Wednesday 28 September 2016

sharikada red sea ee qalabka dhismaha oo garowe kusoo kordhisay qalab casri ah oo horay aan dalka u oolin

RED SEA IYO HORUMARINTA BULSHADA


Marba marka kadambeeya waxaa dhulka soomaaliyeed gaar ahaan puntland kusoo kurdhayay horumar baaxad wayn oo dhan walba oo bulshadu u baahantahay ka imaanayay taas oo ay hir galinteeda  ay leeyihiin gacasatada iyo aqoon yahanka soomaaliyeed.

hadaba hadaba xarunta horumarinta aadamuhu waxay socdaal ay arintaas ugu kuur galayso ay shalay ku tagtay xarun wayn oo ay ka hir galisay sharikada qalabka dhismaha ee ((RED SEA)) magaalada garoowe ee caasimadda puntland xaruntaas oo ah xarun aad looga shaqeeyay oo keentay qalab casri ah oo bulshadu aad ugu baahneed kana qayb qaadanaysa xadaarada horumarineed ee bulshada iyo tan dalkaba .

  sharikada ((RED SEA)) waa shirkad ganacsi oo ay soomaali leeyihiin kana qayb qaadata horumarka bulshada iyo caawimaada baahiya bulshada sidoo kale sharikadu waxay xarumo kala duwan kuleedahay dalka magaalooyinkiisa kala durugsan iyadoo hadba lajaan qaadaysa baahiyaha bulshada iyo meelha ay ka dareemayso inay wax ka dhiman yihiin iyadoo ku dhisaysa arimahaas hadba soojeedinta iyo dalabka bulshada .

haba shalay booqashadaanu ku tagnay xarunta waxaan si gaar ah ugu kuur galaynay waxyaabaha casigaa ee ay sharikadu kusoo kordhisay bulshada caasimadda ku dhaqan waxyaabahaanu ku aragnayna waxaa kamid ahaa:-
1- darbiyo diyaarsan oo loogu talagalay in lagu kala xir xiro guriga markii la dhiso qalfoofta sare ee guriga(calcium silicate board)
2- safiitooyin casri ah oo ah noocii ugu dambeeyay ee dalka lakeeno waana nooca looyaqaanoh
( composite panal)
3- boolasha tarniiga ama masaamiirta oo aan u baahnayn in dube lala dhaco oo wata qalaf casriya oo sidii boolkii loogu xirayoh.
4- tirniig kalar ama midab leh oo diyaarsan tayo sarena leh.
5- shamiitada looyaqaan shimiitada cad oo ah nooc tayo sare leh oo cusub.
6- qalabka carwooyinka oo dhameestiran oo hadana diyaarsan.
7- shanbaraane casri ah oo lagu mar marayo alwaaxda.
8- qalabka uu qofku adeegsanayo xiliga uu ku guda jiro dhismaha .

sikastaba ha ahaatee waayuhu way is badalayaan marwalbana horumarka iyo lajaan qaad kiisu waxay ku xirantahay bulshada sharikada RED SEA ayaduna waa qayb kamid ah suurto galisada hanaanka horumarineed ee bulshadeena .
  ugu dabbeentii socdaalkeenii kuur galka ahaa ee aanu ku gaarnay sharikada RED SEA wuxuu noogu soo dhamaaday si wanaagsan oo ay ku dheehantahay waayo aragnimo iyo xog ogaalnimo buuuxda waxaana u mahad celinaynaa ilaahay kadibna dhamaan bahda madaxda shaqaalaha iyo qaybaha kala duwan ee sharikada oo naga caawiyay inaan ku guulaysanoh inaan helno xog aanu kafara buuxsanay qalbigeenana ku abuurta farxad iyo ray rayn .



by:Ahmed Mohamed Hirsi(Faratooyo)























No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...