Wednesday 23 December 2015

Gabadha Wanaagsani baa xulata Seyga Wanaagsan qr:iimaan axmed maxamed



Gabadha Wanaagsani baa xulata  Seyga Wanaagsan
Gabdha wanaagsan waxa ay ku xulan kartaa gayaankeeda marka doorashada ku samaynayso habab badan oo kala duwan, laakiin waxa wanagsan in ay aad uga ka fiirsato qofka ay guursanayso ee la wadaagi doona nolosha. Hadaba
waxan halkan kusoo gubin doonaa qodobo haweenayda u fududayn kara in ay ku guulaysato doorashada seygeeda mustaqbalka laakiin akhriste qodobadani maaha dhamaan qodobada gundhiga u ah doorashada seyga wanaagsan ee u baahan xulashadiisa in laga fiirsado laakiin waxa jira sifooyin kale oo intan ka badan oo ay mari karto gabadha wanaagsan ee doonaysa in ay hesho nin dhigeeda ah oo nolosha la wadaagaa si ay u dhamaystiraan dhismaha qoys wanaagsan oo ay ka abuurmaan ubad wanaagsan oo ugu danbyta noqda bulsho wanaagsan. Ma sahlana in haweenaydu ay hesho ruux buuxiya dhamaan shuruudaha lagu xulan karo ama looga baahan yahay aabaha wanaagsan laakiin waxanu idiin soo gudbin doonaa qodobo muhiim ah oo ka mid ah kuwa ay haweeaydu ku cugan karto lamaahana nolosheeda. Waxana ka mid ah qodobada.
1: in uu yahay ugu horeyn nin diin leh.
2: waa in ay ka muqdaan sifooyinka diinta islaamku.
3: waa in uu akhlaaq leyahay.
4: waa in uu naxariis badan yahay.
5: waa in uu wanaaga kuu horseedi karaa.
6: waa in uu noloshaada kafaalo qaadi karaa.
7: waa in aanu hadal badnaan marka uu hadlayana wax wanagsan ku hadla hadii kale uu iska amusaa.
8: waa in uu wax kaa maqalaa adiguna aad ka maqshaaa si guurku u waaro
9: waa in uu yahay nin mar kasta wanaaga ka shaqeeyaa xumaantana ka dhowrsoonaada.
10: saaxiibadii waa in ay ku sifoobaan wanaaga.
11: waxa kale oo muhiim ah in haweenaydu ogaato nasabka saygeeda.

No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...