Sunday 24 January 2016

Sidee mushkilad ku haysata loo xaliyaa ? W/Q Muxamed Sh.Aadam weli C/raxmaan


Laascaanood:-Alle ayaa mahad dhammaanteed u sugnaatay  Nebigana ammaan iyi nabadgelyo kor kiisa ha ahaato intaa ka dib waxaan jeclaystay qormadan inaan kaga hadlo mawduuc aan is leeyahay baahi weyn ayaa loo qabaa, mawduucan oo ah: sidee mushkilad ku haysata loo xaliyaa ? iyadoo qofna uusan mushkilad la’aan noolayn, aynu ku bilaabano hadaba qeexidda mushkiladda.

Mushkiladdu waa : dhibaato ku haysata oo aad rabtid inaad ka gudubto xalna aad u hesho. Nolosha aduunyaduna ma aha mid ka madhan caqabado iyo dhibaatooyin, soomaaliduna waxay ku maah maah daa “aduun waa sagaal oo ma tobnoobo.”

Dadkuna wajihidda dhibaatooyinka waxay ugu qaybsamaan saddex qaybood :-

B- qof mushkiladda haysata ka fakaraya habeen iyo maalin, hoosna ugu daadadagaya qaybeheeda kala duwan, hadana aan ka fakarayn sababta keentay iyo sidii uu xal ugu heli lahaa, qofka noocan ahi marka danbe waxaa ku dhac niyad-jab wuxuuna ku noolaadaa walwal iyo murugo.

T- qof mushkiladda ama dhibaatada is moogaysiiya oo halmaama yadoo mushkiladii haysato xalna aanu u helin, qofka noocan ah mushkiladdu inay ku siyaado mooyaane kama yaraato.

J- qof mushkiladda ama dhibaatada ka fakara sababta keentay iyo sidii uu xal ugu heli lahaa, rumeeyana in ALLe u qadaray dhibkan, nicmooyin badan oo kalena ALLE ku galaday, heerka mushkiladaasi joogtana aan ka weyneyn.

( Haddaba noqo kan sadexaad )

Hadii ALLE idmo waxaan halkan ku tilmaami doonaa qodobo dhawr ah oo koobkooban, oo aan rajaynayo hadii la dhqan geliyo in mushkiladaha ama dhibaatooyinka xal loogu heli karo.

1-Qeex dhibka ku haysta, si dhab ahna u taabo mushkiladda, aqoonsana waqtigii ay kula soo gudboonaatay iyo sababaha keenay.

2-Uraadi mushkiladdaada xal dhab ah oo kama danbays ah, waayo waxaa jira xal wax yara dejiya laakiin aan mushkiladdii ka takhalusayn, xuluusha wax yara dejisaa dadaal badan uma baahna, halka xalka kama danbaysta ahi dadaal badan uga baahanyahay.

3-Diyaari waxyaabo kale oo aad mushkiladda ku xalinayso, macnuhu waxaa weeye hal xal oo keliya haku gaabsanin, dhawr xal oo kale diyaarso si hadii ka hore waxtar noqon waayo aad mid kale oo kuu diyaarsan ugu gudubtid.

Fiiro gaar ah: Hadii xalku mid keliya noqdo kiina aad ku fashilanto waxaa kugu dhacaya mooral-jab .

4-La tasho dadka dhibka ku haysta aqoonta u leh talana kaa siin kara, taladooda iyo taadana isu gee, kadibna dhinacyo badan wax ka eeg.

5- Iska ilaali xal walba oo aan sharciga ku banaanayn, waayo kaasi xal ma ahaa.

6- Qaado hadba xalka fudud.

7- Kaalmayso aamuska, mushkiladdaadana cid walba ha u sheegin, cid wax kaaga qabanaysa mooyaane.

8-Inta aadan go’aan qaadanin arintaada rogrog dhinacyo bandanna wax ka eeg, kana fiirso go’aanka aad qaadanayso, ogow go’aan-qaadashada ka hor ayaa wax la rogrogaa kadib maya, marka aad go’aan qaadato kadib istikhaarayso ALLENA tala-saaro go’aankaagana ku dhaqaaq.

