Monday 21 March 2016

8 Arrimood Oo Guul Lagu Gaadho! q/r:c/raxmaan dayax

8 Arrimood Oo Guul Lagu Gaadho!


Nin layiraahdo Dr. Richard wuxuu yiri maalin ayaan diyaarad saarnaa, agtaydana waxaa fadhiday gabar yar oo dhigata skuulka sare kana soo jeeda qoys faqiir ah waxayna aadna u jeclayd inay wax kabadasho dhibka haysta qoyskeeda. Waxayna i waydiisay sidee loo garaa guul? Ana waxaan dareemay xanuun badan maxayeelay ma awoodin inaan siiyo jawaab sax ah oo tafatiran. Waxaan go’aansaday in markaan diyaaradii ka dago aan raadiyo dad gaaray guul iyo horumar, aana weydiiyo sidee guul loo gaaraa? 7 sano kadib iyo 500 oo waraysi oon kaqaaday dad guulo sare gaaray waxaa iisoo baxday in guul lagugaaro arimahan soo socda:
Hilow: Hilowga loo hiloobo gaaritaanka guusha ayaa qofka kuqasba inuu shaqa qabto, oo uusan kasexanin. Dadka jecel inay guul garaana uma shaqeeyaan inay helaan lacag oo kaliya, ee waxay udadalaan inay shaqadooda ku raaxaystaan, kadibna waxay isla helaan guul iyo maal badan.
2. Shaqo: Guul oo dhan waxaa saldhig u ah, shaqo loo maro dhib badan, wax bilaash iyo raaxo ku yimaadana maba jiraan waa wax riqiis ah oon qiimo badan lahayn. Dadka huromarka gaara waxay qabtaan shaqo ay kuraaxaystaan. Waqtigooda iyo naftoodana ay uhuraan, waxayna ushaqeeyaan siqota dheer.
3. Tababar iyo kucecelin farabadan: Si aad unoqoto guulayste bilaw shaqo fiican aadna ubadi taba-barashada iyo kucelcelinta, oo riyo iyo sixir midna hasugin, ee kutalagal dadaal iyo taba-barasho dhab ah si aad shaqadaa Master uga noqoto.
4. Hadafkaaga Beegso: isagana kuseexo kuna sookac, hana iskudayin inaad hal jeer toban shay kashaqayso, balse hadafkaaga oo qura ah indhaha kuhay habeen iyo maalin, soo jeed iyo hurdo labadaba.
5. Cadaadinta Nafta: Naftaada kucadaadi siday hore ugusocon lahayd markasta iyo sikastaba, haka-shakin hana kaxishoon hadafkaaga magac dhawgiisa iyo kucelcelintiisa, naftaadana hamahdinin hubsana inaada wali gaarin meeshi usaraysay una qiimaha badnayd. Markasta sii raadi meel ka saraysa meesha aad hada joogto.
6. Dadka U adeeg: una qabo wax qiima leh, taasina waa jidka ugu gaaban ee guul lagu gaaro. Kaligii noolade ama dantii raadiye meeldheer magaaro, oo qofka naftiisa uun kafikiraya hadafkiisu aad buu ugaaban yahay. Qofka meel dhow kusocdaana dhaqsuu daala, halka qofka meel dheer kusocdaa daalku uusan xasuusanayninba.
7. Raadi fikrado cusub: hana sugin wax haljeer kugu soo daga oo guul weyn kugaarsiiya. Guushu waa fikrado yaryar oo laysku daray, lagu celceliyay, lakobciyay, oon laga daalin. (Dhibicda yar ee dhulka ugu dhacda si isdaba joog ahi god bay qodaa, laakin baaldi buuxa hadii haljeer dhulka lagu shubo god ma qodi karto).
8. Haka Harin: Dadaalkii aad soowaday xataa haday kaa hortimaado guul darro, ama dadka shaqo la’aanta ahi kucaayaan, Waxaad ogaataa inay guul darradu dhasho guul qiimo badan tahayna hordhicii guusha weyn, hadaad kahartase waxaad noqonaysaa cumrigiisii khasaariyay.
Tilmaamahaasi waa kuwa guul iyo wanaag lagu gaaro sida uu ninkaa aqoonta iyo khibrada dheer lihi udhigay, waxaana haboon qofku inuu isagu ismiisaano meesha uu kajoogo tilmaamahaas balse siguud waxaan oran karaa umada somaliyeed

