Wednesday 9 December 2015

Socdaalkii hargaysa sagootintii min haaj iyo soo dhawayntii karam.

Socdaalkii hargaysa sagootintii min haaj iyo soo dhawayntii karam.

waxuu ahaa fakar aad u wanaagsanaa oo mudnaa soo dhaweyn markii lagu fakaray aan sameeno ducaad carbisan oo dayar badashana ducaada in lanasiyo u baahan lana falalanqeeyay meeshee ka asaasnaa machad laga soo saari karo ducaad fir fircoon da,yar oo dareen leh dameceeduna uu yahay aan diinta kor u qaadno.
Hor dhaca hadalkaygu maahan inaan ka faaloodo machadka sare ee ducaada ee hargaysa ku yaal mana ahan inaan ka waramo dareenkayga gaar ahaaneed balse u jeedkaygu waa inaan soo gudbiyaa  dareenka ducaadii tagtay hargaysa iyo kuwii joogay labadaba si gaar ah kuwii sanadkaan ku biiray machadka sare anigoo ka bilaabi doona si koobana uga sheekeen doona machadka iyo muuqaalkii laga haystay horaantii kuna xijin doona bilawgii safarkii bosaso ilaa hargeesa hankeenii kor u kacayay iyo himilooyinkii aan dareemanay soo sagootintii min haaj ilaa soo dhaweentii al karam hargaysa …………..

     Waxay ahayd sagaalbilood ka hor kolkay soo shaacbaxday sheekada machadka sare ee lagu barto culuumta shareecada islaamka oo soo saaraya ducaada biri waxay badanaa bahda waxbarasho gaar ahaan ardayda ka baxaysay iyo kuwa dhiganayay jaamacadaha gaar ahaan shareecadu ay si xoog leh uga sheekeesanayeen machadkaas iyo mustaqbalkiisa iyo u jeedka loo aasaasay dhanka kale culimada manta waxay ayaguna baadi goobayeen culimadii badali lahayd biri hase ahaatee furitaanka machadka kadib waxaa aaday arday fara badan oo ka kala socota dhamaan soomalia oo idil ardaydaas oo ah arday kabaxday kuliyaadka shareecada ee heerka 1aad ee jaamacada waxaana lagu soo dhaweeyay garowe,laascaanood,burco,hargaysa.
Yaanan ku daalin ilaahada waxaan kuu sheegayo waa waxaan maqlay waxna aan ka arkay balse dulucda warbixintaydu waa taan u joogay oo aan soo arkay ilaa hadana aan dhex joogo.

     Waxay ahayd go,aan geesinimo leh oo ay wada qaateen arday kala joogta meelo aad ukala fog oo aan war isu hayn waxay ka tageen shaqooyin muhiim ah xaasas iyo caruuro balse u jeedkoodu uu ahaa aan u baqoolno hargaysa oo aan soo xambaarno diinta ilaahay aana usoo xambaarno deegaanadaan ka tagnay iyo umada soomaaliyeed iyo gabi ahaan caalamka oo idil waxayna halkudhig ka dhigteen (( Aan adkeesano saan u guuleesanoh)). Waxayna mid walba kazoo shiraacday deegaankuu joogay markaas wuxuuna usoo sahay qaatay suu kusoo gaari lahaa hargaysa iyo machadka sare ee ducaada .

