarkii u badalo Dugaan laga helo intii kabarka iyo dhaamaanba adeegyada dugaamada xaafaduhu bixiyaan.

Markii uu u baasayey fasalka ugu dameeya dugsiga sare Maxamed wuxuu aaday reerkoodii wuxuuna horay usiiqaaday adeeg dhamaystiran iyo xoogaa lacaga oo uu kashaqeeyey dukaanka si uu uga soo ducaysto waalidkiis.

Runtiina waxay ahayd lama filaan, waxaa intaas u dheeraa qorshe kale oo ah inuu soo kaxeeyo walaashiis Canab si uu u geeyo dugsi lagu barto farsamada gacanta iyo qurxinta haweenka oo ku yiilay degmada.

Way usuuragashay Maxamed qorshihiisii. Canab iyo Maxamed waxay yimaadeen degmadii Canab waxa la geeyey iskuulkii farsamada gacanta iyo qurxinta haweenka, subixiina waxay iibisaa dugaanka inta Maxamed Jiro Iskuulka.

Maxamed wuxuu yeshay saaxiibo badan maadaama uu yahay wiil dadaal badan oo inbadan oo saaxiibadii kamid ah ayaa usoo jeedisay in uu lacagtan yar ku Tahriibo si uu noloshan mid ka wacan uga abuuro Yurub madaama uu howlkar yahay.

Hase yeeshee u maysan muuqan waxaasi Maxamed oo wuxuu laba jibaaray waxbarshadii isuu fasalka Afraad kaalin fiican uga galo.
Nasiib wanaag Maxamed waxa urumoomdey riyadiisi iyo ducadii waalidkii oo waxa uu galay kaalinta koowaad ee iskuulkiisa iyo deegaangiisa guud ahaan.

Taasi waxay keentay inuu Maxamed deeq waxbarasho ka helo mid kamida Jaamacadaha deegaankiisa, Maxamed wuxuu aad ugu fiicnaa dhanka hal abuurka iyo dhaqaalaha wuxuuna codsi shaqo u gaystay shirkad ganacsi oo caan ah oo ka howlkasha deegaankiisa,isagoona ka noqday Madaxa wax soosaarka Shirkada.

Maxamed waxa lagu shaqaaleeyey lacag dhan kun doolar ($1,000) taasi waxay u sahashay in uu qoyskiisii u samyeeyo Beer weyn oo uu u badalo qoyskii sii xoola dhaqato beeralay.

Maxamed qoyskiisu hadda waa ganacsadada ugu caansan dhanka wax soosaarka Beeraha ee deegaankooda,walaalshiis Canab iyadaa lawareegtay oo iibisa dukaankii waxayna ku haminaysaa inay furato meel haweenka lagu qurxiyo oo ay iyadu khaas uleedahay.

Maxamed waxuu kudhigtaa jamacada lacagla’aan dhanka kale waxa loo wadaa in laga dhigo Maamulaha Guud ee shirkada waayo aad ayaa looga helay aqoontiisa iyo shaqadiisa.

Maxamed wuxuu kuhaminayaa dhowr waxyaabood oo kala ah:

Inuu samaysto ganacsi weyn oo isaga khaas u ah
Inuu guursado
Inuu waaridkiis geeyo xajka
Inuu furo iskuul ay waxku bartaan dadka danyarta ahi.
Halku dhiga Sheekada “Nolushu waa halgan, Nin hanyarina mahano qaado”

Qore: Axmed Xuseen Suleymaan
E-mail: Xaruur143@gmail.com
Facebook: Ahmed Hussein Suleiman

No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...