Friday 29 April 2016

HAWEENKA IYO HOGAANKA QAYBTI:2AAD QR: AXMED MAXAMED XIRSI FARATOOYO


HAWEENKA IYO HOGAANKA QAYBTI:2AAD QR: AXMED MAXAMED XIRSI FARATOOYO.


Waxaan qaybtii hore kusoo tilmaamnay xuquuqda u gaarkaa ee dumarku ay leeyihiin xuquuqdaas oo aan raga lasiin balse aad moodo in dumarkii muraayad qaldan wax laga tuso oo been loosheegay balse waxaa laga yaabaa akhriste inaad is waydiinaso maxay tahay muraayada ay iska daawadeen in badan oo haweenka kamid ah kadibna ay is dheheen isku dheerariya raga .

waxaa jira heshiis ay ugu magac dareen  (( heshiiska caalamka ee xuquuqda haweenka))
balse waxaa nasiib daro ah iany in badan oo haweenka kamid ah ay iska daawadeen muraayadaas hase yeeshee ay ku dagmeen heshiiskaas oo si toos ah ugu tumanaya xuquuqda dumarka iyo qodobada iyo xeerarka diintu ay noodajisay sidookalana aan waxna kareebeen dhaqanka suuban ee soomaalida .

akhriste yaanan ku daalin ee bal fiiri heshiiskaan ay gaareen gaalo wayn iyo kuwo aan waxna fahamsaneen oo xuquuqda dumarka ay dheheen balse xaqiiqda marka laga hadlo0 ah mid ku tumanaya xuquuqda haweenka:.


Heshiiska caalamiga ah ee xuquuqda haweenka


Muxuu leeyahay heshiiska caalamiga ah ee dumarku?

(((  Heshiiska caalamiga ah ee joojinta cunsuriyeynta dumarka noocii ay doonto ha ahaatee waxaa badanaa loogu yeeraa heshiiska caalamiga ah ee dumarka. kaasna waxaa qaatay QM(Qaramada midoobay), wuxuuna leeyahay dumarka waxay si sax ah ugu xuquuq yihiin ragga. Qaybo badan oo dunida ka mid ah dumarka waa la duudsiiyaa xuquuqdooda.

Waxay leeyihiin awood ka yar midda ragga, mana haystaan fursado la mid ah kuwa ragga tusaale ahaan sida waxbarashada ama in ay si xor ah u go’aansadaan noloshooda. Sidaas darteed ayaa loo baahan yahay xeerar si bayyaan ah u oranaya dumarku waxay ku xuquuq yihiin ragga lamana cunsuriyeyn karo. Halkaaan waxaad ka akhrisan kartaa dhawr ka mid qodobada heshiiska caalamiga ah ee dumarka.

Qodobka 3

Gabdhuhu waa in ay helaan xuquuqda iyo xornimada ragga oo kale dhinac kasta oo nolosha. Waxay noqon kartaa in ay gabdhuhu xaq u helaan in ay siyaasadda uga qayb qaataan sida wiilasha oo kale, in ay yeeshaan saaxiibo, ay lacag shaqaystaan ayna dhaqaalahooda ayagu ka taliyaan.

Qodobka 5

Gabdhaha waa in aan loo arkin in ay ka daciifsan yihiin wiilasha oo aan laga haysan aragti xun iyo dhaqan ku dhisan fikrado noocaas ah.

Qodobka 16

Gabdhuhu waa in ay helaan xuquuq la mid midda wiilasha oo ay si madax bannaan u dooran karaan haddii ay rabaan in ay guursadaan iyo ciddii ay guursanayaan. Gabdhuhu waa in ay helaan xuquuq la mid ah wiilasha, oo ay ayagu go’aansadaan haddii ay rabaan in ay carruur dhalaan, oo haddii ay saas tahayna inta carruur ah oo ay rabaan. Gabdhuhu waxay kaloo ku xuquuq yihiin wiilasha markii ay noqoto waxa ay doonayaan in ay ka shaqeeyaan. )))))



  hadaba akhriste qoraalkaan waamid si fiican loo qoray balse wata dhiilo xumeen dumar iyo ku xad gudub xuuquuqda uu eebe siiyay ee hadaba maxay tahay xuquuqda uu eebe siiyay???


lasoco qaybta 3aad 

qore:axmed maxamed xirsi(faratooyo)

1 comment:

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...