Friday 1 January 2016

ARDAYDII LABAAD OO KA QALIN JABISAY XARUNTA CUNTO KARINTA BOSASO


Bosaso(Allcarmo) Dufcadii labaad ayaa ka qalin jabisay xarunta lagu barto cunto karinta Caasho ee magalada Bosaso, ka dib markii munaasibad loogu qabtay ardayda bara-moostay hoolka Jaamacadda Bosaso.
Waxaa kasoo qayb galay xafladan masuuliyiin ka socda Jaamacaddaha, mamulka degmada Bosaso,aqoon yahan, waalidiin iyo marti sharaf kale, waxaana goobta lagu soo bandhigay ardayda qalin jabisay cuntooyinkii kala duwanaa ee ay bartaan kuwaasoo ay ku jireen noocyo aan dalka horay loogu cuni jirin.
Caasho Cabdinasaair oo xaruntan aasastay ayaa sheegtay inay wax kale la tahay qaybtii labaad ardayda inay ka qalin jabiyeen qaababka cuntada loo kariyo, waxay sheegtay inay barto in ka badan boqol nooc oo ah nidaamyada cuntooyinka loo kariyo.
Madaxa xaruntan waxay kaloo sheegtay inay kala duwan yihiin cuntadda la cuno saddexa waqti ayna muhiim tahay in la barto haddii kelana ay keeni karto caafimaad xumo iyo qoys bur bur, waxay kaloo sheegtay raggu marka laga tago jacaylka inay aad u jecel yihiin haweenka cunada sida hagaagsan u yaqaana.
Aadan Shiikh Doon oo ah gudoomiyaha Jaamacadda Bariga Africa ayaa soo dhaweeyay xarunta Aisha Cooking Center, waxa uu ku tilmaamay hoy soo saarta haween si dhab ah u yaqaan cuntada iyo qaababka loo kariyo, Aadan ayaa cadeeyay in caafimaad xumo laga qaado cuntadda aan isku dheeli-tirnayn.
Qaar ka mid ah waalidiintii xaflada ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin carruurtooda oo bartay cunto karinta, waxa kale ay ku baaqeen ama cod-sadeen in la garab istaago xaruntan oo aan wax taageero ah helin balse Caasho ay garatay kaligeed in loo baahan yahay iskuul noocaan oo kale ah.
Ardaydii ka horaysey ayaan ku qalin jabiyay magalada Qardho, madaxa xarunta ayaa sheegtay inay ku guda jirto sidii xarumo kale looga furi lahaa magaalooyinka kale ee Puntland.







No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...