Sunday 15 May 2016

Habka ugu haboon ee aad u kasban karto qalbiga lamaanahaaga (Q.7aad) W/Q Sh. Ahmed Dheeli.




Habka ugu haboon ee aad u kasban karto qalbiga lamaanahaaga (Q.7aad)
Sh. Ahmed Dheeli.
awdheeli2000@yahoo.com



QAYBTA DUMARKA

1) Marwo waa gabadha saygeeda ka danbaysa oo adeecda.


Sh. Ahmed Dheeli
Waa qodob aasaasi ah marka laga hadlayo gabadha aan ugu yeeray “MARWO”, hadii la waayona qoyskaasi wuxuu ku danbeeyaa burbur iyo nolol qalafsan, jacayl iyo isku kalsoonina meel iska dhig, shareecada islaamku si cajiib ah ayey uga hadashay qodobkaan, nusuusta kusoo aroortay waxaa iila cajiibsan in Nabi Maxamed NNKH uu yiri : hadaan amrayo qof inuu u sujuudo qof kale haweenta ayaan amri lahaa inay ninkeeda u sujuudo.

Walaal adeecida ninkaagu maahan kaliya arin aad ninkaaga isku jeclaysiinayso ee waa cibaado rabi loogu dhawaanayo oo hadaad si fiican u gudatid kamid ah asbaabaha janada lagu galo, hadii lagaa waayana aad cadaabta ku gali karto, shareecaduna waxay garab dhigtay salaada iyo soonka iyo dhawrsanaanta sida ku cad xadiithka hoose:

قال صلي الله عليه وسلم (إذا صلت المرءة خمسها وصامت شهرها وحصنت فرجها وأطاعت بعلها دخلت من أي أبواب الجنة شاءت).

Oo micnihiisu yahay haweentu haday tukato shanteeda oo soonto bisheeda oo ilaaliso farjigeeda (dhawrsanaato) oo adeecdo saygeeda albaabada janada midka ay rabto ayey ka gashaa, wuxuu kaloo Nabigu NNKH sheegay: haweenay kasta oo dhimata ayadoo ninkeedu raali ka yahay janada ayey gashaa, wuxuu kale oo uu ku yiri haweenay: ninkaagu waa janadaadii iyo naartaadii.

Waxa ninka lagu adeecayaa waa wixii aan danbi ahayn, ihaano iyo sharaf dhacna kuma aha gabadha ee sharaf ayey u tahay marwada inay ninkeeda ka danbayso, taasina waa mida keenta in ninku haweentiisa ka danbeeyo oo aad u jeclaado ama culumada qaar ugu yeeraan SIXRUL XALAAL ama sixirka banaan, maxaa yeelay haweenta Allaah wuxuu siiyey intaas oo aaladood oo ninkeeda ay kusoo jiidato, inay u muujiso inay ka danbayso oo adeecayso ayaana ugu saamayn badan.

Odayaasha soomaaliyeed markay dumarka faalaynayaan waxay yiraahdaan: haweentu labo iyo toban ciladood ayey leedahay laakiin hal mid oo kamida ayaa inta kale oo dhan oo la isku daray ka culus, waa inaysan ninkeeda maqal oo aysan adeecin.

2) Marwadu waa mida u dhago fudud gogosha saygeeda

Ayadoo si guud ay leedahay adeecidu muhiimad wayn , ayaa waxaa ugu sii daran adeecida gogosha, sidaan horey usoo sheegnayba haweenta inta saygeedu gogosha ugu yeerto diida ama mar walba ku dhibta malaaigta iyo allaahba waa lacnadaan(naxariista Allaah ayaa laga dheereeyaa), in gabadhu noqoto sida ugaartoo kale oo ninkeeda aysan gogosha ugu jajabnayn ama dusheedaba uusan si sahlan ku taaban karin waxay keentaa karaahiyo aan xad lahayn, hadaba isku day mar kasta oo aad dareento in ninkaagu uu dareen shahwo muujiyo inaad u dhaga fududaato.