9-Marka aad la tashi samayso, hadana aad istikhaaraysato, ALLENA aad talo saarato, haddii aad khaldanto uuna kuu muuqdo in go’aankaagii khaldanaa murugoon maysid, waayo wixii aad dadaal samayn karaysay waad samaysay.

10-Ugu danbayn ha isku deyin in aad xal u hesho dhibaatooyinka aan xalka lahayn in lala noolaado mooyaane, tusaale ahaan: hadii waalidkaa dabci adagyahay, una dhashay dabci adayg, ha isku deyin inaad ka badasho dabcigaa adag, sababtoo ah kama bedeli kartid, waxaa kuu kordhaya uun dhibaato iyo feker, sidaa awgeed kula noolow mushkiladaas una dulqaado oo qabatin.

Insha allaah waxaan rajaynayaa haddii aad samayso waxyaabahan in aad mushkilado badan oo ku haysta aad xal u heli doontid .

ALLE HA INA DHAWRO IF IYO AAKHIRABA
W/Q : Muxamed Sh.Aadam weli C/raxmaan

Qalinkaaga ma Scan -Gareysay intaanad Isticmaalin W/Q Dr.C/Qani Badar



U hiilinta danta ummadda iyo diintu waa xil iyo masuuliyad qof walba saran. Sidoo kale waa wax cid waliba sheegato inay iyadu tahay cidda xilkaas leh tahay!

Fircoon Ilaahay wuxuu ku asteeyey inuu ahaa mufsid waynaaday, oo ku dhaqmi jiray mabda’ siyaasadeedka la yidhaahdo qaybi oo xukum (Divide and Rule)
{إِنَّ فِرْعَوْنَ عَلَا فِي الْأَرْضِ وَجَعَلَ أَهْلَهَا شِيَعًا يَسْتَضْعِفُ طَائِفَةً مِنْهُمْ يُذَبِّحُ أَبْنَاءَهُمْ وَيَسْتَحْيِي نِسَاءَهُمْ ۚ إِنَّهُ كَانَ مِنَ الْمُفْسِدِينَ} القصص: 4
Dhinaca kale Fircoon wuxuu ku dooday inuu u taagan yahay ilaalinta danta dalka, bulshada iyo weliba waardiyeynta diinta !!, markaasuu Nebi Muuse-na ku eedeeyey inuu diintana doonayo inuu bedelo dhulkana fasahaadiyo, sidaa awgeeda uu dili doono !!
{قَالَ فِرْعَوْنُ ذَرُونِي أَقْتُلْ مُوسَى وَلْيَدْعُ رَبَّهُ إِنِّي أَخَافُ أَنْ يُبَدِّلَ دِينَكُمْ أَوْ أَنْ يُظْهِرَ فِي الأَرْضِ الْفَسَادَ} غافر: 26

Sidoo kale, Abuu Jahal kii Alle koodnimadu ka tan badisay ee Nebi Muxamed (N.N.K.H) inoo sheegay inuu Fircoonkii Ummaddan yahay, isaga iyo kooxdiisii intay kacbada is hortaageen maalintay dagaalkii Beder u anba baxayeen ayey ku tiraabeen “Ilaahayow Anaga iyo Muxamed kaayaga diinta baadilka ah ku socda ee qaraabo goyska ah halaag oo xadhiga u jar”, markaasuu Allaah ducadii ka aqbalay oo ku ciqaabay dagaalkii Beder, ka dibna lagu yidhi : Fatxi iyo waxaad ku ducaysaneyseen waa laydiin aqbalay, oo laydiin caddeeyey”, weliba hadaad edeb daradaas ku noqotaanna waa laydiin miisayaa mar kale, Allaahna wuxuu la jiraa Muuminiinta.

{إن تستفتحوا فقد جاءكم الفتح وإن تنتهوا فهو خير لكم وإن تعودوا نعد ولن تغني عنكم فئتكم شيئا ولو كثرت وأن الله مع المؤمنين } الانفال: 19.

Sunnada Kawkan ayuu Allaah ka dhigay mid aanay is haynta iyo loolanku ka dhammaanin, loolankaasina waa mid u dhexeeya inta toosan iyo xumawadayaal iyagu is biday inay wanaag sidayaal yihiin.
Maanta quwadaha aduunka hormoodka u ahi, waxay ku shaqeeyaan siyaasad ka liidata tii Fircoon ku dhaqmi jirey ee ahayd divide and rule, waxa ay ku shaqaynayaan qaybi oo burburi (Divide and Destroy), waxa ka daran is garabsiga aan xadka lahayn ee marba miskiin laysu garabsanayo ilaa laga ciijiyo.

