Thursday 10 December 2015

HAGARAACIN ILMAHA

                                              

    HAGARAACIN ILMAHA


markaad aduunyada sii raad raacdo waxay ku tusiyaan dhibaatooyin aad layaabto gaar ahaan kolkaad milicsatid dhibka kala haysata caruurta iyo waalidkood ama caruurta iyo macalimiintooda oo waxay ku tusinayaan dhibka iyo bur burka umadeena haysta inuu dhan walba taabtay oo uu xitaa soo gaaray maxasta waxaad arkaysaa waalidka oo ilmihiisu markay wax dhimaan u qaraacaya sidii inaysan caruurtoodii ay dhibka usoo mareen aysan eheen hadaba waxaan rabnaa maanta inaan ka baxno xaaladii dilka ilmaha oo aan ku badalano wax yaabo kale si uu ilmeheenu mustaqbalkiisu uusan u xumaan.

          hooyo iyo aabe macalin iyo macalimad waalid iyo walaale waxaa muhiim ah inaan ogaano inuu ilmeheenu yahay nimco uu ilaahay nagu galadeestay waajibna nagu ah inaan ilaashano oo aan marwalboo uu xumaan sameeyo oo aan rabno inaan edbino aan dib u xasuusano inta uu naga soo maray dhib korintiisii iyo dhalitaankiisiiba oo aan maankeena gashano inuu ahaa kii dartiis dhibaatooyin loosoomaray .
   
   waxaa dhab ah oo aan la inkiri karin ianay hooyada ama waalidka ama macalinkuba ay ilmaha u qaraacaan si uu u wanaagsanaado balse waxaa muhiim ah inaan ogaano dhibaatada ka dhalan karta qaraaciisu maxay noqon kartaa markaas kadib.

dhibaatooyinka ay ushu keento:

  • fahan xumo .
  • miyir dilaac .
  • mustaqbal xumo .
  • fakarkiisa oo noqda ilmaha markasta wax xun fishe .
  • inuu naco waxbarasha iyo qofkii dilaba .
  • inuu isaga haro waxbarashada markuu weenaado .

seebaan ilmeheena isku jeclaysiin karnaa??

  • ugu yeer ilmaha markasta magiciisa oo hawgu yeerin wax qalbigiisa wax yeelo gaarsiinaya sida waryaa iyo waxa lamid ah oo qofkasta oo noolaa wuxuu ugu jecelyahay in loogu yeero magiciisa oo waxuu dareemayaa raaxo qalbigiisa ah markastoo loogu yeero magiciisa ilmuhuna waa kasii xeel dheeryihiin.
  • ilmuhu haduu khalad galo  hakula dag dagin qaraac dheh (( hebel maxaa ku helay waad fiicneede maxaa maanta kuhelay)) oo ha adeegsan durba inaad dhahdid waxaatahay majirto iyo inaad qaraacdid.
  • haduu ilmuhu waxbarashada xoogaa hooseeyo ama uu garan waayo ha dhihin (damiin ayaa tahay,waxna mafahantid )iwm.   oo kalmadahaasi waxay keenaan dhaawac maskexeed ay adagtahay sida looga saaro . 
  • ilmaha yar markuu casharka si wanaagsan usoo diyaariyo sii hadiyad .
Qore: axmed maxamed xirsi(faratooyo)

No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...