Saturday 17 June 2017

(jcylkii kitaabka loogu hadiyadeeyay) -qore:axmed faratooyo( Qaybti1aad)





Waxay eheed waa hore ninkaani muusan garanayn shukaansi iyo arimihiis balse wuxuu ogsoonaa muhiimada arintaani leedahay kadib wuxuu go,aansaday inuu bilaabo haasaawe .
Waakanaa isku daygii ugu horeeyayba isku dayay inan cajiiba oo waalidkeed jecelyahay kana dhalatay qoys qoyan oo ladnaashuhuna maansheeyay waa inan aan alaab iyo shaqaba loodirin in lookeeno maahee aragtideewu waa inan ama wiil hodmoon oo hooy gaysta.
Hayeeshee hayaankii nololeed bilawgii haasaaweheedii way isaseegeen isla keenida codsiga iyo kala duwanaasha nolayshay Ku kala koreen oo kala duwaneed awgeed.

Baalmo iyo bilo isbarashadoodii kadib wiilkii wuxuu go,aansaday inuu u holeelo hayga ay inantu kadagantahay magaalka .
Markuu yiri heblaayo waan soosocdaa oo salaan iyo is arag baan lasoo socdaa waatanaa inantiiba xasuusatay xiliyadii aabeheed uu magaalka kasoo Imaan jiray oo xasuusatay hadiyadii aabeheed ukeenijiray .
Markiiba iyadoon fakarin bay kutiri wiilkii "hebaloow aboowe(wlle,Wllo,huuno) hadiyad horay iigu soo qaad aan kugu xasuusto"!

Ninkii arin ayaa soofood saartay jeebkiisa waxna kuma jiraan jarjo uu qabo iyo wuxuu meel Ku ogyahayna ma,ayjirto!! Balse sidag dag ah buu gurigii ugu laabatay wuxuuna gacantiisa midig kusoo qaatay kitaabkii qu,aanka ahaa ee uu dugsiga(malcaamad) Ku dhigan jiray wiil sxbkiis ahna wuxuu waydiistay boqshad ama bac qurxoon oo uu kuqaato kitaabkaan maadaama uu hadiyad ahaan cid ugu wado.







Lasoco qaybta 2aad.
By:Axmed faratooyo

No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...