Tuesday 27 March 2018

SAFARKII NABADDA







Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay horkacayeen gudiga nabad galyada gobolka oo ay qayb ka ahaayeen madasha nabadda iyo isdhexgalka gobolka mudug culimo iyo cuqaal .
 ujeedka safarkaan ayaa ahaa wacyigalinta xoola dhaqatada walaalaha ah ee ku dhaqan bariga gobolka oo xiliyada reebka ay xurguf dhexmari jirtay dhammaan xubnihii wafdigu waxay lakulmeen dadkii uu warkani quseeyay iyagoo iyana soo dhaweeyay nabadda iyo in si sax ah loowada noolaado lagana wada shaqeeyo walaaltinimada walaalaha is xigaalka .

Saturday 24 March 2018

safarkii kormeer dacwo

Wafdi balaaran uu Hogaaminayo Gudoomayaha Mu’assasada Alminhaaj Mudug oo gaarey Degmada Galdagob.



Galkacyo:-Wafdi ka socday Mu’asasada Dacwada Iyo Hormarinta Alminhaaj Faraceeda Gobolka Mudug ayaa wuxuu Booqasho ku tagey Degmada Galdogob iyadoo safarkaasi ujeedkiisu ahaa ukuur gelida Baahiyaha Dacwadeed a ee ka jira Degmada Galdogob iyo Deegaanada Hoos Yimaada.
Wafdigan oo uu Hogaamiyay Gudoomiyaha Mu’asasada Alminhaaj Mudug Ustaad Axmed Faratooyo ayaa waxaa ku  weheliyay madax ka socota xafiisyad  Mashaariicda, Maaliyadda, warbaahinta iyo xiriirka Dagmooyinka .
Wafdiga ayaa  waxaa si balaaran usoo dhaweeyay Ducaadda Degmada Galdogob oo uu u horeeyo Gudoomiyaha Mu’asasada Faraca Galdogob Farxaan Axmed C/laahi.
Wafdigu intuu joogay Galdogob wuxuu booqday qaybaha kala duwan ee magaalada, waxayna dawrooyin iyo kulamo kala duwan la wadaageen qaybaha bulshada ee ku sugan Degmada Galdogob.
Intii uu wafdigu ku sugnaa Degmada Galdogob  ayaa  wuxuu u kuur galay baahiyaha Xafiiska Alminhaaj-Galdogob iyagoo iswaydaarsaday xogo iyo khibaraad kala duwan.
Ugu Dambeyn waxa uu Gudoomiyaha Alminhaaj Mudug Ustaad Axmed Faratooo uu ubalan qaaday Maamulka sare Ee Alminhaaj Galdogob inay iska kaashan doonaan Xalinta Baahiyaha Dacwadeed ee ka jira Galdogob iyo deegaanada hoos yimaada.


















Sunday 27 August 2017

Kafaa,iidayso tabar barka tabarbarayaasha (TOT)

 akaadamiyada horumarinta aadamaha iyo tabarbarada ee ibdaac online waxay bilaabaysaa tabar bar kusaabsan sidaad ku awoodi lahayd inaad jeediso waxaad rabtid adigoo cabsi la,aan ah tabar barkaas oo ladhoho (TOT) waxuu kubaxayaa qaab casharadaada iyo shahaadooyinkaba laguugu soodirayo onlinka ama halkaad doonaysid inaad ku heshidba ,

