Wednesday 20 January 2016

Calii BiN ABII DHAALIB QR:Muxeydiin Sh Mohamed



Calii BiN ABII DHAALIB
RUNTII WAA QISO MUDAN IN LAGU CIBRO QAATO WALAALAHA ISLAAMKA AHOOW ...
Qiso ku saabsan xisaab uu si la yaab leh u xaliyay, Amiirkii Mu'miniinta Cali bin Abii Daalib (RC) oo caan ku ahaa aqoonta xisaabta...
Laba nin oo safar ah ayaa waxeey u fariisteen qado, mid wuxuu watey 5 xabo oo rooti ah kan kalena wuxuu watey 3 xabo oo rooti ah, nin saddexaad oo safar ah ayaa ku soo biirey balse aan rooti wadan, waxeey go'aansadeen ineey rooti qeybsadaan sidaa darteed waxeey sameeyeen, xabad kasta oo rooti ah saddex jab ayeey u qeybiyeen waxeeyna noqotey 24 jab, qofkiiba wuxuu cuney 8 jab oo rooti ah...
Ninkii saddexaad ee labada nin u yimid ayaa istaagey markii uu qadadii ay dhameysteen si uu sii wato safarkiisa wuxuuna labadii nin uga tagey lacag 8 Dirham ah si uu u bixiyo rootigii ay siiyeen...
Ninkii 5 rooti lahaa ayaa wuxuu kii kale siiyey 3 Dirham isna wuxuu la harey 5 Dirham, balse ninkii kale kuma uusan qancin wuxuuna rabey lacagta in kala bar la siiyo...
Labadii nin markii ay is mari waayeen waxeey isula tageen Khaliifkii Islaamka Cali bin Abii Daalib (RC)...
Cali bin Abii Daalib (RC) markii uu dhageystey labada nin wuxuu u sheegay ninkii 3da rooti lahaa in ninka kale uu siiyey lacag ka badan intii uu xaqa u lahaa wuxuuna ka codsadey inuu inta la siiyey
aqbalo...
Ninkii 3da rooti lahaa waa uu diidey inuu aqbalo 3da dirham...
Cali bin Abii Daalib (RC) wuxuu yiri:- Xaqiiqdii ninka 3da rooti lahaa
wuxuu xaq u leeyahey 1 Dirham oo kaliya, kadibna sidaan ayuu ugu
sharaxey...
Nimanka isku dar waxeey heysteen 8 xabo oo rooti ah, halkii rootiba waxeey u qeybiyeen 3 jab taas oo ka dhigeysa 24 jab oo rooti ah, ninka saddexda rooti lahaa waxaa dhankiisa ka yimid 9 jab oo rooti ah (3*3=9) isaga nafsad ahaantiisa wuxuu cunay 8 jab, ninka lacagta dhiibey wuxuu siiyey 1 jab oo kaliya, midka 5 rooti leh waxaa dhankiisa ka yimid 15 jab oo rooti ah (3*5=15) isaga nafsad ahaantiisa wuxuu cunay 8 jab oo rooti ah waxaa ka soo hartey 7 jab oo rooti ah oo uu siiyay ninka lacagta bixiyey...
Sidaa darteed ninka 5 rooti lahaa wuxuu leeyahey 7 Dirham halka midka 3 rooti lahaana uu leehaya 1 Dirahm...
Subxaanallaah illaahoow xaqa na waafaji...
Maashaa Allaah Waa Maskax Cajiib ah Runtii..

No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...