Iyadoo waxaasi jiraan haddana Allah aduunkan wuxuu ku cayminayaa inta wanaagsan ee wanaagga u taagan oo ah samo wadayaasha culimadu ugu horeeyaan ee xumaha reebaya Allaah na u istiqfaarsanaysa:
{فلولا كان من القرون من قبلكم أولو بقية ينهون عن الفساد في الأرض إلا قليلا ممن أنجينا منهم واتبع الذين ظلموا ما أترفوا فيه وكانوا مجرمين } هود:: 116
{وَمَا كَانَ اللَّهُ لِيُعَذِّبَهُمْ وَأَنْتَ فِيهِمْ وَمَا كَانَ اللَّهُ مُعَذِّبَهُمْ وَهُمْ يَسْتَغْفِرُونَ} الانفال: 33

Nasiib daro dagaalkani wuxuu hawlgeliyey dad badan oo lagu tiriyo dadka wanaagsan haddana dadaalkooda iyo qalinkooda aad arkayso inay duminayaan tiirkii ugu adkaa ee ay ummaddan islaamku dugsanaysay oo ah kuwii dhaxlay manhajkii Nebiyada, una taagnaa islaaxinta iyo korjoogaynta diinta Islaamka.
Ma idin la tahay inaynu qalinkeena Scan gareyno oo hubino inuu fariimo virus ah sido oo dhaawici kara samo wadayaasha, – waa culimadae- iyo diinteena iyo in kale?.

W/Q Dr.C/Qani Badar
Halgan.net

Friday 22 January 2016

BARNAAMIJKA HADAL WANAAG IYO AXMED FARATOOYO

waxaan ugu bishaaraynaynaa asxaabta nagala xiriira barta aan ku leenahay you tubeka inaan dhawaan idiin soo gudbin doono barnaamijo horleh oo horumarineed insha allaah sidaas iyo lasocod fcn.

Wednesday 20 January 2016

Calii BiN ABII DHAALIB QR:Muxeydiin Sh Mohamed



Calii BiN ABII DHAALIB
RUNTII WAA QISO MUDAN IN LAGU CIBRO QAATO WALAALAHA ISLAAMKA AHOOW ...
Qiso ku saabsan xisaab uu si la yaab leh u xaliyay, Amiirkii Mu'miniinta Cali bin Abii Daalib (RC) oo caan ku ahaa aqoonta xisaabta...
Laba nin oo safar ah ayaa waxeey u fariisteen qado, mid wuxuu watey 5 xabo oo rooti ah kan kalena wuxuu watey 3 xabo oo rooti ah, nin saddexaad oo safar ah ayaa ku soo biirey balse aan rooti wadan, waxeey go'aansadeen ineey rooti qeybsadaan sidaa darteed waxeey sameeyeen, xabad kasta oo rooti ah saddex jab ayeey u qeybiyeen waxeeyna noqotey 24 jab, qofkiiba wuxuu cuney 8 jab oo rooti ah...
Ninkii saddexaad ee labada nin u yimid ayaa istaagey markii uu qadadii ay dhameysteen si uu sii wato safarkiisa wuxuuna labadii nin uga tagey lacag 8 Dirham ah si uu u bixiyo rootigii ay siiyeen...
Ninkii 5 rooti lahaa ayaa wuxuu kii kale siiyey 3 Dirham isna wuxuu la harey 5 Dirham, balse ninkii kale kuma uusan qancin wuxuuna rabey lacagta in kala bar la siiyo...
Labadii nin markii ay is mari waayeen waxeey isula tageen Khaliifkii Islaamka Cali bin Abii Daalib (RC)...
Cali bin Abii Daalib (RC) markii uu dhageystey labada nin wuxuu u sheegay ninkii 3da rooti lahaa in ninka kale uu siiyey lacag ka badan intii uu xaqa u lahaa wuxuuna ka codsadey inuu inta la siiyey
aqbalo...
Ninkii 3da rooti lahaa waa uu diidey inuu aqbalo 3da dirham...
Cali bin Abii Daalib (RC) wuxuu yiri:- Xaqiiqdii ninka 3da rooti lahaa
wuxuu xaq u leeyahey 1 Dirham oo kaliya, kadibna sidaan ayuu ugu
sharaxey...
Nimanka isku dar waxeey heysteen 8 xabo oo rooti ah, halkii rootiba waxeey u qeybiyeen 3 jab taas oo ka dhigeysa 24 jab oo rooti ah, ninka saddexda rooti lahaa waxaa dhankiisa ka yimid 9 jab oo rooti ah (3*3=9) isaga nafsad ahaantiisa wuxuu cunay 8 jab, ninka lacagta dhiibey wuxuu siiyey 1 jab oo kaliya, midka 5 rooti leh waxaa dhankiisa ka yimid 15 jab oo rooti ah (3*5=15) isaga nafsad ahaantiisa wuxuu cunay 8 jab oo rooti ah waxaa ka soo hartey 7 jab oo rooti ah oo uu siiyay ninka lacagta bixiyey...
Sidaa darteed ninka 5 rooti lahaa wuxuu leeyahey 7 Dirham halka midka 3 rooti lahaana uu leehaya 1 Dirahm...
Subxaanallaah illaahoow xaqa na waafaji...
Maashaa Allaah Waa Maskax Cajiib ah Runtii..

