Friday 29 April 2016

HAWEENKA IYO HOGAANKA QAYBTI:2AAD QR: AXMED MAXAMED XIRSI FARATOOYO


HAWEENKA IYO HOGAANKA QAYBTI:2AAD QR: AXMED MAXAMED XIRSI FARATOOYO.


Waxaan qaybtii hore kusoo tilmaamnay xuquuqda u gaarkaa ee dumarku ay leeyihiin xuquuqdaas oo aan raga lasiin balse aad moodo in dumarkii muraayad qaldan wax laga tuso oo been loosheegay balse waxaa laga yaabaa akhriste inaad is waydiinaso maxay tahay muraayada ay iska daawadeen in badan oo haweenka kamid ah kadibna ay is dheheen isku dheerariya raga .

waxaa jira heshiis ay ugu magac dareen  (( heshiiska caalamka ee xuquuqda haweenka))
balse waxaa nasiib daro ah iany in badan oo haweenka kamid ah ay iska daawadeen muraayadaas hase yeeshee ay ku dagmeen heshiiskaas oo si toos ah ugu tumanaya xuquuqda dumarka iyo qodobada iyo xeerarka diintu ay noodajisay sidookalana aan waxna kareebeen dhaqanka suuban ee soomaalida .

akhriste yaanan ku daalin ee bal fiiri heshiiskaan ay gaareen gaalo wayn iyo kuwo aan waxna fahamsaneen oo xuquuqda dumarka ay dheheen balse xaqiiqda marka laga hadlo0 ah mid ku tumanaya xuquuqda haweenka:.


Heshiiska caalamiga ah ee xuquuqda haweenka


Muxuu leeyahay heshiiska caalamiga ah ee dumarku?

(((  Heshiiska caalamiga ah ee joojinta cunsuriyeynta dumarka noocii ay doonto ha ahaatee waxaa badanaa loogu yeeraa heshiiska caalamiga ah ee dumarka. kaasna waxaa qaatay QM(Qaramada midoobay), wuxuuna leeyahay dumarka waxay si sax ah ugu xuquuq yihiin ragga. Qaybo badan oo dunida ka mid ah dumarka waa la duudsiiyaa xuquuqdooda.

Waxay leeyihiin awood ka yar midda ragga, mana haystaan fursado la mid ah kuwa ragga tusaale ahaan sida waxbarashada ama in ay si xor ah u go’aansadaan noloshooda. Sidaas darteed ayaa loo baahan yahay xeerar si bayyaan ah u oranaya dumarku waxay ku xuquuq yihiin ragga lamana cunsuriyeyn karo. Halkaaan waxaad ka akhrisan kartaa dhawr ka mid qodobada heshiiska caalamiga ah ee dumarka.

Qodobka 3

Gabdhuhu waa in ay helaan xuquuqda iyo xornimada ragga oo kale dhinac kasta oo nolosha. Waxay noqon kartaa in ay gabdhuhu xaq u helaan in ay siyaasadda uga qayb qaataan sida wiilasha oo kale, in ay yeeshaan saaxiibo, ay lacag shaqaystaan ayna dhaqaalahooda ayagu ka taliyaan.

Qodobka 5

Gabdhaha waa in aan loo arkin in ay ka daciifsan yihiin wiilasha oo aan laga haysan aragti xun iyo dhaqan ku dhisan fikrado noocaas ah.

