Friday 18 December 2015

Miyey Gabar Quruxdeeda ku Kadisay


Miyey Gabar Quruxdeeda ku Kadisay




Dardaaran Saciid al caabidi baa Waxuu wiilkiisa Axmed ibnu saciid al caabid
waxuu ku yiri wiilkeygoow waxaa nala daganaa Xaafada Kuufa Ciraq
wiil Alle caabud ahaa oo Masaajidka ku xernaa waxuu ahaa
wiil Waji qurux badan iyo joog dheer leh aamusnaan badan
Maalin baa waxa aragtay Gabar aad u qurux badan oo soo jiidasho leh
Markaas bey wiilkii ka heshay, Maalin asagoo Masjidka u socdo bey
wadadii masjidka u istaagtay, Waxey ku tiri wiilyahoow iga dhageyso
Waxaan doonayaa wax inaan kuu sheego, Kadib waxaad doonto
samee. Muusan la hadlin wuuna ka tagay waxuu aaday masjidka,
Markii uu soo laabtay bey hadana waxey u istaagtay wadada intii uu
gurigiisa u socda waxey ku tiri ” Wiilyahoow wax baan kuu sheegayaa
ee i dhageeso” kadib wiilkii baa ku yiri meeshaan waa wado anna waan
dhibsanayaa in dadka xumaan igu tuhmaan, Markaas bey tiri wallaah
meeshaan kuuma istaajin inaan ogeyn xaalkaaga iyo wanaagaaga ee
hadalka aan kugula hadlayo baa ah nafteyda iyo qalbigeyga baa kugu
mashquulsan adiga, ee allaah baan kugu dhaariyee arinkeyga wax ka
qabo, Wiilkii baa ka jeestay oo isaga tagay Markii uu tagay gurigiisii
buu wiilkii salaad u istaagay balse salaadii buu awoodi waayay inuu
tukado, Waxuu soo qaatay qalin waxuuna gabartii u qoray warqad
dabadeed buu banaanka usoo baxay waxuuse arkay gabartii oo wali
meesheedii taagan waxuu ku tuuray warqadii wuuna iskaga tagay,
Gabartii baa fiirisay warqadii waxaaba ku Qoran 
” Waxaan ku bilaawayaa magaca allaha naxariista qaaska ah iyo mida
guud naxariista, ogaaw gabaryahey allaah sarreeyee haduu adoonkiisa
muslimka ku caasiyo wuu asturaa, haduu adoonka ku laabto macsida
rabbi wuu asturaa, haduu adoonka ku faano oo caadeesto macaasida
allaah wuu caroodaa carro aysan u dulqaadan karin Samooyinka,
dhulka iyo geedahaba, buuraha iyo xawayaankaba ee yaa u dulqaadan
Karo xanaaqa rabbi? waxaan ku xasuusin Maalin uu cirku noqon
doono sidii bir la dhalaaliyay oo kale, buurahana ay noqon doonaan
sidii suuf la tifay oo kale, wallaah waxaan awoodi waayay inaan
nafteyda toosiyo sidee baan u toosin karaa naf kale, hadii aad tahay
gabar xanuunsan waxaan kuu tilmaamayaa dhaqtar daaweeyo
xanuunada oo idil kaasna waa allaah, hadii aan kaaga jawaabo
hadalkii aad tiri ee ahaa inaad mashquul igu tahay aniga oo
qalbigaaga mashquuliyay Anna gabaryahey waxaan wallaahi
Mashquul ku ahay Hadalka rabbi S’W’T’ 

 Uga dig dadka maalin dhaw (Qiyaamada) markuu wadnuhu imaan
 dhuunta (Cabsi darteed) iyagoo naxsan daalimiintana ma lahan
 sokeeye iyo mid u shafeeca oo la maqlo

 Allaah waxuu ogyahay khayaanada indhaha iyo waxay qarin laabtu.
wallaah waxaan gabaryahey kaaga mashquulsanahay hadalka allaah
” انى اخاف ان عصيت ربى عذاب يوم عظيم
waxaan ka cabsanayaa hadii aan caasiyo rabbigey
caddaab maalin weyn ( qiyaamada )
Gabartii baa ka tagtay una soo laabatay Maalmo kadib waxey u
istaagtay wadada, Markuu wiilkii arkay gabartii oo wadada u taagan
buu wiilkii damcay inuu guriga u laabto si uusan  ula kulmin,
Gabadhii baa ku tiri wiilyahoow ha laaban Mar danbe ma kulmi doonno
maanta kadib illaa allaah hortiisa ma ahee, kadib gabartii baa ilmeesay
waxeyna ku tiri ii dardaaran wiilyahoow, waiilkii baa ku yiri
” waxaan kuu dardaarmayaa cabsida allaah markaad kali tahay iyo
marka kalaba, dhoor naftaada oo xasuuso hadalka allaah

Allaah waa kan idiin oofsada habeenkii ogna waxaad sameysaan
maalinkii markaas baa la idin soo bixiya in la xukumo ajal magacaaban,
xaggiisaana laydiin Celin, markaasuuna idiinka warami waxaad
sameneysaan.

Allaah waa mid ka Sarreeya addoomadiisa, wuxuuna idiin soo diraa
ilaaliye (malag) markuu u yimaaddo midkiin mawdku waxaa oofsata
( nafta ka qaada ) malaa’igtannada mana gabood falaan ”

Markaas baaa loo soo celin dadka xagga Allaaha xaqa ah
isagaana leh xukunka asagaana dedejiyana xisaabta.
Markaas bey gabartii Oysay ooyin ka daran mideedii hore weyna ka
tagtay waxey bilaawday iney toobad keento oo cibaadeesato
kama aysan suulin xaal ay cibaadada ku sugan tahay illa ay ka
geeriyootay Waxuuna ahaa wiilka mid markuu soo xasuusto gabarta
ilmeeyay naxariis darteed
Ma aqrisatay walaalkey qisadaan dheer Balse macnaha badan leh
Waxa sidaas sameeyay waa wiil adigoo kale iimaan leh oo rabbigiis ka
baqday Midkii rabbigiis ka baqaana waxu leeyahay laba janno Waa
ballan qaad rabbi uu sameeyay waxaana helaa midkii ka dhoorsadaa
horistaagta rabbigiis naftana ka reeba xumaanta iyo hawada
dhab ahaan midkaas baa ku lahaaday hooy iyo boos jannada.
Yeysan aduun iyo Xaas ama dhal dhalaal Haweeney laga uumay
carra madoow kaa hor istaagin kaana mashquulin quruxda jannada
iyo haween laga uumay sacfaraan aanan fiirineyn midaan adiga aheyn
hortaana jinn iyo insiba aysan la sheekesan
waa gabar kuu carooneyso adigoo aduunka joogo
hadii xaaskaaga ku dhibto ama kugu xad gudubto balse
waa hadii aad meherkeeda hor marisaa oo cibaadada rabi S’W’T
ku dadaashaa naftana ka dhoortaa xumaha ay dooneeso si aad u
gaarto janno uu rabbi S’W’T’ u diyaariyay adoomankiisa
berrina ay degi doonaan sidii ayagoo wadfi oo kale ah.

– Wa billaahu tawfiiq Wasalaamu caleykum waraxmatullahi waßarakaatuH

by: http://www.dariiqatoosan.com/

No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...