Wednesday 23 December 2015

Astaamaha Ninka Wanaagsan By Ismahaa Jaamac



Astaamaha Ninka Wanaagsan By Ismahaa Jaamac

1- waa kan shaqo taga oo jiifka faraha badan neceb, raadiyana bariiska reerkiisa, kana dhowra afkiisa "wax la qabto ayaan jirin"
2- waa kan gurigiisa ku soo hoyda waqti hore oo aan marmarsiiyo kaga maqneyn reerkiisa
2- waa kan aan qolka keligiis isku xidhin, oo aan sanqadha laga ilaalin ee caruurtiisa dhex fadhiista, dhinac kastana ay kaga fadhiistaan
3- waa kan aan cuntada keligii liqin ee marka hore hubsada in xaaskiisii iyo caruurtiisii dhergeen
4- waa kan ka war haya ee u naxariistiisa naagtiisa marka ay culus tahay,
, marka ay umusha tahay, iyo marka ay kaalin u baahato.
5- waa kan dhiigeeda maydha marka ay ilmihiisa umusho.
6 - waa kan ilmaha ka haya marka ay daasho ee ku yidhaahda iyadana orod oo seexo.
7- waa kan shilinkiisa aan meel kale geynin ee koontooyin gaar ku xereysan,
8- waa kan aan qaadka cunin oon afku cagaar noqonin, daacadiisuna urin.
9-waa kan aan bahalkiisa meel kasta gelinin oo ka fogaada sinada, iyo afar baa la ii baneeyey
10- waa kan aan ilmo meel kasta ku dhilin oo kaga dhaqaaqin
11-waa kan aan doonin 10 caruur ah, ee ku faraxsan wixii Eebe siiyo
12-waa kan nacasnimadu ka fog tahay iyo "waar naagta edbi" ee aan la soo diri karin
13- waa kan aan markasta qawdhamin ee ku faraxsan wixii loo qabto
14- waa kan aan naagtiisa ka dhigan booyeysada oo aan ka rabin in isaga la hayo sidii ilmo dhalaan ah oo dharka laga dhaqo oo weelka laga xalo
15- waa kii dhegaysta xaaskiisa una garaaba marka ay saxsan tahay
16-waa kan sharfa xaaskiisa ogna mudnaanta ay ka mudan tahay
17- waa kan aan ka hinaasin xaaskiisa, hadii ay ka aqoon badan tahay, kuna farxa horumarkeeda
18-waa kan u qira xaaskiisa hawsha ay hayso, isla markaana og kaalinta ay reerka ugu jirto
20- waa kan ka fog kibirka iyo isla weynaanta maran sida "MA ANIGOO LABA XINIYOOD LEH BAAD ADIGA OO NAAG AH WAX II SHEEGI KARTAA?"
                                                      

No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...