Qodobka 16

Gabdhuhu waa in ay helaan xuquuq la mid midda wiilasha oo ay si madax bannaan u dooran karaan haddii ay rabaan in ay guursadaan iyo ciddii ay guursanayaan. Gabdhuhu waa in ay helaan xuquuq la mid ah wiilasha, oo ay ayagu go’aansadaan haddii ay rabaan in ay carruur dhalaan, oo haddii ay saas tahayna inta carruur ah oo ay rabaan. Gabdhuhu waxay kaloo ku xuquuq yihiin wiilasha markii ay noqoto waxa ay doonayaan in ay ka shaqeeyaan. )))))



  hadaba akhriste qoraalkaan waamid si fiican loo qoray balse wata dhiilo xumeen dumar iyo ku xad gudub xuuquuqda uu eebe siiyay ee hadaba maxay tahay xuquuqda uu eebe siiyay???


lasoco qaybta 3aad 

qore:axmed maxamed xirsi(faratooyo)

Wednesday 27 April 2016

HAWEENKAIYO HOGAANKA Q:1AAD qore:axmed maxamed xirsi(faratooyo)

 

HAWEENKA IYO HOGAANKA Q:1AAD

  Ilaahay kor ahaaye wuxuu abuurtay umad isago umada uu abuurtay ka doorttay dadka muslimiinta ah uuna usameeyay balan qaadyo masiiri ah oo uu siinayo haday ku toosnaadaan diinta uu siiyay hadana intaas ugamuusan harin balse wuxuu uu ugu goodiyay cadaab daran cidwalba oo ka gudubta seeraha uu meegaaarsaday oo uuna diiday in lagu soo xad gudbo.waxaa kasii mid ah umadiisa muslimiinta ah dumar ama haween kuwaas oo isugu jiray dhamaan qaybaha bulshada sida hooyo walaal iyo xaas wuxuuna si gaar ah ugu fadli yeelay inuu ku magacaabo suurad kamid ah hadalka ilaahay haweenka (..........سورة النساء،سورة مريم)iyo suuradaha lamidka ah .      sidoo kale waxaa la,arkaa darajo gaar ah oo lasiiyay dumarka oo lagu gaaryeelay sida xadiithkii rasuulka (c.s.w) uu ku tilmaamayay inay janadu taalo labada gumadood ee hooyada sidookalena uu xadiis kusoo arooray markii rasuulka lawaydiiyay: yaa iigu xaqleh? wuxuu ku jawaabay hooyadaa markii ilaa sadix jeer lawaydiiyay wuxuu yiri hooyadaa markii afrad ayuu yiri aabahaa.  xadiistaad iyo kuwa lamid ah waxay sitoos ah kuu tusinayaan fadliga sida gaar ah loogu gooni yeelay dumarka.



hadba waxaa iswaydiin mudan sida ciwaanka maqaalka ka muuqata hogaanka hooyadu waamaxay?? lasoco qaybaha dambe iyo qoraalo xiiso badan oo is daba joogaqore: axmed maxamed xirsi (faratooyo)






Sunday 24 April 2016

dhaliyaroow



Dhigaalkeeda suugaan
Dhaxalkeeda maansada
Dhuuxii murtida iyo
Dhaqankii dhabta ahaa
Dhawr saniyo dheeraad
Dhigta udubka geeraar
Iyo dhidibyadii gabay
Ka dhaqaaqay maandhoow
Dharaataynu joognaa
Maalin dhawrsan weeyaan
Dhawaqeedu dheeryahay
Dhalintii dalkeeniyo
Dhiiranow wadanigii
Dhiigooda loo shubay
Dhaawaca usoo maray
Dhibka iyo rafaadkiyo
Dhiilada u soo galay
Dhulku inuu xoroobaa
ooy dheeho maalaan
Maandeeq ka dhawraan
Dhuuga iyo gafanahoo
Ka dhacshaan waraabaha
Calankooda dhiibsane
Dhulka ay ka qaadaan
Dhalintii dhabta ahayd
dhalinteena maantana
dhabartoogyo weeyaan.
dhalintayba dilayaan
odayadaysan dayneen
duqayduna kasii daran.
daan iyo kadaan iyo
dibaday ubaxayaan.
dayacana naftoodii.
madamiirka noodhiman.
danqashada dareenka ah.
miyaanan dareemayn?
damiirkeenii dhimayoo.
dareenkeeni dhimayoo.
dagaaladanadana ma,aqaan
inta ay kujoogaan

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...