Wednesday 16 August 2017

GARO GUUSHA FUREHEEDA


Qof kasta waxaa ku beeran hammi ah in uu guul gaadho, ruuxa bulshadu ku qiimayso sarraynta iyo karaamaduna waa kan laga arko guul uu ka gaadhay hawl uu u gacan qaaday ama si guud nolosha. Cilmibaadhis lagu sameeyey furayaasha guusha loo kaashan karo ayaan  akhristayaasha u soo turjunay qodobbada ugu muhiimsan guushaas.
1. himilo cad: Sirta koowaad ee guusha noloshu waa in uu qofku dhigto ujeedooyin cadcad iyo hawlo qodobbaydsan oo uu doonayo in uu gaadho. Waxaa iyaduna muhiim ah in qofku ujeedooyinkiisa uu qoranayo u qaybiyo kuwo himilada dhow ah iyo himilo fog oo uu hiigsanayo mar dambe in uu gaadho. Waa in uu qoro jidka uu u marayo himilada dhow oo u kala horreysa sida ay ugu kala muhiimsan yihiin, kadibna uu qoro jidka uu uga wareegayo haddii jidkaas hore xidhmo, waxaa iyaduna marar badan muhiim ah in hawsha uu doonayo in uu ku guulaystaa  ay lahaato waqti xaddidan oo uu qorshaysto in uu ku gaadho, si haddii waqtigaas uu ku gaadhi waayo u dib uga fikiro waxa qaldan iyo sida uu ku sixi karo.

2. Go’aan qaadasho:  Waa in go’aamada aad qaadanaysaa ay noqdaan kuwo fulintoodu kaa go’antay, haddii bilowga hore aad shaki badan ka qabto fulitaanka go’aankan, ha qaadan go’aankaas ee dib uga fikir.
3. Awoodda saddexan: Jaran-jarrada guushu waxa ay ka bilaabataa kaabadda koowaad oo go’aan qaadasho, laakiin ha illaabin in go’aan aad ku gaadho hawlqabashadeeda uu ka horreeyo saddex arrimood oo ah, in aad marka koowaad garato awooddaada, dhaqaale, jidheed, aqooneed iyo karti kasta oo hawshani u baahan tahay in aad leedahay. Haddii aad taa hubto waxaa iyaduna muhiim ah in aad garato waxa aad ku wanaagsan tahay, tusaale ahaan haddii aad ogtahay in aad saxafi ku habboon tahay oo hiwaayaddii hawshan iyo aqoonteedii aad buuxin karto ha isku hawlin in aad noqoto taliye milateri si aanay ugu fashilmin gaadhisteeda ama ugu yaraan waqti badani kaaga lumin, arrinta saddexaad waa in aad yeelato hal-adaygii go’aanka aad qaadanayso iyo samirkii aad ku sugi lahayd natiijadiisa, haddii aad saddexdaas hayso waxa aad qaadan kartaa go’aan adag oo guushaada fure u noqda.
Awoodda saddexan ee qofka looga baahan yahay in uu ku dhaqmaa waa;
– Oofin: Oo looga jeedo in qofku marka koowaad garto yoolkiisa iyo halka uu beegsanayo iyo weliba jidka uu u marayo.
– Hal-adayg: Oo ah in qofku uu ka soo gudbo marxaladdi fikirka oo uu si ficil ah u gudo galo hawsha uu doonayo ka midho dhalinteeda.
– Dul-qaad: Waa habka keliya ee uu qofku kaga gudbi karo caqabadaha ka hor yimaadda, kuna sii adkaysan karo dhibta ka sokaysa gaadhista hadafkiisa.
4. Curin: Arrimaha waayo-aragnimada lagu ogaaday waxaa ka mid ah in curintu ay ka mid tahay furayaasha ugu muhiimsan ee guusha noloshaada aad ka gaadhayso. Curintu waa qofka oo mar kasta maskaxdiisa miira si ay u keento afkaar iyo qorshayaal cusub. Waa qofka oo hal-abuur yeesha mar kasta oo uu hawl ka faraxashana ka fikira hawsha kale ee iyadana ay tahay in uu guul ka gaadho.
5. Qaladaadka oo wax laga barto: Qaladaadku ma’aha dhammaadka nolosha, mana ah dhammaadka rajada guusha, balse keliya khaladku waa dugsi ay qasab tahay in qof kastaa maro oo loo baahan yahay in wax laga barto lagana faa’idaysto. Qaladaadka aad gelayso inta aad ku gudo jirto dadaalka aad himiladaada ku gaadhayso waa in aad u qaadataa waayo-aragnimo iyo dersi aad ku cibro qaadanayso.
Iska jir in qalad aad mar gashay uu kugu noqdo boog abid ku daba socota, si joogto ahna aad u xasuusato, waayo taasi waxa ay kaa hor istaagaysaa in aad dadaal dambe gasho oo cabsi ayaad ka qabtaa in aad haddana qaldanto. Qaladka ka qaado wixii duruus ku jira, sida in aad fahamto sida uu ku yimi iyo sida ay tahay in aad mar labaad isaga ilaaliso, intaa waxa ka soo hadha waa qaladka in aad dhabarkaaga dambe ka tuurto si aanad dib ugu xasuusanba.
6. Ka faa’idaysiga waqtiga iyo nidaamintiisa: Arrimaha muhiimka u ah guusha nolosha waxaa ka mid ah in qofku uu yaqaanno sida ugu fiican ee uu waqtigiisa ugaga faa’idayn karo gaadhista yoolkiisa nolosha. Waa in aad waqtiga u aqoonsato in uu yahay hanti qaaliya oo Alle hibo kuu siiyey, sida saxda ahi waa in aad ka dhigato raasamaal aad ka faa’idaysato, sababna u noqda guul aad gaadho, haddii kale waa seef laba-af-leh oo adiga ayaa uu ku jari.
7. Rajo-san: Rajo samaantu waxa ay ka mid tahay tilmaamaha muhiimka ah ee lagu garto ruuxa guusha gaadha. In qofku khayr rajaystaa waxa ay qalbigiisa ku beertaa rajo fiican iyo kalsooni uu naftiisa u qaado, waxa aanay ku dhiirri gelisaa firfircoonida iyo shaqada, arrimahaasina dhammaantood lagama maarmaan ayaa ay u yihiin guusha uu ruuxu doonayo in uu noloshiisa ka gaadho.