    Akhriste waad igu daashay balse dulucdaydii wili magaarin ,waxaan ka mid ahaa ardaydii kasoo kicitintay gobolka bari ee soomaaliya gaar ahaan bosaso waxay ahayd maalin aad u weyn waana talaado waa subaxnimo goobtuna waa bosaso waxaa I garab taagan dhawr kamid ah ardaydaan kazoo wada baxnay bosaso waxaan ka sheekeesanayno waa safar dheer oo uu yahay u jeedkiisu dacwada aan u shaqeeno, waxaa noo yimid goor ay tahay 9:30am gaarigii noosooqaadi lahaa Growe waxaan jidka kusoo jirnay mudo dhawr saacadood qaadatay safarku waa silic balse kani waa sahal oo surinkuna waa amaan,waxaa noo muuqatay waqti dheer kadib magaaladii Garowe waxaan dareenay saxan saxo iyo qabow inaan kusoo dhawaanay guushii garoowaana soo gaarnay nasniino soo dhaween iyo marxabeen kadib waxaan galnay dawraad iyo sagootin ay noosameenayaan culimada joogtay Garowe iyo kuwo u yimid say noogu sheegi lahaayeen inay nagu faraxsanyihiin nana garab taaganyihiin, waxaana maalmahaas iyo dawraadka iyo sagootintaba shicaar iyo halqabsiba looga dhigay  ((وختامه مسك)) .
 Subixii xigay waxaa sitoos ah noogu bilawday safar dheer oo ka bilawmanaya Garwe ilaa hargaysa ,waxay ahayd aroor aad u qaboow meeshu waa Garowe waxaana soowada safraya 22arday oo kakala yimid deegaanada ay kakoobantahay puntland waxaan usooo baxnay banaanka magaalada waxaa halkaas diyaar ku ahaa culimo iyo ducaad,iyo odayaal dantoodu ay tahay ducaada sii sagootiya, dardaaran iyo is macsalaameen kadib waxaan bilawnay safarkeenii .
    Waxaan galnay safar kii noociisa ahaa ee iigu horeeyay ani ahaantayda markii laga eego cidaan wada socono cidaan u socono iyo meeshaan u socono, jidka waxaa warnaa biyo laaminiguna waxuu la qoyanaa dhulbadan oo aan soo marnay roob waxaaba moodaa in annagaba naloo rusheenayay laamiga , muddo kadib waxaan waaxaa oogada nooga muuqatay laaskii cilmiga oo aan ula jeedo laascaanood waxaana in yar kadib wadada nooga hor yimid ducaad culimo iyo caynan kale oo bulshada kamid ah waxay nagu soo dhaweeyeen nagana soo sagootiyeen magaalada laascaano, hadana waxaan dib u bilawnay safar aad u raaxo badnaa hami farabadana xambaarsanaa waxaan wada socnana waa ducaad isku hadaf ah .
 Safar aad u dheeraa kadib waxaan jidka kusoo jirnaba waxaa lagaaray waqtigii aan hargeesa gali lahayn waxaan is waydiinaynay maxaan lakulmi doonaa markaan tagno hargaysa iyo machadkii waxaan horay u haynay waxay ahayd xog iyo waxaa layiri balse marakan waa dhabtaan isla tagaynaa iyo fardo laysula joogo laysuma faano .
  
Waxay ahayd goor habeen ah waxaa meel fog noogasoo muuqday muuqaalkii qurxoonaa laydhadhkii hargaysa waxaana dareenay qaboow aad u naxariisbadnaa kaas oo noonoqday cidii ugu horeesay ee nagu soo dhaweysa magaalada waxyarkadib waxaan marba marka kadambeeya nagu soo durkaya quruxda hargaysa iyo iftiinkeeda.
Waxay ahaataba kolkaan waxyar magaalada usoo jirnay ayaa waxaa naga horyimid masuuliyiin culimo iyo ducaad isugu jirtay wxayna nagu soo dhaweeyeen magaalada wayna noo marxabeeyeen .
Nasniin kadib waxaa noobilaeday is dhexgal dhamaan ardaydii meelaha kala fog isaga timid is dhex galkoodii iyo dawraad iyo soo dhaweeno
Waxyaalaha aadka nooga cajabiyay oo aan lakulanay waxaa kamid ahaa say isku jecelyihiin iskuna garab taagnaayeen ardaydaan ugu tagnay meesha waxaana kaqaadanay duruus waxaana lakulay wixii naloo sheegayay waqti aad u dheer wax kasii fiican oo kaduwan waxaa horay looyiri (( dhaq waa maqal ilna waa arag aragtibaana la cabiraaye maqal lama cabiro).
Ugu dambeen waxaan u mahad celinaynaa dhamaan cid walba oo si guud ama si gooni ah uga qaadatay sagootin soo dhaween safar iyo sahay iyo guubaababa waxaana leenahay ilaahay miisaankiina xasanaadka haydiin kugu daro.


No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...