Sunday 10 January 2016

KHIYAAMADA SHISHEEYE IYO MAAN GAABNIMADA SOOMAALIDA QR/AXMED FARATOOYO

SOOMAALIYA MADAX BANAANI AMA GOBOL KATIRSAN ETHOPIA QR/AXMED FARATOOYO


waxaa xaqiiqo aan la inkiri karin ah in soomaaliya ay qaadatay xornimadeedii sanadii 1960kii kadib halyyayo usoo daadiyay dhiigoodii iyagoo ay u jeedkoodu ahaa soomaali nabad ha hesho iyo gumaysi haboxo siday qortay tagtadii aan soo marnay .

   waxaanana soomaalidu waagaas ku taamayeen waayo qurxoon qaxooti la,aan ah iyo daganaasho dhameestirin oo kamaran gumaysi blse aduunku waa shalay iyo maantee dadaakii dhalintii iyo halyeeyadii dhiigooda noo huray waxaa dhaxlay wax magarad ay macalimiintoodu tahay gumaysigii tagay mise ma ahane dadkaan dadkii eheen?? waa su,aal daweene bal jawaabteeda isiiya.
waan ogahay in horay jawaab loogu waayay .


  waxaan qormadayda ula jeedaa kadib markii gumaystihii hubaysnaa uu dulkeena katagay wuxuu gaaray go,aan kabadalan kii hore oo waxay qabteen shir kadhacay paris 19380kii siday ay qortay wakaalada wararka ee (AFB) waxaaana shirkaas looga dhigay sumad soomaali dhiman wayday ee maxaan ku dilnaa??  waxaaana laysla gorfeeyay qodobadii shirkaasi dhex yaalay oo uu ugu muhiimsanaa soomaaliya sida loo bur burin lahaa waxaana go,aan laga dhigtay oo shirkaas qodobadiisa kamid ahaa in cilmi baaris la sameeyo dhab ah oo laga soo talo bixiyo qaabkii soomaaliya ay u burburi lahayd iyagoo markaas ka dhibsanayay diintaan fidasa ee soomali dhexdeeda taala .

   Kadib sanawaad kadib waxaa layskula soolaabtay shir labaad oo lagusoo bandhigayo cilmi baaristii laysku ogaa in soomaaliya laga soo sameeyo waxaana kamid ahaa su,aalihii laysku waydiiyay maxaa soomaaliya iyadoo ay kabilawdeen dagaao oo aanu lug ku leheen u jeedkuna ahaa burburinta diinteeda  ay la baabi,iladahay? waxaana jawaab looga dhigay arintaas in soomaali aan si dagaal ah aan wax looga dhimi karin dadaalka diimeedna iyo nacaybka shisheeye uusan sidaan ku af jarman karin waxaana kadibna waxaa laga soosaaray:
 inaan soomaalida dagaal wax wax looga qaban karin lkn lagu badalo:
1- in arday looqaado waxbarsho dibadaa si loogu abuuro afkaarta reer galbeed.
2- in lataageero afkaarta kasoo horjeeda ama taageerasa sidii loo baabi,in lahaa kafarka ama caqiidada saxdaa ee suniga.
3- in lasameeyo goobo waxbarasho iyo goobo caafimaad.
4- in dhanka siyaasada lagu taageero cidii fakarkooda iyo dantooda wadda  lagana soo horjeedsado cidwalboo fikirkooda kasoo horjeeda.
5- in dalka lookala googooyo dawlado ku dhisan qabiilo midkastana loosheego inuu isagu ugu wanaagsanyahay oo ay taageersan yihiin si ay u keento dagaalo sokeeye .
6- markii la arko qaab dawladeed oo hana qaadi rababa in la dumiyo oo dalka laga dhigo dal dawlad leh hadana aan leheen oo micneheedu yahay ( in la dhiso wax dawlad u eg)