Waxaa jira haween dhib badan oo qaraabada iyo dariska intuba neceb yihiin oo intaa ninka ku hayaan iska fur oo ninkii ku dhagan yahay oo uusan marna dhag u dhigayn dadka warkooda, markaan xaaladahaas dabagal ku samaynay waxaa la ogaaday in haweentaas ay ninkeeda qalbigiisa ku qabsatay xaga gogosha dhibka kalena uusan dan ka lahayn.

Hadaba hadaad rabto inaad ninkaaga qalbigiisa qabsato oo aad is jeclaataan ha sugin inta uu kuugu yeero hawshaan, xataa asagoo ku talo galin waa inaad ku kicisaa hawsha marmarka qaarkood, jawiga gurigana u diyaari jawi ku haboon hawshaas, adoo tilaabooyinkaan qaadaya.

1) Xil wayn iska saar nadaafada guriga, jirkaaga, dharkaaga IWM.

2) Sanku waa xubinta dareenka ugu kicin badan ee ku dadaal carafta iyo udginta jirkaaga iyo hoygaba.

3) Waxaa kaloo muhiima quruxdaada iyo bilicdaada oo aad muujiso xiliga saygaagu kula joogo waana xirfad haweenku is dheer yahay, mana aha inaad dadka kale isku qurxiso cidii xaqa u lahadyna aadan quruxdaada u muujin, oo maradii jikada oo qiiqa iyo wasakhda badnayd u xirato.

4) Cunto miisaaman oo nafaqo lihi waa kaalmo wayn.

5) Kaftanka iyo sheekada farxada lihi waa daruuri, gaar ahaan hadalada iyo ficilada dareenka saygaaga kicinaya, si guud xataa xiliyada kale oo caadiga ah mar walba hadalada macaan oo jacaylka xanbaarsan saamayn ayey ku reebayaan qalbiga saygaaga, markuu shaqada jiro marmar teleefoon u dir, haduu safro u sheeg inaad aad ugu xiistay, qoraal yar oo kooban oo xiiso wata mobaylka ugu dir,markuu wax kuu sameeyo u mahad celi,u sheeg mar walba inaad ku qanacsan tahay oo aad jeceshahay, markaad rabto inaad tiraahdo waxaas iga daa isticmaal qaabka ah: xabiibi waxaas jacaylka ayey dhaawacayaan,ama waxaas waa dhibsaday laakiin jacaylkayaga ayaa ka wayn,isku soo duuduuboo khubarada hawshaan ku xeel dheer waxay yiraahdaan : quruxda haweenka kala bar waxay ku jirtaa carabkooda, halka kala bar quruxda ninku ku jirto caqligiisa.

6) Kala agaasinka ilmaha, ninka, martida IWM, door bay ka qaadataa howsha. Gaar ahaan ilmaha oo ah mirihii reerka, hadana hooyooyinka qaar ayaa hamigooda oo dhan siiya dhinaca ilmaha, taasoo keenta inuu waayo ninku qaybtii uu ku lahaa marwadiisa asagoon waliba ka eed sheegan Karin ilmihiisa, taasoo keenta inay ku dhalato qoftaani kuuma soo jeedee ilmeheeda ha haysatee wax kale raadso.

7) Inaad kor u qaado aqoontaaada faniga gogosha waa muhiim oo aad hawsha qayb ka noqoto ee aadan noqon aalad la istimaalayo kaliya, aqoontaasina waxay dhadhan dheerada u yeeshaa gogosha.

cidii diyaar u ah inay sii kororsato aqoonta faniga gogosha waxaa jira kitaabo iyo daraasado badan ee laga sameeyey ee halkaas ugu noqo.

Waxaan hubaa marwooy hadaad qodobka gogosha ku najaxdid iyo maaweelinta saygaaga inaad noqonayso mid qalbigiisa ku wayn xataa hadaad leedahay ceebo kale.

