Saturday 17 June 2017

Jacaylkii kitaabka loogu hadiyadeeyay ((Qaybtii 4aad)) qore/axmed faratooyo



Haba qaybtii hore waxay inoo joogtay iyadoo wiilkii uu xaafadii kulaabtay gacantana kusoo dhigay kitaab qu,aan ah si,uu inantii reerka qanigaa ka dhalatay ee hadiyada kasugasay uu ugu geeyo.
Hadaba inankii wuxuu cagaha dhigay dhabadii Ku beegneed gurigii inantii ay sheego wadaaga ahaayeen si uu caawa usoo booqdo reerkii fartana uu uga saaro hadiyadii uu uwaday .
Wiilku mahaysto lacag uu bas(pl) uu kusoo raaco balse cagihiisa ayuu maalayaa .
Wuxuu soosocdaba mudo dheerba haku qaadatee wuxuu marakan soogaaray gurigii inanta oo noociisa aan horayba loo arag guriga dhamaantiis waa muraayado meel laga galana muu garanayo wiilku wuxuu garaacay markii dambe meel u ekeed albaab oo muraayad kasamaysneed! Waatanaa waaba inantii waxay afka markiiba kasoo saartay "mahebelbaa" isna "haah" ayuu Ku jawaab celiyay. "Seetahay walale hebeloow waa maxay dalka kaa muuqda miyaadan taksi(taxi) sooraacin" ayay markale tiri . "taxi maxaa igu wata caafimaad xumadiisa anigoo ilaahay Lugo aan Ku lugeeyo isiiyay miyaan Ku caasiyaa" ayuu markale ugu jawaab celiyay.
Inantii wiilkii waxay ugudbisay guriga gudihiisii si uu unasto reerkana ay isku bartaan.
Intuu siisocday waxuu sii dhex marayay meelo iyo maqaam uusan abidkiis arag wuxuuna niyada iska lahaa " tolow inanta heerkaan iyo halkaan kusoo barbaartay kitaabkaan aad hadiyad ahaanta ugu wadid maxay kayeeli doonta?!"
Waxaa lajoogaa qol aad ucaniran oo qalabka yaala aan magacyo loo hayn. Waatanaa waxaa soogashay hooyadii guriga oo gacmaha haysata labo ciyaal ah oo si heersare ah loosoo hagaajay.
Sheekadii ayaa isku duba dhacday waxaana bilowmatay isbarasho xeel dheer waxaana lagaaray xiligii ay inanta iyo wiilku hasaawohooda sii wada lahaayeen.
Sidii sharciga eheed ayaa loowada sheekeestay waxaana in badan laga wada hadlay mustaqbalka dhaw iyo sidii loodhisan lahaa reer balse labadaan qof isku jaran jaraba masaarna oo inantu waxay ka waramaysaa sheekadeeduna ubadantahay dahab,dabaq,duulimaadyo,damaashaad iyo duruufo Ku adag wiilku inuu jawaab u helo dhanka kale waxaa wiilka dhankiisa midig yaala bac aad u xardhan oo uquruxbadan waxayna markasta inantu is leedahay sheekadu may dhamaato si hadiyadii laguu waday laguu gudoonsiiyo!!
Iyadoo uu wiilku u dulqaadan layahay waxay kahadlayso inantu oo isaga kawayneed ayuu go,aansaday inuu sheekadaas soo gabo gabeeyo wuxuu tilaabo u qaaday dhan kii uu guriga kasoo galayinantiina way hareer socotaa wuxuuna ugu dambeentii kuyiri "walale waxaan kuuwadaa hadiyadii aduunka ugu qaalisanayd oo qof lasiiyo ee iga gudoon" inantiina si saami leh ayay labadii gacmood intay kuqabsatay bacdii qurxooneed ayay tiri "aad ayaan kaaga gudoomay waadna mahadsantahay"
Wiilkii intuusan libdhin ama qarsoomin ayay albaabkii soo xiratay waxayna si dag dag ah ufurtay bacdii saa waaba kitaab qur,aan ah!!
Intay aamustay oo hadalkii wayday bay saartay khaanad waxayna go,aansatay inaysan dib dambe ula hadlin wiilkii!!!
Waxyar kadib waakanaa wiilkii soowacay "kawaran hadiyadii hablaayo"
"Mansha allaah waa hadiyad wanaagsan lkn kaama filayn saas ugu yaraan maad wax sooraacisid" ayay igu jawaabtay suu si gabasho la,aan ah ayuu ugu jawaabay" bisinka makitaabka ilaahay baan wax kulamaanayaa waa dambiye"?! Waatanaaba kudamisay lambarkii!!
Wiilkii wuxuu arkay in laga booday oo ayaan isla jaan qaadayn inantaan iyaduna sidookale halkaasaana lagu kala tagay .
Xagee kudambeeyeen wiilkii iyo gabadhii ?!!



Lasoco qaybaha dambe.
By: Axmed Faratooyo

(jcylkii kitaabka loogu hadiyadeeyay) -qore:axmed faratooyo( Qaybti1aad)





Waxay eheed waa hore ninkaani muusan garanayn shukaansi iyo arimihiis balse wuxuu ogsoonaa muhiimada arintaani leedahay kadib wuxuu go,aansaday inuu bilaabo haasaawe .
Waakanaa isku daygii ugu horeeyayba isku dayay inan cajiiba oo waalidkeed jecelyahay kana dhalatay qoys qoyan oo ladnaashuhuna maansheeyay waa inan aan alaab iyo shaqaba loodirin in lookeeno maahee aragtideewu waa inan ama wiil hodmoon oo hooy gaysta.
Hayeeshee hayaankii nololeed bilawgii haasaaweheedii way isaseegeen isla keenida codsiga iyo kala duwanaasha nolayshay Ku kala koreen oo kala duwaneed awgeed.

Baalmo iyo bilo isbarashadoodii kadib wiilkii wuxuu go,aansaday inuu u holeelo hayga ay inantu kadagantahay magaalka .
Markuu yiri heblaayo waan soosocdaa oo salaan iyo is arag baan lasoo socdaa waatanaa inantiiba xasuusatay xiliyadii aabeheed uu magaalka kasoo Imaan jiray oo xasuusatay hadiyadii aabeheed ukeenijiray .
Markiiba iyadoon fakarin bay kutiri wiilkii "hebaloow aboowe(wlle,Wllo,huuno) hadiyad horay iigu soo qaad aan kugu xasuusto"!

Ninkii arin ayaa soofood saartay jeebkiisa waxna kuma jiraan jarjo uu qabo iyo wuxuu meel Ku ogyahayna ma,ayjirto!! Balse sidag dag ah buu gurigii ugu laabatay wuxuuna gacantiisa midig kusoo qaatay kitaabkii qu,aanka ahaa ee uu dugsiga(malcaamad) Ku dhigan jiray wiil sxbkiis ahna wuxuu waydiistay boqshad ama bac qurxoon oo uu kuqaato kitaabkaan maadaama uu hadiyad ahaan cid ugu wado.







Lasoco qaybta 2aad.
By:Axmed faratooyo

Cajiib cajiib@qorshe wanaag

dhacdooyinkII waawaynaa ee ramadaanka dhacayqaybtii3aad

qaybtii4aad dhacdooyinkii waawaynaa ee ramadaanka dhacay- ustaad c/xakii...

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...