Friday 18 December 2015

Aaboow Anigu Waxaan ka Cabsanaya inuu ku Taabto Cadaabka Allaha Raxmaanka

Aaboow Anigu Waxaan ka Cabsanaya inuu ku Taabto Cadaabka Allaha Raxmaanka



Waxuu ahaa Wiil ku barbaaray Macaasi.. waxuu guursaday
Haweyneey saalixad ah Mudo ka dib allaah baa kala siiyay
Awlaad badan hooyadii salixada aheyn ilmihii bey
ku tarbiyadeesay tarbiyo islaami ah diinta si fiican u Bartay
waxaa ilmahaas ka mid ahaa wiil Indhoola ah aan waxba arag ,,
Waxuu ahaa mid masaajidka ku xeran oo salaadaha ku tukada
quraankana kor ka bartay , Waxuu mar walbo maqli jiray
Hooyadiis oo abahiis wanineeso oo xumaanta ka wanineesa
markaas buu Maalin Maalmaha ka mid ah abihiisii Xumaanta fali jiray
soo ag fadhiistay markaas buu Bilaaway inuu quraanka ku ag aqriyo
waxuuna asagoo quranaka aqrinaayo Abihii ku aqriyay aayadaan
” يا أبت إني أخاف أن يمسك عذاب من الرحمن فتكون للشيطان ولياً ”
” Aaboow anigu waxaan ka cabsanaya inuu ku taabto
cadaabka Allaha raxmaanka ah ood u noqoto
shaydaan qaraabo ” ( SURAH AMRYAMA 45)
Wiilkii asagoo ilmeenayo buu ku celceliyay aayadaas aabihii bey
saameesay aayada markaas bu aabihii asna la ooyay wiilkiisii asagoo ka
tir tiraya ilmadii ka timi wilkiisa Markaas buu allaah S,W,T la doonay
inuu aabihii xumaa ku hanuuniyo gacanta wiilkiisii wanaagsanaa sidaa bey
ku noqdeen hooyo iyo aabo iyo awlaad saalixiin ah oo diinta ku dhaqma ,,

No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...