Waxaa jira rag ay qaraabadooda ku kala dhintaan war haweentaas waa dhalmo daysay dhaqaalana waad haysataa ee guurso oo aan ogolayn , hadaad u fiirsato qoysaskaas inta badan haweentaasi waa qof tilmaamahaan leh:

Qolka ninkeedu waa qol aroos , intuusan shaqada ka imaan ayey caruurta kala nidaamisaa cuntada iyo hawshooda dhamaysaa oo kala seexisaa, wixii soo hara shaqada guriga waxay u kala qaybisaa gabadha shaqaalaha ah iyo cidii kale oo ay heli karto ehel iyo ilmo, sharqan iyo qaylo guriga waa ka mamnuuc, qolka odaga ilmuhu kuma cayaaraan mana soo galaan inuu asagu u yeero mooyaane, saaka ayaa la hagaajiyey oo la carfiyey oo la qufulay , markuu soo dhow yahay ayey furtaa oo cuntadii lagu sii diyaariyaa, qubayska iyo musqushuna waa diyaar, soo dhawayn iyo cunto kadib waa aydoo si walba isu diyaarisay oo qolkuna hoos uga xiran yahay, intuu joogo waa la joogtaa, aad bay kor uga fahantaa baahiyihiisa, haduu daalan yahay wuu nastaa, haduu xanuunsan yahay ama welwelsan yahay horay ka fahantaa waana ka fududaysaa intii suurta gal ah, haduu hurdo rabo waa diyaar aqalka iyo jawigu, lagama horgeeyo sheegasho iyo canaan, wixii ka go,a ayadaa sii dabarata, markuu dhinac kasta maqsuud ka noqdo oo sii baxayo ayey si sarbeeban oo sahlan ugu sheegtaa waxa loobaahan yahay, asna halhaleel ayuu u dhiibaa ama u xaliyaa, hadaba marwooy ninka noloshaas ku jira goormuu haween kale u baahanayaa? amaba ay kusoo dhacaysaa? jawaabta adaan kuu daayey, xataa hadii uu is yiraahdo meesha iska qaad oo raga kula siman waa guursadeene guurso hadaan marwadaas farsamadu ka xumaan, ayadu ma masayrto mushkiladna ma aragto ee gabadha cusub ayaa masayrta ama waaba isla qabsan waayaan.

Ugu danbayn hadii saygaagu hawshii kasoo bixi waayo oo tabardaro rabaani ah qabo waa inaad u qalbi dhistaa oo aadan muujin inaad ka niyad jabtay,oo aad dhiiri galisaa, maxaa yeelay hawshaan inta badan waxay ku xiran tahay xaga nafsiga iyo niyada,sidaa darteed ninyadjabka iyo welwelku waa uga sii daraan mana jirto ninka meel uga daran oo laga asiibo, waa in tartiib howshaas loo daaweeyaa ilaa albaab walba soo xirmo , markaasna khiyaar baad leedahay goaanka aad ka qaadanayso, xataa ninku haduu diido gabadha inuu furo asagoon waxba isku hayn qaaligu waa soo dhexgali karaa, waxayna ku tusaysaa culayska shareecadu hawshaan u yeeshay.

Gogosha iyo waxa la xiriira waa muhiim halkaana laguma soo koobi karo waxaanan ku khatimayaa sheeko aan goob joog u ahaa , waxaa jiray nin aan isku deegaan iyo macrifo ahayn, maalinimadii danbe ayuu ii sheegay inuu jimcada aroosayo daruurina ay tahay inaan ka qayb galo , farxad iyo hanbalyo ayaan ku ajiibay, gabadha uu ii sheegay waa aqaanay , waa qof deegaanka laga jecel yahay oo wadaad ah, laakiin labo nin ayaa horay usoo furtay mudo kooban ayadoon wax u dhalin, shaqsiyan waa la yaabanaa waxa gabadha lagu furay waxaanse u arkayey inaysan helin rag munaasab ku ah akhlaaqdeeda iyo wanaageeda, mudo kadib wuxuu iigu bishaareeyey in reerkii wiil ku curtay.

Laakiin arinta yaabka leh waxay ahayd inuu maalintii danbe ii yimid asagoo mudo i raadinayey, salaan kadib wuxuu ii sheegay inuu I raadinayey , wuxuu ii sii raaciyey: gabadhii ayaan rabay inaan furo , waxaan kaa rabaa inaad markhaati ka noqotid , sababtoo ah ehelkeedii ayaa soo codsaday inaan culumo shaahid uga dhigo,xaqeediina waa siinayaa.