Shacabkayagu Dowladnimo Ma u Diyaarsan Yahay?

Ummadaha adduunka waa dad u carbiyeysan in la maamulo marka laga reebo Soomaalida, waayo waxay doortaan kan maamuli doona ama waxay raacaan kan aysan dooran siduu doono haku yimaadee iyagoo eegaya danaha dalka.
Waxaad arkeysaa mucaarad taageeraya dowladda una ansixinaya wixii ay keensato si ay wax ugu qabato, sababtu ma aha in uu ku qanacsan yahay maamulka jira, balse waxa uu hubo ayaa ah in uu dadkan tagi doono dalkuna hari doono, waana tan kaliya ee aan fahmi la’anahay haddaan Soomaali nahay.
Maanta waxaan dhaleecaynaa oo dacaayadeeda aan meel walba la fadhinnaa dowladda jirta. Intaas oo kaliya ma ahee waxaan isku daynaa inaan sawirno dowladba dowladda ka dambeysa inay ka sii xun tahay, taas oo ka dhigan in aysan waligeenba nasoo marin mudanayaal duceysan. Laakiin nagula salladay cirka laga soo tuur.
Suurtagal ma aha laga soo billaabo dowladdii Siyaad Bare in uusan waddanka helin madax daacad ah, ee waxaa hubaal ah in aanan haysan ummad loo carbiyeeyay in la maamulo.
Marka ay dowladi wanaagsanaaneyso waa marka uu shacabku ula taagan yahay taageero dhab ah, sidii ay dowladda ugu guuleysan lahayd howlaheeda ee ma aha marka aan mucaaradnimo meel walba la istaagno.
Dal iyo dadba ma sugeyno inta mudane kasta oo xilka ka daga uu isu beddelayo mucaarad u taagan majaxaabinta mudanaha beddelay, maadaama aysan meesha ugu jirin danihii uu eeganayay.
W.D: Maxamed Cabduqaadir Axmed (Socdaal)

SAFARKII NABADDA

Waxaamaalinta maanta ah oo ay bishutahay 27-03-018 socdaal nabadeed ugu anbabaxay dhulka daaqsinka ah ee bariga gobolka mudug wafdi ay ...