Saturday 19 March 2016

Hiraal uusan halgan la socon waa riyo habeeneed, By Saadiq Eenow


Hiraal uusan halgan la socon waa riyo habeeneed, By Saadiq Eenow





Si ay taas u suurowdo, hiraalku wuxuu kaa yeelayaa qof ayan sariirta dusheeda qoraxdu ugu soo bixin. Waxaad ogaataa, hiraalkaagu in uu hir-gelayo markii go´aankiisa aad qalbiga ku xirto howl-galkiisana aad laabta ku xirto.
Duruusta nolosha laga bartay waxay tahay, qof-walba noloshiisa in ay tahay dhambaal, qofkii hiraal yeesha ayaa dhambaalka guta. Qof aanan hiraal lahayn, noloshiisa waa bilaa-dhambaal.
Hiraal uusan halgan la socon waa riyo-habeenaad, halgan uusan hiraal la socon waa riyo-maalmeed. In aad hiraal yeelato waa in aad naqshadeysato far-samadii aad ku gaari lahayd yoolka caqli-galka ah ee aad nolosha ka leedahay.
Wax-kasta oo aanu nolosha ka dooneyno, xuduudda ina dhex-taal maahan awooddayada yarta ah ee waa hiraalkayaga yarka ah. Qofka aanan hiraal lahayn, noloshiisa wuxuu ka yeelaa mid ku xiran waxyaabaha uu ka filanayo dadka kale. Sidaas ayaa calafkiisuna wuxuu ka yeelaa mid ku xiran qof kale.
Sida qof walba ay sareyntiisa ugu jaan-go´an tahay hiraalkiisa, ayaa ummad walba hor u-markeeda ay ku jaan-go´an tahay hiraalkeeda. Ogow oo gacan waliba waxay kor u kacdaa hadba meesha uu qalbigeedu la doonayo in ay gaadho. Ooraah ayaa jirta oraneysaa: Hiraal la´aanta waxay ka liidataa arag la´aanta.
Dad badan oo indha leh ayaa hiraal la´aan ku saaqidey. Dad badan oo aanan indha lahayn ayaa hiraal dartiis ku guuleystay. Maalinta uu qofku yeesho hiraal, dabadeedna uu guddoonsado in uu xaqiijiyo, maalintaas ayuu bilaabay dhigidda dhagaxii asaaska aayahiisa.
Qofba qofka uu ka hiraal culus yahay, nolosha waa uu kaga sareynayaa. Raja-dhigid walba waxay leedahay xuduud ay ku dhamaato. Laakiin rajadu xuduuddeeda waa hadba inta uu hiraalkaagu gaarsiisan-yahay.
Qof aan hiraal lahayn waa qof aan rajo lahayn. Mustaqbalkana kuwa uusan u muuqan waxaa ka-leh kuwa uu u muuqdo. Mar-kasta oo aad meel-kore eegto, waxaad heleysaa iftiin. Sida uu codkaaga iyo caqligaaga gaar kuugu yahay ayuu hiraalkaaguna gaar kuugu yahay.
Hiraalka dhabta ah waxaa weheliya go´aan-qaadasho iyo masuuliyad, waana wax quuris iyo wax helid. Marna yeeyan ku dabrin xilli kugu culus iyo xaalad kugu adkaatay.
Goobta laga baadigoobo guusha nolosha, maahan meesha aad taagan tahay iyo xilliga aad joogto ee waa meesha aad ku socoto iyo xilliga kugu soo food-leh. Ogow meel uusan hiraal jirin in ayan rajo jirin.
Hiraalka qurxoon waxaa laga dhaxlaa naqshad qurxoon. Uunka muuqatada, badankoodu maahan sida ay kuugu muuqdaan. Sidaa darteed doqonka waa qofka aanan wax is-weydiin.
Qofka caqliga leh wuxuu is-weydiiyaa maxay sidaas u noqdeen. Qofka xikmadyahanka ah wuxuu is-weydiiyaa maxay sidaas u noqon-waayeen.
Si aad xaqiiqada u heshid, waa in aad aamintaa mucjisaadka. Mustaqbalka wanaagsan waxaa iska-leh kuwa ay u muuqdaan inta ayan soo gaarin. Hiraalkaaga meeshaad ku xirtid ayaa hankaaguna gaarayaa. Soomaalina horey ugu maahmaahdey: Eebe, weel wayn ayaa lagu baryaa.

Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.ecomnow@gmail.

No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...