Thursday 4 February 2016

CAQLI WANAAGSAN AYAA LAGU MEEL MARAA>>QR:AXMED FARATOOYO



CAQLI WANAAGSAN AYAA LAGU MEEL MARAA
========================================

dawladii madax weene maxamed siyaad bare waxuu maal gashaday oo maal gashi ku sameeyay dhulka ama dalka wuxuuna qabtay waxaan maanta la inkiri karin oo aad u wanaagsan waxaase hubaal eheed inay jireen khaladaad lagalay waqtigiisii blse taan rabo inaan cabiro ayaa ah maal gashiga dhulku inuu ka muhiimsanyahay maal gashiga dadka oo waagii lamaag gashanayay dalka waxay kaga wanaagsaneed in lamaal gashado awoodaha dadka haday taas dhici lahaydna dulka soomaaliyeed iyo umada soomaaliyeed siday maanta tahay may noqoteen sababtoo ah waagaas ayagoo ay joogeen dad aad u caqlibadan oo og maanta intooda nool muhiimaday dawladnimo lahayd ayaa hadana maanta qofka maanka gaaban ee kusoo koray nin waliba meesha reerkiisu dagaan oo siyaasi caqligiisu uu yahay uu ugu sheekeeyay inuu dawlad yahay ayaa qofka noocaasi wuxuu u haystaa dawladnimada lasheegayo inay tahay taas .
Waxaa jira qaacido bulsheed oranaysa (( wixii hore ogoow waxaan nahay aan ogaanee)) oo aan ula jeedo hadaan xasuusano oo aan waydiino dadkenii usoo joogay dawladnimo waxaytahay waxaan ogaan leheen waxaan maanta nahay oo qof waliba seere uu xirtay oo isku sheegay dawlad .
Markaan leeyahay in reer walba seeruu sameestay oo isu haystaa dawlad maahan inaan leeyahay waxna majiraan blse wax fcn ayaa jira waxaanse ka murugsanahay caqligii wuxuu noqday seere jeexo.
ugu dambeentii waxaan lahadlayaa dhalin yarada filow iyo duqayda caqliga badan inaan xasuusiyo maanta waxaanahay waan aragnaa waxaanse kusoconana waan aragnaa waxaan ahaan jirnayna waad ogtihiin ee dalkaan soomaaliyeed haloo fakaro oo wax halaga badalo oo aan kabaxno caqliyada liidata ee reer nagu ag wareejinaysa iyo duubka daahsoon ee ay reer gaalo nala damacsanyihiin .

by:walal axmed faratooyo

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...