Arintii waan ku gacansayray , waanan diiday inaan ka qaybgalo , waxaan ku iri saaxiib ayaan nahay seed iigu yeeri kartaa halkii ugu danbaysay ee kala taga aniga oo aan ka qayb galin inaan mushkilada lagu kala tagayo xalkeeda, waxaan ku dheeraaday amaanta gabadha iyo wanaaga aan ku aqaan, wuxuu igu yiri waa runtaa , laakiin waxaa jira wax kale oo xal loo waayey inaan la kala tago mooyee, aad bay ugu adkaatay inuu ii sheego, ana waxaan ku adkaystay inaanan hawsha ka qayb galayn inaan ogaado arintu inay xal leedahay mooyee, wada hadal dheer kadib ayuu igu yiri waa kuu sheegayaa.

Walaalow anigu waxaan gabadha u guursaday inaan ku dhawrsado oo aan uga maarmo xaaraan , ilaa maantaan aqal galay iyo hada oo aan mudo labo sano ku dhow is qabno mushkilad baa ka taagnayd gogosha, inaan ku nasto iska dhaafe dhib bay igu soo kordhisay aanan qabin xiligii reerka aanan lahayn, maxaa yeelay nin gabadhi sariirta la jiifto shahwadiina aan gudanayn waa garan kartaa cadaabka uu ku jiro, hada oo aan kula hadlayo lix bilood gabadhaas wax gogol ah nama dhex marin intaasna waa la seexanayey , si kastana waa yeelay oo xal waa u waayey, adna xal kama keeni kartid.

Isla markiiba waxaa igu soo dhacay sababta labadii nin oo hore ay kusoo kale tageen, waanan u garaabay ninkii hawshiina halkaasaan ku dhamaynay.

fadlan yaysan ku dhaafin qaybta u danbaysa ee 8aad.

Sh. Ahmed Dheeli.
awdheeli2000@yahoo.com

xigasho: raxanreeb.com

Wednesday 11 May 2016

SHEEKADII HALGAN:”Nolushu waa halgan, Nin hanyarina mahano qaado” [Qore: Axmed Xuseen Suleymaan]



Maxamed waa wiil dhalinyaro ah oo ay dhaleen qoys sabool ah oo kunool miyiga. Qoyskiisu waxay lahaayeen 50 ari ah iyo hal rati oo ay ku guuraan. Qoys ahaan waxay ka koobnaayeen shan qof oo kala ahaa Maxamed iyo gabar walaashiis ah oo ah da’diisa hoos uga yarayd oo la yiraahdo Canab iyo wiil ka yar Canab oo isna layiraahdo Cumar iyo labadooda waalid oo la kala yiraahdo Caynab iyo Cowrala.

Maxamed sida caadiga ah wuxuu ilaalin jiray ratiga,yaraantiisii maalin maalmaha kamid ah isagoo soo dheelminaya ratiga,waxaa u yimi Aabihiis oo markaas dhagaysanayey raadiye. Raadiyahana waxaa kabaxayey barnaamij ka hadlaya ahmiyada wax barashada ay leedahay. Maxamed wuxuu aad ula dhacay barnaamijkii wuxuuna go aan saday inuu waxbarto inkastoo aysan u muuqan suurogal.

Maxamed,wuxuu ka fakarayey sidii uu qoyskiisa ugu soo bandhigi lahaa qorshaha uu doonayey taasoo ku qaadatay muddo todobaad ah.

Ugu danbayntii xili habeen ah oo xoolihii la kala xereeyey oo lacawaynayo ayuu Maxamed u sheegay qoyskiisa in uu doonayo arrin muhiim ah in u la wadaagayo qoyka oo dan u ah reerka,xubnihii qoyska oo dhan ayaa soo eegay Maxamed ka dibna Aabihiis ayaa yiri “oo muxuu yahay arinkaasi bal noosheeg”?

Maxamed oo ay ka muuqato dhiiranaan ayaa yiri,waxaan rabaa in aan waxbarto oo aan noqdo qof aqoonleh! Arintani waxay ku noqotay layaab qoyska, Aabihii ayaa yiri Xagee wax ka baranaysaa inagu waxaynu nahay reer guuraa e?

