Sunday 24 April 2016

dhaliyaroow



Dhigaalkeeda suugaan
Dhaxalkeeda maansada
Dhuuxii murtida iyo
Dhaqankii dhabta ahaa
Dhawr saniyo dheeraad
Dhigta udubka geeraar
Iyo dhidibyadii gabay
Ka dhaqaaqay maandhoow
Dharaataynu joognaa
Maalin dhawrsan weeyaan
Dhawaqeedu dheeryahay
Dhalintii dalkeeniyo
Dhiiranow wadanigii
Dhiigooda loo shubay
Dhaawaca usoo maray
Dhibka iyo rafaadkiyo
Dhiilada u soo galay
Dhulku inuu xoroobaa
ooy dheeho maalaan
Maandeeq ka dhawraan
Dhuuga iyo gafanahoo
Ka dhacshaan waraabaha
Calankooda dhiibsane
Dhulka ay ka qaadaan
Dhalintii dhabta ahayd
dhalinteena maantana
dhabartoogyo weeyaan.
dhalintayba dilayaan
odayadaysan dayneen
duqayduna kasii daran.
daan iyo kadaan iyo
dibaday ubaxayaan.
dayacana naftoodii.
madamiirka noodhiman.
danqashada dareenka ah.
miyaanan dareemayn?
damiirkeenii dhimayoo.
dareenkeeni dhimayoo.
dagaaladanadana ma,aqaan
inta ay kujoogaan

No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...