Monday 21 March 2016

8 Arrimood Oo Guul Lagu Gaadho! q/r:c/raxmaan dayax

8 Arrimood Oo Guul Lagu Gaadho!


Nin layiraahdo Dr. Richard wuxuu yiri maalin ayaan diyaarad saarnaa, agtaydana waxaa fadhiday gabar yar oo dhigata skuulka sare kana soo jeeda qoys faqiir ah waxayna aadna u jeclayd inay wax kabadasho dhibka haysta qoyskeeda. Waxayna i waydiisay sidee loo garaa guul? Ana waxaan dareemay xanuun badan maxayeelay ma awoodin inaan siiyo jawaab sax ah oo tafatiran. Waxaan go’aansaday in markaan diyaaradii ka dago aan raadiyo dad gaaray guul iyo horumar, aana weydiiyo sidee guul loo gaaraa? 7 sano kadib iyo 500 oo waraysi oon kaqaaday dad guulo sare gaaray waxaa iisoo baxday in guul lagugaaro arimahan soo socda:
Hilow: Hilowga loo hiloobo gaaritaanka guusha ayaa qofka kuqasba inuu shaqa qabto, oo uusan kasexanin. Dadka jecel inay guul garaana uma shaqeeyaan inay helaan lacag oo kaliya, ee waxay udadalaan inay shaqadooda ku raaxaystaan, kadibna waxay isla helaan guul iyo maal badan.
2. Shaqo: Guul oo dhan waxaa saldhig u ah, shaqo loo maro dhib badan, wax bilaash iyo raaxo ku yimaadana maba jiraan waa wax riqiis ah oon qiimo badan lahayn. Dadka huromarka gaara waxay qabtaan shaqo ay kuraaxaystaan. Waqtigooda iyo naftoodana ay uhuraan, waxayna ushaqeeyaan siqota dheer.
3. Tababar iyo kucecelin farabadan: Si aad unoqoto guulayste bilaw shaqo fiican aadna ubadi taba-barashada iyo kucelcelinta, oo riyo iyo sixir midna hasugin, ee kutalagal dadaal iyo taba-barasho dhab ah si aad shaqadaa Master uga noqoto.
4. Hadafkaaga Beegso: isagana kuseexo kuna sookac, hana iskudayin inaad hal jeer toban shay kashaqayso, balse hadafkaaga oo qura ah indhaha kuhay habeen iyo maalin, soo jeed iyo hurdo labadaba.
5. Cadaadinta Nafta: Naftaada kucadaadi siday hore ugusocon lahayd markasta iyo sikastaba, haka-shakin hana kaxishoon hadafkaaga magac dhawgiisa iyo kucelcelintiisa, naftaadana hamahdinin hubsana inaada wali gaarin meeshi usaraysay una qiimaha badnayd. Markasta sii raadi meel ka saraysa meesha aad hada joogto.
6. Dadka U adeeg: una qabo wax qiima leh, taasina waa jidka ugu gaaban ee guul lagu gaaro. Kaligii noolade ama dantii raadiye meeldheer magaaro, oo qofka naftiisa uun kafikiraya hadafkiisu aad buu ugaaban yahay. Qofka meel dhow kusocdaana dhaqsuu daala, halka qofka meel dheer kusocdaa daalku uusan xasuusanayninba.
7. Raadi fikrado cusub: hana sugin wax haljeer kugu soo daga oo guul weyn kugaarsiiya. Guushu waa fikrado yaryar oo laysku daray, lagu celceliyay, lakobciyay, oon laga daalin. (Dhibicda yar ee dhulka ugu dhacda si isdaba joog ahi god bay qodaa, laakin baaldi buuxa hadii haljeer dhulka lagu shubo god ma qodi karto).
8. Haka Harin: Dadaalkii aad soowaday xataa haday kaa hortimaado guul darro, ama dadka shaqo la’aanta ahi kucaayaan, Waxaad ogaataa inay guul darradu dhasho guul qiimo badan tahayna hordhicii guusha weyn, hadaad kahartase waxaad noqonaysaa cumrigiisii khasaariyay.
Tilmaamahaasi waa kuwa guul iyo wanaag lagu gaaro sida uu ninkaa aqoonta iyo khibrada dheer lihi udhigay, waxaana haboon qofku inuu isagu ismiisaano meesha uu kajoogo tilmaamahaas balse siguud waxaan oran karaa umada somaliyeed

waa umad lagu imtixaanay fudayd, dagdeg iyo dhakhso afka buuxso, guul ordaysa dusha kagadhac. Taasina waamid kahor imaanaysa sunada Ilaahay ee kudhisan in guusha macaan lagaaro oo kaliya markii lahelo fikir wanaagsan, niyo adag, dadaal is dabajoog ah iyo rabi oo latala saarto.
Xigasho


qr:c/raxmaan dayax

No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...