Maxamed ayaa ugu jawaabay Aabihiis, Aabe waxaan rabaa in la ii geeyo Eedo Qamar si aan iyada ula joogo waxna u barto.

Intuusan oday Caynab hadlin,waxaa arintii aad ula dhacday hooyo Cowrala oo tiri waa arin muhiima arinta uu inala wadaagay Maxamed ee waa inaynu waxbarasho gaynaa Wiilka madama ay labadii kale joogaan oo aysan qoyska cidna waxbarasho helin.

Wadatashi qoyska iyo qarabada dhexdooda ah kadib, Maxamed waxaa loo ogolaaday waxbarashadii waxaana la geeyey magaalada.

Eedo Qamar oo loo geyey Maxamed iyada qudheedu malahayn aqoon iyo hanti toona, hase yeeshee waxay soo jeedisay in wiilka la geeyo Dugsi Qur’aan iyo Iskuul labadaba.

Oday Caynab oo horay usoo kaxeeyey neef ari ah wuxuu u iib-geeyey suuqa xoolaha, Kadibna ,wuxuu soo iibshay Kitaab Qur’aanka kariimka ah, iskujoog dharki iskuulka ah iyo hal buug oo uu ugu talagalay inuu Maxamed ku dhigto Iskuulka. Wuxuuna geeyey dugsi iyo iskuul oday Caynab maalinti dambe miyiga ayuu dib ugu laabtay.

Maxamed waxay macalimiinta iyo ardaydu u sheegeen in loo bahanyahay shan buug ugu yaraan hase ahaatee arintani way ku adkayd Maxamed waayo dhaqaale ma haysan, Odagii wuu tagay Eedadiina wuu ka warqabay oo uma suurobeyn inay u iibiso buugtan cusub.

Maxamed wuxuuna bilaabay in uu aado meelaha qashin qubka ah si uu uga soo urursado buugaag la xooray oo baalal ka banaanyihiin iyo joornaalo cadcad kadibna uu isugu tolo si uu buug uga samaysto.

Maxamed wuxuu jeesjees iyo dacaayad joogta ah uu kala kulmi jiray ardayda iskuulkiisa iyo dadka tuulada qayb kamid ah.

Waxayna u bixiyeen magacyo badan iyagoo eegaya buugtiisa gacan ku samayska ah iyo hugiisa oo aan qurxoonayn. balse Maxamed waxaas waxba kama soo qaadin jirin. Wuxuuna nolashaas ku dhamaystay dugsigiisii Hoose/Dhexe.

Tuulada Malahayn Dugsi sare marka Maxamed wuxuu ka codsaday qoyskiisa in loo wareejiyo dagmada si uu uga sii wado waxbarashadiisa. Talo is raadraadin qof loogeeyo Maxamed waxaa lahelay Islaan la yiraahdo Ceebla, oo ay saaxiibo yihiin Qamar (Maxamed Eedadii) oo dagan dagmada.

Waxaana loo bandhigay aritii, nasiib wanaag Ceebla way aqbashay arintii waxayna balanqaaday cunnada iyo jiifka wiilka. Hase yeshee wali waxa taagnayd lacagtii iskuulka iyo qarashaadkii kale sida buugtii oo oday Caynab wali lagu sugayo.

Oday Caynab oo u muuqda markaan inuu fahmay ahmiyadda Waxbarashadda wuxuu iibgeyn jiray caanaha iyo wixii kale ee xoolihiisa uu ka helo si uu uga bixiyo lacagta iskuulka Maxamed.

Dhanka kale Ceebla oo ahayd qof wanaagsan misna uu qabay oday Diirshe oo ahaa ganacsade ayaa siin jirtay Maxamed lacag u dhiganta hal doolar ($1) Jimce kasta. Taasina waxay keentay in Maxamed uu kaydsado oo labo sano kadib markuu u baasayey fasalka 3aad ee dugsiga sare lacagtiina u gaartay boqol doolar ($100). uu kufurto kabar yar oo horyiiley dugsi H/Dhexe oo u dhowaa xaafadii uu kunoolaa.