waa umad lagu imtixaanay fudayd, dagdeg iyo dhakhso afka buuxso, guul ordaysa dusha kagadhac. Taasina waamid kahor imaanaysa sunada Ilaahay ee kudhisan in guusha macaan lagaaro oo kaliya markii lahelo fikir wanaagsan, niyo adag, dadaal is dabajoog ah iyo rabi oo latala saarto.
Xigasho


qr:c/raxmaan dayax

Saturday 19 March 2016

Hiraal uusan halgan la socon waa riyo habeeneed, By Saadiq Eenow


Hiraal uusan halgan la socon waa riyo habeeneed, By Saadiq Eenow





Si ay taas u suurowdo, hiraalku wuxuu kaa yeelayaa qof ayan sariirta dusheeda qoraxdu ugu soo bixin. Waxaad ogaataa, hiraalkaagu in uu hir-gelayo markii go´aankiisa aad qalbiga ku xirto howl-galkiisana aad laabta ku xirto.
Duruusta nolosha laga bartay waxay tahay, qof-walba noloshiisa in ay tahay dhambaal, qofkii hiraal yeesha ayaa dhambaalka guta. Qof aanan hiraal lahayn, noloshiisa waa bilaa-dhambaal.
Hiraal uusan halgan la socon waa riyo-habeenaad, halgan uusan hiraal la socon waa riyo-maalmeed. In aad hiraal yeelato waa in aad naqshadeysato far-samadii aad ku gaari lahayd yoolka caqli-galka ah ee aad nolosha ka leedahay.
Wax-kasta oo aanu nolosha ka dooneyno, xuduudda ina dhex-taal maahan awooddayada yarta ah ee waa hiraalkayaga yarka ah. Qofka aanan hiraal lahayn, noloshiisa wuxuu ka yeelaa mid ku xiran waxyaabaha uu ka filanayo dadka kale. Sidaas ayaa calafkiisuna wuxuu ka yeelaa mid ku xiran qof kale.
Sida qof walba ay sareyntiisa ugu jaan-go´an tahay hiraalkiisa, ayaa ummad walba hor u-markeeda ay ku jaan-go´an tahay hiraalkeeda. Ogow oo gacan waliba waxay kor u kacdaa hadba meesha uu qalbigeedu la doonayo in ay gaadho. Ooraah ayaa jirta oraneysaa: Hiraal la´aanta waxay ka liidataa arag la´aanta.
Dad badan oo indha leh ayaa hiraal la´aan ku saaqidey. Dad badan oo aanan indha lahayn ayaa hiraal dartiis ku guuleystay. Maalinta uu qofku yeesho hiraal, dabadeedna uu guddoonsado in uu xaqiijiyo, maalintaas ayuu bilaabay dhigidda dhagaxii asaaska aayahiisa.
Qofba qofka uu ka hiraal culus yahay, nolosha waa uu kaga sareynayaa. Raja-dhigid walba waxay leedahay xuduud ay ku dhamaato. Laakiin rajadu xuduuddeeda waa hadba inta uu hiraalkaagu gaarsiisan-yahay.
Qof aan hiraal lahayn waa qof aan rajo lahayn. Mustaqbalkana kuwa uusan u muuqan waxaa ka-leh kuwa uu u muuqdo. Mar-kasta oo aad meel-kore eegto, waxaad heleysaa iftiin. Sida uu codkaaga iyo caqligaaga gaar kuugu yahay ayuu hiraalkaaguna gaar kuugu yahay.
Hiraalka dhabta ah waxaa weheliya go´aan-qaadasho iyo masuuliyad, waana wax quuris iyo wax helid. Marna yeeyan ku dabrin xilli kugu culus iyo xaalad kugu adkaatay.
Goobta laga baadigoobo guusha nolosha, maahan meesha aad taagan tahay iyo xilliga aad joogto ee waa meesha aad ku socoto iyo xilliga kugu soo food-leh. Ogow meel uusan hiraal jirin in ayan rajo jirin.
Hiraalka qurxoon waxaa laga dhaxlaa naqshad qurxoon. Uunka muuqatada, badankoodu maahan sida ay kuugu muuqdaan. Sidaa darteed doqonka waa qofka aanan wax is-weydiin.
Qofka caqliga leh wuxuu is-weydiiyaa maxay sidaas u noqdeen. Qofka xikmadyahanka ah wuxuu is-weydiiyaa maxay sidaas u noqon-waayeen.
Si aad xaqiiqada u heshid, waa in aad aamintaa mucjisaadka. Mustaqbalka wanaagsan waxaa iska-leh kuwa ay u muuqdaan inta ayan soo gaarin. Hiraalkaaga meeshaad ku xirtid ayaa hankaaguna gaarayaa. Soomaalina horey ugu maahmaahdey: Eebe, weel wayn ayaa lagu baryaa.

Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.ecomnow@gmail.

Wednesday 9 March 2016

‎sifooyinkaan xaaskii laga helo ninkeedu ma haweesto xaaskale


‎sifooyinkaan xaaskii laga helo ninkeedu ma haweesto xaaskale




1- guriga oo nadiif ah
2- guriga oo udgoon
3- guriga oo dagan oo buuq ku yar yahay isla markaana saygeedu ku raaxay san karo , gaar ahaana saacadaha uu daalan yahay ee uu shaqada ka soo rawaxo
4- gabadha oo ku dadaasha qurxinta iyo daryeelka ubadka
taasi waxay farxad galisaa qalbiga odeygeda waxeyna abuurtaa jacayl hor leh
5- gabadha oo si qoto dheer u darista dabeecada dhabta iyo wakhtiga wax la waydiin karo iyo wakhtiga dhaliil loo sheegi karo
waxaana dumarka ugu fiican gabadha ninkeeda wixii dhaliil ah u sheegta subaxdii markii uu soo kaco ee ay niyadiisu dagan tahay
wixii codsi ahna kaga dhamaysata wakhtiga sariirta
6- gabdha oo ninkeeda u diyaarisa cuntooyinka iyo cabitaanka uu ugu jecel yahay si ay u raali galiso una hanato qalbiga saygeeda
7- gabdha oo ninkeeda u dhago nuglaata- adeecida markastana ku badisa hadalada macmacaan sida :
( haye xabiibi, marxaba ninkaygii ,waan kuu diyaariyay indhahaygii )
8- gabdha oo ehelka iyo asxaabtiisa ninkeeda ula dhaganta sida ugu sharafta badan
9- gabadha oo ku dadaasha in ay ilaaliso maalka ninkeeda
10- gabadha oo ninkeeda u aragta
-in uu yahay wahelkeeda
-in uu yahay mustaqbalkeeda
-in uu yahay sharafteeda
-in uu yahay nolosheeda
- in uu yahay indhaheeda
-in uu yahay qalbigeeda
-in uu yahay badhaadha heeda
-in uu yahay barwaaqadeeda
11- gabadha oo ninkeeda markuu shaqda ka yimaaado aan ku bilaabin buuq ama hadal xun iyo dacwad
12- gabadha oo ninkeeda ku odhan waxaa kaa wanaagsan hebal
13- gabdha oo ninkeeda la fahata isbad badalka duruufaha maaliyadeed ,waxana gabadh kasta looga baahan yahay markay ninkeeda wax u kordhaan inay shukriga badiso , marka ay wax hoos u dhacaana ay samirto
14- gabadha oo arimaheeda hoose iyo khilaafka ka dhaxeeya iyada iyo odaygeeda aan ku dagdagin in ay garsiiso cid kale
waayo waa in qoyska laga ilaaliyaa in lamaanaha loo gar naqo , waxa uu keensanayaa cuqdad is biirsata oo maalin uun qaraxda?

Sunday 6 March 2016

Dr. Xasan Al Turaabi qre:sh:maxamed idiris




Dr. Xasan Al Turaabi - Allaha U Naxariisto
=================
Waxaa magaalada Khartuum ku geeriyoodey Dr. Xasan Cabdalla Al Turaabi Allaha U Naxariisto.
Dr. Turaabi wuxuu ka mid ahaa Madaxda dhaq dhaqaaqyada Islaamiga dunida Muslimka kuwooda ugu caansan, wuxuu ahaa hogaamiye weyn oo raad weyn ka tegey gaar ahaan dalka Suudaan.
Dr. Turaabi tacliintiisa wuxuu ku qaatay Suudaan iyo Faransiiska, wuxuuna ku takhasusay qaanuunka.. Wuxuu masraxa siyaasadda kasoo muuqday lixdameeyadii markuu ardayda hogaaminayey.
Dr. Turaabi Suudaan wuxuu u dhexeeyey mar uu xukumo, iyo mar uu xabsi ku jiro, iyo mar uu banaanka joogo oo saamayn xoog leh leeyahay.
Dr Turaabi kutub badan ayuu qoray, arrima badana aad ayaa loogu qabsaday, ilaahay wuxuu wanaag ummadda u qabtay khayr ha ugu abaal gudo, wixii uu ku gafeyna ha u dhaafo, aamiin


by:sh:maxamed idiris

xammaasadaada xooji by:dhiirigaliye nololeed axmed faratooyo

xammaasadaada xooji by:dhiirigaliye nololeed axmed faratooyo

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...