Wednesday 6 January 2016

akaadamiyada ibdaac ee tabar barada iyo soo saarida awoodaha bulshada



waxay akaadamiyadu xiriir la sameesay oo ay la yeelatay dhawr markaz oo kukala yaal soomaaliya iyo dhawr dal oo dibada ah waxay akaadamiyadu heshiis kala gashay wada shaqeenta iyo is waydaarsiga macluumaadka waxayna noqotay akaadamiyad ugu balaaran soomaaliya gabi ahaan ..

akaadamiyada ibdaac waa akaadimiyad lagu tabar baro dad waynaha qaybohooda kala duwan si dadka loo dareensiiyo awoodaha kujira iyo say si wanaagsan ugu isticmaali lahaayeen.

Friday 1 January 2016

Mid ka mid ah Dardaarankii Sh Dr Axmed Xaaji uu u jeediyo Bulshada Sooma...

ARDAYDII LABAAD OO KA QALIN JABISAY XARUNTA CUNTO KARINTA BOSASO


Bosaso(Allcarmo) Dufcadii labaad ayaa ka qalin jabisay xarunta lagu barto cunto karinta Caasho ee magalada Bosaso, ka dib markii munaasibad loogu qabtay ardayda bara-moostay hoolka Jaamacadda Bosaso.
Waxaa kasoo qayb galay xafladan masuuliyiin ka socda Jaamacaddaha, mamulka degmada Bosaso,aqoon yahan, waalidiin iyo marti sharaf kale, waxaana goobta lagu soo bandhigay ardayda qalin jabisay cuntooyinkii kala duwanaa ee ay bartaan kuwaasoo ay ku jireen noocyo aan dalka horay loogu cuni jirin.
Caasho Cabdinasaair oo xaruntan aasastay ayaa sheegtay inay wax kale la tahay qaybtii labaad ardayda inay ka qalin jabiyeen qaababka cuntada loo kariyo, waxay sheegtay inay barto in ka badan boqol nooc oo ah nidaamyada cuntooyinka loo kariyo.
Madaxa xaruntan waxay kaloo sheegtay inay kala duwan yihiin cuntadda la cuno saddexa waqti ayna muhiim tahay in la barto haddii kelana ay keeni karto caafimaad xumo iyo qoys bur bur, waxay kaloo sheegtay raggu marka laga tago jacaylka inay aad u jecel yihiin haweenka cunada sida hagaagsan u yaqaana.
Aadan Shiikh Doon oo ah gudoomiyaha Jaamacadda Bariga Africa ayaa soo dhaweeyay xarunta Aisha Cooking Center, waxa uu ku tilmaamay hoy soo saarta haween si dhab ah u yaqaan cuntada iyo qaababka loo kariyo, Aadan ayaa cadeeyay in caafimaad xumo laga qaado cuntadda aan isku dheeli-tirnayn.
Qaar ka mid ah waalidiintii xaflada ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin carruurtooda oo bartay cunto karinta, waxa kale ay ku baaqeen ama cod-sadeen in la garab istaago xaruntan oo aan wax taageero ah helin balse Caasho ay garatay kaligeed in loo baahan yahay iskuul noocaan oo kale ah.
Ardaydii ka horaysey ayaan ku qalin jabiyay magalada Qardho, madaxa xarunta ayaa sheegtay inay ku guda jirto sidii xarumo kale looga furi lahaa magaalooyinka kale ee Puntland.







SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...