Maxamed wuxuu aadi jiray iskuulkiisa subixii galinka dambena, wuxuu iibin jiray kabarkiisa oo uu ciyaalka ka iibinjiray Jalaato, buugta, qalinmada, macmacaanada iyo waxyabaha kale ee ay ciyaalka iskuulku xiiseeyaan. Habeenkiina wuxuu diyaarsan jiray casharadiisa.

Maxamed wuxuu ahaa shaqsi dagan, furfuran oo ay jeclaayeen dhamaan macmiishiisu. Taasina waxay geentay in sanad kadib uu kabarkii u badalo Dugaan laga helo intii kabarka iyo dhaamaanba adeegyada dugaamada xaafaduhu bixiyaan.

Markii uu u baasayey fasalka ugu dameeya dugsiga sare Maxamed wuxuu aaday reerkoodii wuxuuna horay usiiqaaday adeeg dhamaystiran iyo xoogaa lacaga oo uu kashaqeeyey dukaanka si uu uga soo ducaysto waalidkiis.

Runtiina waxay ahayd lama filaan, waxaa intaas u dheeraa qorshe kale oo ah inuu soo kaxeeyo walaashiis Canab si uu u geeyo dugsi lagu barto farsamada gacanta iyo qurxinta haweenka oo ku yiilay degmada.

Way usuuragashay Maxamed qorshihiisii. Canab iyo Maxamed waxay yimaadeen degmadii Canab waxa la geeyey iskuulkii farsamada gacanta iyo qurxinta haweenka, subixiina waxay iibisaa dugaanka inta Maxamed Jiro Iskuulka.

Maxamed wuxuu yeshay saaxiibo badan maadaama uu yahay wiil dadaal badan oo inbadan oo saaxiibadii kamid ah ayaa usoo jeedisay in uu lacagtan yar ku Tahriibo si uu noloshan mid ka wacan uga abuuro Yurub madaama uu howlkar yahay.

Hase yeeshee u maysan muuqan waxaasi Maxamed oo wuxuu laba jibaaray waxbarshadii isuu fasalka Afraad kaalin fiican uga galo.
Nasiib wanaag Maxamed waxa urumoomdey riyadiisi iyo ducadii waalidkii oo waxa uu galay kaalinta koowaad ee iskuulkiisa iyo deegaangiisa guud ahaan.

Taasi waxay keentay inuu Maxamed deeq waxbarasho ka helo mid kamida Jaamacadaha deegaankiisa, Maxamed wuxuu aad ugu fiicnaa dhanka hal abuurka iyo dhaqaalaha wuxuuna codsi shaqo u gaystay shirkad ganacsi oo caan ah oo ka howlkasha deegaankiisa,isagoona ka noqday Madaxa wax soosaarka Shirkada.

Maxamed waxa lagu shaqaaleeyey lacag dhan kun doolar ($1,000) taasi waxay u sahashay in uu qoyskiisii u samyeeyo Beer weyn oo uu u badalo qoyskii sii xoola dhaqato beeralay.

Maxamed qoyskiisu hadda waa ganacsadada ugu caansan dhanka wax soosaarka Beeraha ee deegaankooda,walaalshiis Canab iyadaa lawareegtay oo iibisa dukaankii waxayna ku haminaysaa inay furato meel haweenka lagu qurxiyo oo ay iyadu khaas uleedahay.

Maxamed waxuu kudhigtaa jamacada lacagla’aan dhanka kale waxa loo wadaa in laga dhigo Maamulaha Guud ee shirkada waayo aad ayaa looga helay aqoontiisa iyo shaqadiisa.

Maxamed wuxuu kuhaminayaa dhowr waxyaabood oo kala ah:

Inuu samaysto ganacsi weyn oo isaga khaas u ah
Inuu guursado
Inuu waaridkiis geeyo xajka
Inuu furo iskuul ay waxku bartaan dadka danyarta ahi.
Halku dhiga Sheekada “Nolushu waa halgan, Nin hanyarina mahano qaado”

Qore: Axmed Xuseen Suleymaan
E-mail: Xaruur143@gmail.com
Facebook: Ahmed Hussein Suleiman

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...