Thursday 10 December 2015

Maxaan ku arkay darsiga sheikh xasan bookh ?

Maxaan ku arkay darsiga sheikh xasan bookh ?
WAXAA QORAY : SH Maxamed Cabdullaahi Cabdulle
Xalay oo ku beegnayd habeen talaado ah 23/03/2015 ayaan waxaan xaadiray darsiga tafsiirka ah ee ka socda masjidka wayn ee Cumar binu khadaab ee magaalada qardho, waxaa akhriyay Sheekh Xasan Maxamed Muuse ( Bookh ) waxa la socday oo masjidka xaadir ku ahaa Bulsho ka faaidaysanaysay oo isgu jira duqow iyo dhalinyaro heer walbaba leh, waxaa kale oo si toosa idaacada Qur,aanka kariimka ee Magaalad Qardho  uga la socday bulshada Qardho ku nool badankood, hareera masjidka iyo bananada u dhowdhow waxaa gaarayey magarfoonka oo aad u cod dheeraa, casharku waxa uu maryeyey suurada ( سورة الشورى )  waxa uu sheekhu ka bilaabay aayada No 32 ilaa iyo dhamaadka suurada , hadaba aniga oo xaadir ku ahaa masjidka bilogii casharka ilaa iyo dhamaadkii waxaa aad ii soo jiitay oon ku arkay qodobadaan :
  • Xuduurka masjidka oo camirnaa oo ka bedelnaa sida indhowayd magaalooyinka lagu arkaayey
  • Dadka dhegaysanaya darsiga oo da, walba lahaa qayb kuraas ku fadhida macnaha uu dhibayo fadhiga hoose iyo dhalin yaryar intaba
  • Dhegaha iyo qalbiga xuduurka oo aad ula socday sheekha iyo tafsiirku suu u socdo
  • Sheekha oo ay ka muuqatay (ilaahay ha xifdiyee) diyaarin aad u saraysa iyo fiqi dheeraada oo ku saabsan casharka
  • Sheekha oo tusaalayaal dadku ay fahmi karaan ku bixnaayey tusaalayaasha
  • Xasiloonida iyo jabaq yarida oo heer cajaaib le ahayd, iyo nadaafada dhamaan masjidka maraafiqdiisa iyo gudihiisba ka muuqatay
  • Tafsiirka oo sheekhu soo bilaabay 15/01/2014 oo ilaa iminka aan kala go,in ama joogsan marka laga reebo bishii ramadaan oo nafaxaadkale iyo duruus loo diyaariyey la galay sida xogta la igu siiyey
Darsiga maxaan ka fahmay?
Darsiga intaan dhegaysanayey waxaan ka fahmay oo aad ii galay tilmaamaha ay ku sifaysan yihiin dadka eebe wayne aktiisa waxa yaal  oo janada ah dhaxlaya,  tilmaamahaas oo darsiga bilwgiisa aayadaha ah Alle ku sheegay waxay gaarayeen 9 tilmaamood:
  • In ay yihiin mu,miniin oo iimaan khaalisa laga helay
  • Waa kuwo Alle keligiis Tala saarta oon milicsan meel kale
  • Waa kuwa ka fogaada danbiyada kuwooda waawayn iyo fuxshiga
  • Waa kuwa goorta laga carasiiyo dadka ku aabi falay iska dhaafa oo cafiya
  • Waa kuwa ajiiba oo maqla Allahood
  • Waa kuwa ooga salaada oo dhamaystira shuruudeeda iyo waajibaadkeeda
  • Waa kuwa taladoodu iyo arinkooda wada tashi ku dhisan yahay
  • Waa kuwa bixiya oo sadaqaysta Allaah waxa uu siiyo
  • Waa kuwa marka lagu gardaroodo aarsada ( gaystana intii loo geystay oon siyaado samayn) Qofka dhaafa oo hadana wanaag ugu dara kii ku gardarooday kaa abaalkiisa Allaah ayuu korkiisa ahaaday
Hadaba dhamaan akhyaarta akhristayaasha waxaan kula dardaarmilahaa inaan iska fiirino tilmaamahaas, hadaan haynana xagsano hadaynaan hayna raadino si aan u rajayno inaan kuwa dhaxlaya janada uga mid noqono.

No comments:

Post a Comment

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...